Saturday, April 26, 2014

QISO CAJIIB AH. (Boqorkii ka Cararay Boqortooyadiisii).

QISO CAJIIB AH.
(Boqorkii ka Cararay Boqortooyadiisii).

Nin Ummadihii Hore ka mid ah oo uu ku sugan yahay Boqortooyadiisii ayaa Fakarey, wuxuuna gartay inuu Boqortooyada ka Dhammaanaayo, waxa uu ku Dhex jirana uu ka Mashquuliyey Cibaadada Rabbigiis, markaas buu Habeen Habeenada ka mid ah ka Dhuuntay Qasriga, wuxuuna ku Waabariistay Boqortooyo kale, wuxuuna Tagey Xeebta, wuxuuna Mushqaayad ku samayn jirey Labanka (Bulukeetiga), wuuna Cuni jirey, Haraagana wuu Sadaqaysan jirey, sidaasna kama Suulin ilaa Arrinkiisa, Cibaadadiisa iyo Fadligiisu gaaray Boqorkoodii.

Markaas ayaa Boqorkoodii u soo Cid diray inuu u yimaado, wuuna Diiday inuu u yimaado, markaas buu ku soo Celiyey, ilaa saddex jeer, wuuna Diiday inuu u yimaado, ka dib Boqorkii wuxuu soo Fuulay Faraskiisii, Ninkii markuu arkay boqorkii ayuu Cararay, Haddaba Boqorkii markuu Arrintaas arkay ayuu ka Daba Orday, mase gaarin.

markaas ayuu Boqorkii u yeeray Ninkii isagoo dhahaayo:- Addoonka Alloow wax dhib ah kuu gaysan maayo, ka dib ayuu Istaagay ilaa uu soo gaaray, markaas ayuu ku yiri:- Yaa tahay Adiga?. Wuxuu yiri:- Anigu waxaan ahay: Hebel hebelkii lahaa Boqortooyada Heblaayo Hebel.
Arrintayda ayaan ka Fakaray, markaas baan gartay waxa aan ku Dhex jiro inay Go’ayaan, wuxuuna iga Mashquuliyey Cibaadada Rabbigeey, markaas baan isaga tagey, halkaan ayaana imid si aan u Caabudo Rabbigeey. Markaas buu yiri Boqorkii:- waxaad samaysay Aniga iigama Baahi badnid.
Intaas ka dib Boqorkii Faraskiisa ayuu ka soo degay, wuuna sii Daayay, ka dibna Ninkii ayuu raacay, si wadajir ah ayayna Allaah SW, u Caabudi jireen, markaas bay Ilaahay ka Baryeen inuu iyaga oo Wadajira Dilo, sidii ayeyna ku Dhinteen iyagoo Wada jira.

Wabillaahi Towfiiq.
(ILAAHOOW NAXRIISTAADA NA SII).

No comments:

Post a Comment

QISOOYINKAN KALENA AQRISO:
  • Qiso cajiib ah.ALLOOW JISMIGEENA NAARTA KA BAD-BAADI, YAA RABBI
    12.11.2013 - 0 Comments
    QISO CAJIIB AH. Nin Dadkii Saalixiinta ka mid ahaa ayaa wuxuu yiri:- Waxaan soo galay Masar waxaan arkay Nin…
  • Sheikh Mohamed Idiris Ila tali: Qabiilka Ma Eed baan Ku Leeyahay?!
    04.01.2015 - 0 Comments
    Asc. Sheekh salaanta kadib waxaan ahay wiil soomaaliyeed oo ku nool qurbaha, Waxaan raba inaan guursado si…
  • QISO AAD U CAJIIB AH HA KA CAAJISIN FADLAN AQRINTEEDA AWEY DHALINYARADII !!
    03.10.2013 - 0 Comments
    QISO AAD U CAJIIB AH HA KA CAAJISIN FADLAN AQRINTEEDAAWEY DHALINYARADII !!Qasidan waxaa ka sheekeenaaya…
  • Qiso: Waligaa Ra,yigaaga gaaban haku xukumin qofna, waayo ma ogid sida ay noolashooda tahay iyo waxa ay la tacaalayaan.
    18.08.2013 - 0 Comments
    Doctor baa waxuu isbitaalka kusoo galay si dag dag ah, waayo waxaa loogu wacay in uu qalniin sameeyo, wuuna…
  • qiso cajiib ah: Hooyo Gabar ay dhashay xaramka uga dhuntay sanado ka dibna heshay ayadoo......
    01.12.2015 - 0 Comments
    booqo www.yarankahashiahmed.com ka aqriso qisooyin diini ah Aslaamu Calaykum WaraxmatulaahiWabarakad…