QISOOYINKA NABIGA SCW KA SUGNAADAY

Qisas Wa Taariikh - Qaybta 1aad
Xaakim ayaa ka wariyay Abuu Muusaa in uu yiri:
Rasuulka (SCW) ayaa ku soo degay nin reer miyi ah, markaas ayuu karaameeyay.
Markaas ayuu Nabigu (SCW) ku yiri: (ninka reer miyiyoow i weydiiso dantaada).
Markaas ayuu yiri laba jeer: Rasuulka Alloow: hal reeryaysan iyo riyo reeruhu ii maalaan. Markaas ayaa Rasuulku (SCW) ku yiri: ( war ma kari weyday in aad noqotid habartii reer Banii Israa’iil oo kale?).
Deeto asxaabtii ayaa waxay dheheen: Rasuulka Alloow (SCW) maxay ahayd habarta reer Banii Israa’iil..?
Markasuu yiri: (Muuse ayaa doonay in uu reer Banii Israa’iil la boxo, markaasuu jidkii ka dhumay, markaasay culimadii reer Banii Israa’iil ku dheheen: Annagaa kuu sheegayna ee Yuusuf ayaa ballan Ilaahay nagaga qaaday in aanaan Masar ka bixin ilaa aan lafihiisa qaadno.
Markaas ayuu yiri: qofkiinee yaqaan qabriga Yuusuf?. Waxay dheheen: qabriga Yuusuf cid aan habarta reer Banii Israa’iil ahayni ma yaqaan, markaas ayuu u cid diray, wuxuuna ku yiri: I tus qabriga Yuusuf.
Markaasay ku tiri: Wallaahi in aanan yeelayn ilaa aan jannada kula galo. Nabigu (SCW) wuxuu yiri: (wuu dhibsaday Rasuulkii hadalkeedii, markaas ayaa lagu yiri: sii dalabkeeda, markaasuu siiyay, markaasay timid badyaro (meel biyuhu ku uruuraan) markaasay tiri: dhura biyahaan, markay dhureen ayay ku tiri: qoda halkaan, markay qodeena waxaa ku jira lafihii Yuusuf. Markii ay dhulka ka qaadeenna waddadii waxay u noqotay sida iftiinka maalinta oo kale.

Maxaan ka faa’iidaysanaynaa xadiiskaan..?

Waxaynu sheegnay in sheekada warinteeda diintu ka leedahay ujeeddo la doonayo in lagu gaaro. Ujeeddada ugu weyni waa in cibro iyo waansamid laga qaato oo hadday wanaagsan tahayna lagu daydo, hadday xuntahayna laga dheeraado. Hadaba aynu eegno qaar ka mid ah faa’iidooyinka xadiisku xambaarsan yahay.
1. Martigalintu waa wax xaq loogu leeyahay qofka muslimka ah. Mu’minka waxaa saaran in uu karaameeyo martidiisa, waana sida uu yeelay ninkaas saxaabiga ah oo reer baadiyaha ahaa.
2. Diinteennu waxay inaku boorisay in qofka ixsaan loo galo uu ka abaalgudo, duca kaliyaba Alle ha ka dhigee, waana arrin dhaqan u ahayd Rasuulkeenna (SCW), sidaa darteed ayuu ku yiri ninkii marti sooray oo karaameeyay: sheego dantaada.
3. Ninkii ma haleelin in uu Rasuulka wax weyn oo adduun iyo aakhiro anfaca weydiisto ee wuxuu su’aashay wax yar oo adduunyo kaliya ah. Taasna Rasuulku (SCW) ma garaysan; maxaa yeelay nin mu’min ah oo og in uu Rasuulkii (SCW) dalab u sheeganayo ma qabato in uu wax sidaa u hooseeya sheegto, illeyn mu’minka waxaa lagu yaqaanay hanweyni iyo inuu meel sare ka fakaro. Kolkaas ayaa Nabigu (SCW) tusay asxaabtii in sida habartaas loo hanweynaado ee aan wax liita hadaf laga dhigan.
4. Ninkaan reer baadiyaha ahi Nabiga (SCW) wuxuu weydiistay wax xalaal ah oo uu u baahnaa, Nabiguna (SCW) wax ka weyn oo ka qiimo badan ayuu la doonayay ee inuu xumaan sameeyay kuma sheegin. Haddaba maxay kula tahay nin weyn oo subax walba u soo kallahaya in uu dadka waydiisto wax marka horena xaaraan ah, haddana wax yar oo liita sii ah, sida: Qaad iyo kii lagu Qiicin lahaa?.
5. Waxaa saaran culimada iyo hoggaanka ummadda in ay ogaadaan in jabka iyo dib u dhaca ummadda haysta uu xaggeeda ka yimid oo ay darsaan asbaabta keentay; si xal loogu helo ee aanay inta indhaha isku qabsadaan oran waan saxanahaye soo socda ama hadba meel cusub oo waxa ka soo bixi doona aan la ogayn aanay wejiga ku diirin.
6. Qisadaani waxay tusaysaa qiimaha cilmigu leeyahay iyo sida loo qadarinayo qofka cilmiga leh. Waxay kale oo tusaysaa haddii dadka cilmiga leh aan aqoontooda iyo ra’yigooda la tixgalin in la dhumayo. Ninkii yiraahda waan ka maarmayaana in uu meel mugdi ah oo haadaan ah wax ka tuurayo.
