Saturday, April 26, 2014

QISO YAR OO CAJIIB AH. ILAAHAYOW KHAATUMADA NOO SUUBI. AAMIN.

QISO YAR OO CAJIIB AH.

Waxaa jiray Nin Salaadaha Masaajidka ku ilaalin jiray oo lagu yaqaanay Masjidka, Ninkii ayaa Xanunsaday markii Masjidkii laga waayey ayaa Nin Sheekh ah oo Masjidka isku yaqaaneen ayaa Damcay inuu soo Booqdo markuu tagay ayuu Arkay Ninkii oo Sakaraad ah, markaasuu Sheekhu ku yiri:- Towxiidka Qabso. Wuxuu ku jawaabay:- Sheekhoow Aniga iyo Kalimadda aad Sheegayso waa nala kala Dhexmaray (yacni ma Awoodo inaan ku Dhawaaqo), Sheekhii ayaa intuu Naxay ku yiri:- Sabab Sow Adigii Salaadaha Masjidka ku soo Tukan jiray ee Fiicnaa?, wuxuu yiri:- Sheekhoow taasi igama ahayn Allaah Dartii ee waxaan lahaa ha Lugu dhaho waa Nin Wanaagsan, markaan Xaafadeyda Imaadana waxaan doono ayaan sameen jiray, Sheekhoow Saddex jeer oo Horena waan Xanuunsaday, markaasaan Gabadheyda yar ku iri Kitaabka Qur'aanka ii keen, markay ii keento ayaan dhihi jiray ilaahayow Qur'aankaaga ayaan kugu Baryayee i Caafi, ilaaheyna wuu iga Aqbalay, haddana sidii oo kale ayaan yeelay laakin markii ay ii keentay Gabadheydii markaan Qur'aankiiba waa la iga Qariyey oo waan Arki waayey.

Haddaba, markuu intaa u sheegay ayuu Sheekhii kacay oo Guriga ka baxay markuu Iridda sii marayo ayuu Qeylo Maqlay, markuu soo noqdayna wuxuuba laa kulmay Ninkii oo Meyd ah, Subxaanallaah.

Wabillaahi Towfiiq.
(ILAAHOOW kHAATUMADA NOO SAMEE)

HOOS GALI EMAILKAGA LA SOCO QISOOYINKA CUSUB AAN SOO GALIYO:

WALAAL SAXIBADAA LA WADAAG QISADAAN HAKA FAAIDEYSTAANE.

No comments:

Post a Comment

QISOOYINKAN KALENA AQRISO:
  • QISO GAABAN OO KU CIBRO QAADASHO MUDAN: Nin odey ah oo meel ku ooynaaya ayaa u yimid nin markaas buu waydiiyey maxaad la oyneysaa adeer? Odeygii aya ku jawaabey:
    28.09.2013 - 0 Comments
    QISO GAABAN OO KU CIBRO QAADASHO MUDAN:  Nin odey ah oo meel ku ooynaaya ayaa u yimid nin markaas…
  • Qiso Cibro Qaadasho Mudan Oo Diini Ah: Islaantii U Imaatay Nabi Daa’uud “Cs”..
    31.07.2013 - 0 Comments
    MAKHLUUQA IYO TASARUFKA ILAAHIslaan ayaa waxa ay u timid Nebi Daud(calyhi salam). Waxa ay ku tiri“Nabigii…
  • Qiso yar oo cajiib badan.Waxa la Wariyaye in Nabi Sulaymaan CS, Maalin isaga oo Fadhiya Badda Xeebteeda, ayuu Arkay.....
    25.07.2014 - 0 Comments
    QISO YAR OO CAJIIB AH.Waxa la Wariyaye in Nabi Sulaymaan CS, Maalin isaga oo Fadhiya Badda Xeebteeda, ayuu…
  • SHEEKO NAXDINLEH, "Cajalad Video ah ayaa burburisey noolasheyda".
    20.07.2013 - 0 Comments
    Gabaryar oo dhigata jamacada-kuliyada tarbiyada ayaa waxaay kawarameysaa sidii ay kuweydey wixii ay mustaqbal…
  • Qiso: Alle Dartiis waxaad uga tagtid Rabi waxa uu kugu Badala Shay ka kheyr badan
    26.11.2015 - 0 Comments
    Qiso: Alle Dartiis waxaad uga tagtid Rabi waxa uu kugu Badala Shay ka kheyr badan.Alle Dartiis waxaad uga…