Eeg Nabigii Ilaahay ayaa ku khasbanaaday in uu habar wax weydiiyo oo waliba ay shuruud ku xiraysaa, isna ka yeelayaa; si uu dadkiisa jid toosan u mariyo. Ka waran haddii la yiraahdo waa habare inaga daaya?.
7. In ay ummadihii hore ku jireen dad khayrka aad ugu han weyn sida habrtaan. Asxaabta Nabigeenana (SCW) dhaqan bay u ahayd in ay ka fakaraan oo raadshaan meelo sare. Tusaale ahaan: markuu Nabigu (SCW) ka waramay todobaatan kun oo ummaddiisa ah oo jannada xisaab la’aan iyo cadaab la’aan galaya, waxaa soo booday Cukaasha ibnu mixsan oo yiri: Rasuulka Alloow (SCW) Alle ii bari in uu igu daro.
Markaas ayaa Nabigu (SCW) ku yiri: ka mid ayaad tahay. Sidoo kale markii Nabigu (SCW) sheegay in jannadu leedahay siddeed albaab ayuu yiri Abuubakar: qofna ma looga yeerayaa albaabadaas oo dhan?.
Nabigu wuxuu ku yiri: waxaan rajaynayaa in aad ka mid noqotid. Waxaa kale oo jiray nin saxaabi ah oo Nabigu ku yiri: I weydiiso, isna weydiistay in uu jannada kula rafiiqo Nabiga (SCW), markaasuu ku yiri: (iigu kaalmee sujuud badan). Saxaabigaasi wax janno ka yar wuu ku qanci waayay.
8. In ay dumarka ku jiraan qaar ragga badankiisa khayrka kaga han weyn oo jannada iyo raallinimada Alle uga dadaal badan, sida habartaan oo kale. Waxaa xusid mudan in dumarkii asxaabtu sidaa oo kale ahaayeen, sida:
Ummu Suleym binti milxaan oo markii Nabigu (SCW) isaga oo gurigeeda jiifa uu soo toosay isaga oo qoslaya, markay weydiisay sababta uu la qoslayana wuxuu yiri: dad asxaabtayda ka mid ah oo badda fuulaya iyaga oo jidka Ilaahay ku duulaya, markaasay ku tiri: Rasuulka Allow (SCW) Alle ii bari in uu igu daro, markaasuu ku yiri: waad ku jirtaa.
Waxaa iyana soo qaadis mudan saxaabiyaddii sarcaha qabtay oo Rasuulka ku tiri: ii ducee oo uu ku yiri: kala dooro in aan kuu duceeyo oo aad biskootid iyo inaad sabartid oo aad jannada gashid, markaasay dooratay jannada, Nabigana (SCW) waxay weydiisatay in uu u duceeyo si aysan u faydmin cawradeedu markii ay suuxdo, wuuna u duceeyay oo markay suuxdo ma faydmi jirin.
Haddaba soo gabdheheenna maanta lama gudboona inay ku daydaan dadkaas qiimaha badan?, miyayse qabataa inay cumrigooda ku dhammeeyaan daah, sariir, dhoof iyo sheeko baraley?.
Maya oo gabdhahayagu intaa ka qiima badan ee Alle ha u siyaadiyo wanaagga.
9. Qisadani waxay tusaysaa sida Rasuulku (SCW) uu asxaabtiisa iyo ummaddiisa ula jeclaa khayrka iyo han weynida, uuna ugu boorin jiray mar kasta oo fursadi soo marto raadinta darajooyin sare, tusaale ahaan wuxuu ku yiri asxaabta: haddaad Alle janno weydiisataan Firdawsa weydiista maxaa yeelay; waa meesha jannada ugu sarraysa, uguna wanaagsan, webiyada jannaduna ka soo burqadaan.
10. Qisadaani waxay ka mid tahay mucjisooyinka Rasuulka (SCW); maxaa yeelay waa wax ghayb ah oo in Rabbi u sheega mooyee aanu si kale ku ogaan Karin illeyn qisada habartu kumaba taal tawraadda hadda Yuhuuddu haysato.
11. Dadka waxaa ku dhaca tawfiiq la’aan hadday fulin waayaan amarka Ilaahay. Eeg reer Banii Israa’il oo Nabi Muuse la socdo ayaa jidkii ka dhumay dardaarankii Nabi Yuusuf oo la fulin waayay awgi. Waxaa la mid ah markii qaar asxaabta ka mid ahi khilaafeen amarkii Rasuulka (SCW) maalintii Uxud muslimiintii oo dhan ayaa dagaalkii ku jabay iyagoo Nabigii (SCW) la joogo.
Fiiro Gaar
In lafihii Nabi Yuusuf la soo saaray macneheedu ma aha in jirka intii kale baaba’day ee waxaa looga jeedaa in meydkii oo dhan laga soo saaray qabrigii; maxaa yeelay Nabigeenna (scw) ayaa sheegay in Ilaahay dhulka ka xaaraameeyay in uu cuno jirka Nabiyaasha.
Qisas Wa Taariikh - Qaybta 2aad
Nabi Duullaan
Bukhaari iyo Muslim ayaa ka wariyay Abuu Hureyra in uu yiri: Rasuulku (SCW) wuxuu dhahay: (Nabi Nabiyaasha ka mid ah ayaa duullaan qaaday, markaasuu ku yiri qowmkiisii: Yaanu iraacin:
  1. nin naag mehersaday, walina aan dhisan oo doonaya inuu la aqalgalo.
  2. nin guryo dhistay oo aan wali dadin (jiingad saarin).
  3. nin ari ama halo riman (geel dhalaayo) soo iibsaday oo sugaya fooshooda.
Duullaankii ayuu qaaday, wuxuuna u dhawaaday magaaladii xilligii salaadda casar ama mar ku dhaw, markaas ayuu ku yiri qorraxdii: adigu waad amran tahay, anna waan amranahay. Alloow noo xabis (jooji).
Markaa ayaa qorraxdii la joojiyay ilaa magaaladii laga furtay (qabsaday).
(Nabigii) wuxuu soo uruuriyay qaniimadii, markaasaa dabkii yimid; si uu u cuno qaniimada waase cuni waayay, markaasuu Nabigii yiri: khiyaanaa idanku jirta (qaniimo xadow) ee qolo kasta nin ka mid ah ha ila galo beeco (gacan qaad).
Kolkaas ayay nin gacantiis ku dhagtay gacantii Nabiga, markaasuu ku yiri: idinkaa khiyaanadu idan ku jirtaa ee qabiiladaadu ha ila baayactanto, ka dibna labo ama seddex nin ayaa gacmohoodii ku dhageen gacantii Nabiga, markaasuu ku yiri: idinkaa qaniimada khiyaanay.
Kolkaas ayay keeneen sac madixiis oo dahab ah, waxayna ku soo dareen qaniimadii, markaasaa dabkii yimid oo qaniimadii cunay.
Markaa ka dib ayaa Ilaahay annaga noo xalaaleeyay qaniimooyinka, Wuxuu arkay taagdaridayada iyo cajsigayaga markaasuu noo xalaaleeyay).
Faa’iidooyinka xadiiska
1. Qisadu waxay tusaysaa in Jihaadku waajib ku ahaa ummadihii ina ka horreeyay. Nabiyaasha Ilaahay iyo qowmamkooduna ay gali jireen Jihaad ay diinta Alle ku koryeelayaan.
Nabigaan hadda laga waramayo waa Nabi Yuushac sida uu caddeeyay xadiis Imaam Axmad wariyay, waana wiilkii la socday Nabi Muuse markii uu Khadir u socday.
Nabi Muuse ayaa ku dhaafay reer Banii Israa’iil markuu dhimanayay, waana Nabigii furtay dhulka barakaysan ee Bayt almaqdis oo xilligii Nabi Muuse ay diideen reer Banii Israa’iil inay galaan.
2. Madaxda ciidamadu waxay ku dadaalaan in ay uruursadaan tirada ugu badan ee ciidan ah oo ay heli karaan. Nabi Yuushacse wuxuu xoogga saaray tayada ciidanka waliba xagga Alle ku xirnaanta.
Waxaa taa la mid ah Daaluut markii uu ku yiri ciidankiisa: Alle wuxuu idanku imtixaanayaa wabi ee ninkii ka cabba iga mid ma aha, kaan dhadhamina waa iga mid nin sacab darsada mooyee.
Kolkay in yar mooyee wada cabbeenna intii yarayd ayuu la gudbay oo cadawgii kula diriray, Allena guushii ku siiyay.
3. Nabi Yuushac wuxuu diiday in ay raacaan dadka sababta u noqon kara jabka ciidanka oo qaluubtoodu adduunyada ku mashquulsan tahay.
Waxaa ugu horreeya nin gabar guursaday oon wali u galmoon oo miskaxdiisu iyadii la jirto iyo suu u dhisan lahaa, waliba hadduu dhallinyaro yahay ama gabadha aad u jecelyahayna kaba sii daran.
Kan labaad waa nin guryo dhismohoodu qabyo ka yihiin oo dhammaystirkooda ka fakaraya.
Kan seddexaad waa nin geel ama ari rimman soo iibsaday oo maankiisu ku maqan yahay dhalistooda iyo ubadka ay dhali doonaan.
Dadka Nabi Yuushac diiday in ay raacaan waa dad waxyaabo xalaal ah ka fakaraya, kuna mashquulsan. Haddaba maxay kula tahay dad iyagu ciidanka muslimiinta ugu dhex jira sidii ay xoolo uga heli lahaayeen ama xukun ugu gaari lahaayeen ama kula dhex jira ciidanka cabsigalin, dicaayad, isku dir iyo basaasnimo. Waxaa waajib ku ah hoggaanka ciidanku in ay ka sifeeyaan ciidanka dadka noocaas ah.
4. In kasta oo Nabi Yuushac ku dadaalay in uu ka sifeeyo ciidankiisa dadka dhinacooda laga soo gali karo hadana waxaa ku haray qaar iimaankoodu daciif yahay oo qaniimadii xaday. Madaxda ciidankana waxaa saaran in ay khaladkooda horay ka saxaan ee aan la oran waa raggee daaya.
5. Qisadu waxay tusaysaa ahmiyadda ducadu leedahay gaar ahaan marka cadaw la is hayo. Nabi Yuushac markii uu arkay in waqtiga u haray yar yahay ayuu Alle weydiistay in uu qorraxda u xayiro inta uu tuulada qabsanayo, Allena waa ka aqbalay. Daaluut iyo mu’miniintii la socday Alle ayay ka baryeen in uu sabar siiyo, uu sugo, uuna ka guuleeyo gaalada. Nabigeennuna maalintii Badar Alle ayuu baryay ilaa go’ii sare ka dhacay oo uu Abuubakar ka yiraahdo: Ilaahay waa kuu oofinayaa wuxuu kuu ballanqaaday. Kolkaas ayuuna soo degay nasriga Ilaahay.
6. Xadiisku wuxuu ku hanuuninayaa dadka madaxda ah in aysan u dhiibin arrimaha waaweyn ee ummadda dad quluubtoodu wax kale kaga mashquulsan tahay.
7. Hogaanka ciidanku wuxuu u baahan yahay aqoon dabciga dadka iyo doorasho dad awooda inay ku sabraan goobta dagaalka, isla markaana laga fogaado adeegsiga dadka dhankooda islaamka looga imaan karo.
8. Makhluuqaadka kownka ku sugan Alle ayaa maamulkoodu gacanta ugu jiraa. Qaanuunka (sunanka) Alle ku maamulo walxaha kama hor istaagayo Alle sida uu doono in uu yeelo. Eeg dabka Nabi Ibraahim lagu riday ee qabawga iyo nabadgalyada uu Rabbi uga dhigay. Waxaa taa la mid ah in Alle qorraxda istaajiyay ilaa Nabi Yuushac ka furanayay qaryadii uu ku soo duulay.
9. Xadiisku wuxuu tusayaa mucjisooyinka Alle siiyay Nabi Yuushac, sida: joojinta qorraxda oo Alle ducadiisii aqbalay iyo in uu tusay qabiilkii iyo nimankii qaniimada xaday.
10. Qisadu waxay xambaarsan tahay sida Alle ugu hiilinayo ahlu-xaqa iyo inay reer Banii Israa’iil ku jireen dad saalixiin ah oo jidka Alle ku jihaada, Allena fatxi siin jiray.
11. Qaniimadu xaaraan ayay ka ahayd uumankii hore, innagana Alle ayaa inoo xalaaleeyay markuu arkay baahideenna iyo taag darrideenna. Waxay ka mid tahay xalaalaynta qaniimadu waxyaabaha Alle gaar u siiyay Nabigeenna (SCW) oo aysan Nabiyaasha kale la wadaagin.
12. Qaniimada in la xado waa dambi, dabkiina wuu cuni waayay markii qayb la xaday, markii la soo ceshay intii laga qaatayna wuu cunay markiiba. Nabigeennu wuxuu inoo sheegay in uu nin xaday go’ qaniimada ka mid ah oo uu isaga oo dab ah qabriga kula holcay. Waxaa kale oo uu sheegay in kii qaniimada wax ka xada uu aakhiro keenayo isaga oo dusha ku sida.
Wargalin dhaamaan akhristayaasha waxaan ku wargalinayaa in isbuuciiba hal mar aan idiin soo gudbin doono haddii alle idmo qisooyinkan gaar ahaan maalinta jimcaha ah.
Qisas Wa Taariikh - Qaybta 3aad
Imaam Axmad ayaa kitaabkiisa musnad kaga wariyay Ubayy ibnu Kacb in uu yiri: labo nin ayaa abtirsaday samankii Nabigeenna (SCW), markaasaa midkood yiri: waxaan ahay ina hebel hebel ee adigu yaad tahay hooyo beele?. Kolkaas ayaa Nabigeennu (SCW) yiri:
(Labo nin ayaa abtirsaday xilligii Nabi Muuse, markaasaa midkood yiri: waxaan ahay ina hebel hebel ilaa uu tiriyay sagaal oday ee adigu yaad tahay hooyo beele?. Markaasaa kii kale yiri: waxaan ahay ina hebel hebel islaam. Markaas ayaa Nabigu (SCW) wuxuu dhahay: Alle ayaa markaas u waxyooday Nabi Muuse in uu ku dhoho: labadiinaan abtirsaday: kan sagaal oday oo Naarta ku jira ku abtirsadayoow adigaa Naarta ku tobaneeya. Kan labo oday oo Jannada ku jira ku abtirsadayoowna adigaa ku seddexeeya Jannada).
Faa’iidooyinka xadiiska:
1. Xadiisku wuxuu tusayaa in ninkaani ugu faanay walaalki awoowayaal gaalnimo ku dhintay oo uu u arkayay inay ka muhiimsan yihiin kuwa ninkaan kale ku abtirsado. Nabigu (SCW) wuxuu sheegay: in abtir isugu faanku yahay dhaqan jaahili ah oo aysan ummaddiisu ka tagayn. Dhanka kale waxaa ka muuqata in uu liidayo ama durayo abtirka ninkaan kale oo walaalkiis ah. In la duro nasabka dadku waxay ka mid tahay dhaqamada jaahiliga ahaa oo Nabeegeennu (SCW) uu sheegay in aysan ummaddiisu ka tagayn.
Waxaa kale oo Nabigu (SCW) yiri: Qofka waxaa dambi ugu filan in uu walaalkiis muslimka ah xaqiro (liido). Haddaba waa in si weyn la isaga ilaaliyo khatartaas.
2. Rasuulku (SCW) wuxuu digniin adag ka baxshay abtir ku faanka, ciddii aan ka harina Ilaahay agtiisa waxay noqonayaan kuwa ka liita doorshaanka (xaar walwaal) saxarada sanka ku dilindileeya (riixa). Walaalayaalow haddii ninka qabyaaladda wadaa ka liito doorshaan soo qabyaaladduna saxaradii doorshaanku waday kama liidato, mase idiin muuqataa in meesha ay ka soo baxday nin weyn oo saxaro sanka ku riixaya!!!. Waa musiibee: Innaa lillaahi wa innaa ileyhi raajicuun.
3. Xadiisku wuxuu ina barayaa in fasaadka iyo qallooca lagu saxo warinta akhbaarta dadyawgii hore. Nabigeennu (SCW) wuxuu u wariyay nimankii isu faanayay qiso la mid ah qisadooda; si ay ugu cibra qaataan oo uga haraan dhaqankaas xun.
4. Xadiisku wuxuu tusayaa in labada nine ee reer Banii Israa’iil midba uu ku faanay wixii la weynaa ama qiimaha la lahaa; maxaa yeelay mid aan awoowayaal badan lahayni ma jiro ee kan inta muslimiinta ah kaliya iyo islaamnimada ku abtirsaday wuxuu og yahay in aan gaalo ku abtirsigeed sharaf u soo hoyinayn. Kan kalese wali waxaa ku jira haraagii dhaqankii jaahiliga ee awoowayaasha la isugu faani jiray. Sayid Cumar Ibnu Alkhaddaab ayaa laga wariyay: waxaan nahay qolo Ilaahay ku ciseeyay islaamnimada, markii aan ciso ka raadino wax kalena Alle ayaa na dulaynaya. Walaalayaalow sida Cumar sheegay oo dhab ah soo idiin ma muuqato xilligaan.
5. Xadiisku wuxuu si cad u muujinayaa dambiga abtir ku faanka iyo khatarta uu leeyahay; maxaa yeelay ninkii ku faanay awooweyaasha waxaaba loogu bishaareeyay inuu naarta galayo isaga iyo waxa uu ku faanayaba. Nabigeenuna (SCW) wuxuu yiri: (ninkii camalkiisu la gaabiyo nasabkiisu dheeraysiin maayo). Tan kale waxaa xadiiska ku cad in ninkii islaamnimada qabsada oo ciso ka doonta Alle ku sharfayo, kuna siinayo ciso adduun iyo janno aakhiro.
6. Aabbayaasha wanaagsan waxay laftoodu wax ku anfacaan in lagu raaco islaamnimada, sida uu Rabbi ka wariyay Nabi Yuusuf: (waxaan raacay diinta aabbayaashay Ibraahiim, Isxaaq iyo Yacquub oo nama qabato in aan Alle u shariik yeelno). Waxaa kale oo Rabbigeen yiri: (Kuwa mu’miniinta ah oo ay durriyaddoodu ku raacday iimaanka waxaan haleeshiinaynaa durriyaddooda, camalkoodana waxba ka nuqsaamin mayno). Haddaba waa in ay ogaadaan dadka ku abtirsada culimo iyo dad kale oo wanaagsan in aysan waxaba ka macaashayn wanaagga aabbayaashood haddaanay ku raacin diinta iyo wanaagga.
7. Xadiisku wuxuu tusayaa sida islaamku qofka qabsada uu ugu beerayo isku kalsooni. Eeg ninkaan ka dhashay qolada malaha awal la yasi jiray sida uu imminka isugu kalsoon yahay islaamnimada awgeed.
8. Xumaanta qabyaaladda iyo quursiga waxaa ku tusaya sida markiiba Ilaahay iyo Nabiayaashiisu uga jawaabayaan isu faanka dhexmaraya nimanka wanaagsan iyo kuwa xun xun ee wali dhaqankii jaahilyada dabada haya.
9. Islaamku wuxuu si cad oo adag uga digayaa casabiyada iyo fir ku faanka. Waxaa kale oo aan la ogolayn in tolka lagu raaco baadilkooda ama loogu hiiliyo dulmi.
10. Qofkii qaraabadiisa ama tolkiis kula safta wax xaq ah ma aha qabyaaladayste ee waajib saarnaa ayuu gutay; maxaa yeelay islaamku wuxuu ina amray in aynu u hiilino muslim kasta oo dulman, waxaana la ina ka nahyiyay in aynu hoojino. Waxaase digniin ah in aan loo qiil dayin dulmiga tolku muslimiinta kale ku samaynayaan. Hiilka tolku xaaladdaas waxa weeye in dulmiga laga qabto oo laga badbaadiyo wax ay naar ku galayaan ama cuquubo adduun oo deg deg ah ku kasbanayaan. Dulmiga iyo caasi waalidnimaduna waa labada dambi ee Ilaahay ciqaabtooda soo dadajiyo adduunka.
Qisas Wa Taariikh - Qaybta 4aad
Bukhaari ayaa Abuu Hurayra ka wariyay in uu yiri: Nabigu (SCW) wuxuu yiri: (Ibraahiim ayaa haajiray isaga oo wata xaaskiisii Saara, wuxuu la soo galay magaalo uu haysto boqor boqorada ka mid ah ama jabbaar jabbaarada ka mid ah, markaasaa lagu yiri: waxaa soo galay Ibraahiim oo wata haween dumarka kuwa ugu qurxoon ka mid ah, markaas ayuu u cid diray oo ku yiri: Ibraahiimoow tan kula socota waa ayo?.
Wuxuu yiri: Waa walaashay, deeto ayadii ayuu ku noqday, wuxuuna ku yiri: hadalkaygii ha beenin, waxaan u sheegay in aad walaashay tahaye. Alle ayaan ku dhaartaye in uusan dhulka dushiisa joogin mu’min aniga iyo adiga aan ahayn.
Markaas ayuu u diray, markaas ayuu (boqorkii) u soo kacay, iyaduna waxay bilowday weeso iyo salaad, waxayna tiri: Alloow haddaan ku rumeeyay adiga iyo rasuulkaaga oo aan ka ilaaliyay dhashadayda (xubinka taranka ee dhadiga) cidaan ninkayga ahayn ha igu salladin gaalka.
Markaas ayaa la ceejiyay ilaa uu lugta ku raftay).
Abuu Hurayra wuxuu yiri: (waxay tiri: Alloow hadduu dhinto waxaa la dhihin iyadaa dishay, markaas ayaa la sii daayay gaalkii).
Mar labaad ama seddexaad ayuu sidii yeelay oo haddana Alle ka celiyay. Markaas ayuu yiri: Shaydaan uun baad ii soo dirteene u celiya Ibraahiim, Haajarana siiya.
Markaas ayay ku noqotay Ibraahiim (CS), waxayna ku tiri: ma ogtahay in Alle gaalkii hoojiyay, jaariyadna uu noo adeejiyay?.
Riwaayad kale oo Bukhaari ka wariyay Abuu Hurayra wuxuu ku yiri: (Ibraahiim been ma sheegin seddex beenood mooyee: labo ka mid ah Alle dartiis ayay ahaayeen, waana hadallada Alle ka wariyay oo kala ah: (waan xanuunsanahay) iyo (mayee waxaa sameeyay koodan ugu weyn).
Wuxuu yiri Nabigeennu (SCW): (maalin maalmaha ka mid ah ayaa isaga oo ay Saara weheliso uu u yimid Jabbaar Jabbaarada ka mid ah … ).
Wuxuu sheegay qisadii hore waxaase ku dheeraad ah: in markii la qabtay gaalka uu ku yiri Saara ii ducee ku dhibi maayee oo ay u ducaysay markii la sii daayayna uu mar kale laacay oo haddana loo qabtay sidii hore ama ka sii daran oo uu mar kale ku yiri ii ducee ku dhibi maayee oo ay u ducaysay, deetana la sii daayay.
Ugu dambayntii waxay u timid Ibraahiim oo taagan oo tukanaya, markaas ayuu u ishaaray maxaa jira?. Waxay tiri: Alle dhagartii gaalka ama faajirka waa celiyay, Haajarana waa noo adeejiyay).
Abuu Hurayra wuxuu yiri: Taasi waa hooyadiin banii maa’ alsaam’ oow.
Sharax kooban
Qoladaas hadday rabaan haween la qabo dhaqankoodu wuxuu ahaa inay dilaan ninkeeda, qaraabadeedase wax uma dhimi jirin.
Nabi Ibraahiim markuu u yimid ninkii boqorku soo dirsaday wuxuu ku yiri:
Waa walaashay; si uu uga badbaado dilkaas.
Hadalka ah (waan xanuunsanahay) wuxuu yiri Nabi Ibraahiim mar gaaladu ugu yeertay in uu kala qaybgalo ciid shirki ah oo ay lahaayeen.
Hadalka ah (mayee koodan ugu weyn ayaa sameeyay ee weydiiya hadday hadlayaan) wuxuu yiri Nabi Ibraahiim mar uu inta burburiyay sanamyadii ay caabudayeen marka laga reebo kii ugu weynaa oo intuu faaskii garabka u suray uga tagay.
Markii la weydiiyay yaa Ilaahyadayadii waxaan ku sameeyayna jawaabtaas ayuu baxshay. Haajara waa gabar uu boqorkii soo siiyay Saara markii xumaantii uu la damcay Alle ka difaacay. Ka dib waxay siisay Nabi Ibraahiim oo guursaday waana tan dhashay Nabi Ismaaciil.
Sidaa darteed ayuu u yiri Abuu Hurayra taasi waa hooyadiin Banii Maa’ alsaa’oow. Magacaas oo tafaasiirta qaarkeed ku sheegay in loola jeedo Carab.
Faa’iidooyinka Qisadan ku jira
1. Nabi Ibraahiim oo wata xaaskiisa Saara oo ahayd markaas qofka kaliya ee rumeeyay wuxuu ka haajiray deegaankiisii, isaga oo la cararaya diintiisa; maxaa yeelay diintu waa nicmada ugu weyn ee Alle muslimka siiyay.
Haddaba in uu kala cararo diintiisa wax kasta oo khatar ka galin kara way qabataa, hadday doonto khatar kale haba galisee sida haddaba Nabi Ibraahiim ku dhacday oo gaalo uu cirdigiisa iyo naftiisa uga baqayo ka dul dhacay.
Wuxuu haajiray Nabi Ibraahiim markii qawmkiisu dabka ku rideen ka dib.
2. Qisadu waxay tusaysaa sida loogu baahan yahay in qofka muslimka ah la socdo dhaqamada ummadaha kala duwan; si uu u ogaado habka ugu habboon ee loola dhaqmi karo qolo kasta, loogana badbaadi karo dhibtooda. Eeg Nabi Ibraahiim khatarta uu gali lahaa haddaanu aqoon dhaqanka dadkaan oo ahaa in ay dilaan ninka ay xaaskiisa damaaciyaan. Fahamka dhaqanka dadku wuxuu kale oo muhiim u yahay soo islaamintooda iyo sixidoodaba.
3. In ay bannaantahay sarbeebtu oo aysan ahayn been. Nabi Ibraahiim wuxuu ku yiri gaaladii: Saara waa walaashay, isaga oo uga jeeda in ay tahay walaashiis xagga islaamnimada. Bukhaari ayaa sameeyay baab: (sarbeebta waxaa ku sugan wax (qofka) beenta ka deeqa), wuxuuna wariyay xadiiskii Ummu Suleym ee ay ku tiri Abuu Dalxa (ninkeeda): wiilkii neeftiisu way xasishay, waxaana rajaynayaa in uu raaxaystay.
Waxay ka hadlaysaa wiil uu xanuun ku ogaa, intii uu maqnaana dhintay, kolkii uu ka waraystayna sidaas ayay ugu jawaabtay iyada oo u jeedda in geerida darteed neeftiisii la istaagtay, xanuunkii iyo dhibtii dunidana uu ka raaxaystay.
Waxaa xusid mudan in marka sarbeebtu bannaantahay ay tahay markii xaq lagu sugayo ama dulmi lagu difaacayo ee aysan bannaanayn marka xaq lagu duudsiinayo ama baadil lagu sugayo.
4. Nabi Ibraahiim wuxuu kula dardaarmay Saara in aysan hadalkiisa beenin, wuuna u sheegay macnaha sarbeebta uu isticmaalay; maxaa yeelay hadday sheegto in uu ninkeedii yahay waxaa meesha ka baxaya xikmaddii markii hore Nabi Ibraahiim sarbeebta u isticmaalay oo ahayd in gaalada sharkooda lagaga badbaado.
5. Nabi Ibraahiim xaaskiisii wuxuu u diray gaalka isaga oo ku kalsoon in Alle ka ilaalin doono sharkiisa. Nabigu maadaama uusan difaaci Karin xaaska, ayna ka dhalanayso hadduu dagaalamo in isagiina la dilo, iyadiina uusan waxba u tarayn ayuu fuliyay dalabkii gaalka, wuxuuna u jeestay xagga Alle isaga oo weydiisanaya in uu ka badbaadiyo gaalka sharkiisa.
Arrintaani waxay tusaysaa qofka muslimka ah in Rabbi ku addoonsaday wixii uu karo oo kaliya. Tan kale waxaa la xaaraameeyay goynta nafta muslimka ah haddii aan lagu xaqiijinayn wax ka weyn nafta, sida: Jihaad fii sabiili Allaah oo diinta kor loogu qaadayo. Marka aan la hayn awood gaalada la isaga celiyo meesha ma taal in la is dhiibo ee waxaa muslimka laga doonayaa in uu isticmaalo xeelado uu dhibta isaga celiyo ama isaga yareeyo, khayrkana ku fuliyo ilaa laga gaarayo marxalad xoog la isaga caabbin karo cadawga.
6. Baahidu waxay ku khasbi kartaa qofka muslimka ah in uu ka gabbado dabaylaha markii aanu hor istaagi Karin.
Muslimiinta looma oggola in ay qaataan go’aamo qar iska xoor ah oo dhibaatana u keenaya, hadafna aan lagu gaarayn.
Hadafka Jihaadkuna waa in diinta lagu koryeelo ee ma aha dagaal uun kaliya. Nabigeennu (SCW) wuxuu soo maray Aala Yaasir oo la cadaabayo, markaas ayuu ku yiri: (sabra Aala Yaasirow balankiinnu waa Jannee).
Nabiga (SCW) ma jirto cid uga naxariis badan ummaddiisa, mana uu isku dayin in uu xoog ugu hiiliyo asxaabtiisa la ciqaabayo.
Wuxuu sugayay Nabigu (SCW) maalin uu gaalada si la yaqaan isaga dhicin karo.
Waxaa iyana aan furnayn in Jihaadka lagu hor istaago taagdarro aan waaqic ahayn ama in laga boxo aan la doonayn.
7. Qofka muslimka ah waxaa saaran in uu tuhmada naftiisa ka dheereeyo. Saara iyada oo Alle ka bariday in uu gaalka ka celiyo, hadana markii uu lugta ku raftay waxay ka cabsatay in loo qabsado gaalkaas, markaas ayay tiri: Alloow hadduu dhinto waxaa la oranayaa iyadaa dishay.
Nabi Muuse markii uu kexeeyay todobaatanka nin oo la suuxiyay Alle ayuu baryay in uusan ku halaagin waxa sufahadu faleen.
8. Nabiyaasha iyo Rususha Allaah ayaa u ilaaliyay xaasaskooda oo daalimiintu sharaftooda ma dhooqayn karaan.
9. Mu’minka waxaa saaran in uu Alle magangalo marka uu waajoho kurbo iyo imtixaan adag, sida Ibraahiim iyo Saaraba ay yeeleen markii Daalimku damaaciyay Saara.
10. Waxaa kale oo diintu jidaysay in muslimku Alle ku baryo camalka saalixa ah oo uu sameeyay, sida Saaro Alle ugu bariday rumayta Ilaahay, rasuulkiisa iyo inay nafteeda ka ilaalisay waxaan ninkeeda ahayn.
11. Allaah awood buuxda ayuu u leeyahay in uu ilaaliyo awliyadiisa, una hiilliyo.
12. Hadiyadda gaalada in la qaato way bannaantahay, sida ka muuqata qisadaan. Rasuulkeenna (SCW) marar badan ayay gaalo wax usoo hadiyeeyeen oo uu aqbalay.
13. Weysadu way jirtay ummadihii hore, waase laga yaabaa inay teenna ka duwanayd.
14. Nicmada Alle ku siiyo ka sheekaynteedu way bannaantahay oo Saara waxay ugu bishaaraysay Ibraahiim in Alle gaalkii ka celiyay, gabarna ay soo heshay.
Qisas Wa Taariikh - Qaybta 5aad
Bukhari ayaa Abuu Hureyra ka wariyay in uu yiri:
Rasuulku (scw) wuxuu yiri: (Muuse wuxuu ahaa nin xishood iyo is astur badan oo aan jirkiisa waxba ka muuqan xishood darti, markaasay dhibeen qaar reer Banii Israa’iil ah oo waxay dheheen: wax kale isu asturi maayo ee maqaarka ayuu ceeb ku leeyahay: baras ama sheelo ama aafo kale.
Alle ayaa doonay in uu ka bari yeelo waxa ay dheheen, markaas ayuu maalin gaar noqday, deeto dharkiisii ayuu dhagax dulsaaray, ka dibna wuu mayrtay, markii uu dhammaystay ayuu soo aaday dharkiisii si uu u qaato, dhagixii ayaa la cararay maradiisii, markaas ayuu Muuse ushiisii ka dabaqaatay, markaas ayay arkeen isaga oo qaawan, sida ugu qurxoonna Alle u abuuray, wuuna ka bari yeelay wixii ay ka sheegayeen, dhagixiina waa istaagay.
Markaas ayuu maradiisii qaatay oo xirtay, dhagixiina wuxuu ku garaacay ushiisii, Alle ayaan ku dhaartaye dhagaxa waxaa ku yaal sedex, afar ama shan haarood oo ah raadkii garaaca, taasina waa hadalka Alle oo ahaa:
‘’Dadka mu’miniinta ahow ha noqonina kuwii Muuse dhibay oo kale oo uu Alle ka bari yeelay wixii ay ku sheegeen.’’
Wuxuu ahaa (Nabi Muuse) mid Alle agtiisa waji ku leh).
Riwaayad kale waxaa ku jira: Reer banii Israa’iil iyaga oo qaawan ayay qubaysan jireen oo qaarba qaarka kale eegayaan, Nabi Muusena kaligi ayuu mayran jiray. Waxay kale oo sheegtay in Nabi Muuse dhahayay markii uu dhagaxa eryanayay: maradayda dhagaxow ilaa ay reer Banii Israa’iil ka arkaan Muuse oo ay dhahaan: wallee Muuse wax baasa inuusan qabin.
Faa’iidooyinka Qisada
1. Nabi Muuse aad ayuu u xishoon jiray, xishoodkuna waa dhaqan wanaagsan, Rasuulkeenuna (SCW) wuu ka xishood badnaa gabar inan ah oo makhabiyad ah, wuuna ammaanay xishoodka oo wuxuu yiri : (xishoodka kulligi waa khayr), wuxuu kale oo yiri : (xishoodku iimaanka ayuu ka mid yahay).
2. Reer Banii Israa’iil waxaa u bannaanayd inay mayrtaan iyaga oo qaawan oo cawradoodu isu muuqato, Nabi Muuse-se xishoodkiisa badan awgi kaligi ayuu qubaysan jiray. Arrintaas sharcigeenna kuma bannaana oo waa la nasakhay.
Dadka cawradooda bannaanka waraya oo aan Alle ka baqayn, addoomadiisana ka xishoonayn way khilaafsan yihiin muslimiinta, waxayna la dhaqan yihiin gaalada. Waliba waxaa yaab sii leh in ninku gashado dhar qarinaya ciribta ilaa madaxa oo calaacalaha iyo wajiga mooyee aan meel kale ka muuqan, dumarkana loo xiro wax haday u badato u asturaya cawrada hoose iyo naasaha kaliya !!.
3. Dadka dhibtooda cidina ka nabadgali mayso Nabiyaashana Alle ha ka dhigee ; sidaa darteed waa in lagu sabraa, wixii shubho ahna laga digtoonaadaa.
4. Dadka diinta xambaarsan cadawga islaamku si gaar ah ayuu sumcadda uga dilaa, dadkana ugu diraa, wuxuuna u adeegsadaa gado farabadan, wuxuuna ka abbaaraa dhinacyo kala duwan, wuxuuna u adeegsadaa munaafiqiinta, mararna kuwo muslin ah oo laga roonayaal ah oo munaafiqiinta u dhag raariciya. Haddaba waa in laga digtoonaado dhaleecaynta culimada iyo madaxda muslimiinta.
5. Ilaahay ayaa ka bariyeelay Nabi Muuse wixii ay ku tuhmeen, sidaas oo kale ayuuna u ilaaliyaa addoomadiisa wanaagsan, iyagana waxaa saaran in aysan xaqa uga tagin dicaayad laga sameeyay awgeed.
6. Xadiiskan waxaa ku jira labo mucjiso: a) dhagaxa la cararay maryihii Muuse b) saamaynta ushu ku samaysay dhagaxa.
7. Nabiyaashu iyagaa dadka ugu kaamilsan xagga abuuritaanka iyo xagga akhlaaqdaba; maxaa yeelay Alle wuxuu u xulay xambaaridda diintiisa kuwii dadka ugu fadliga iyo khayrka badnaa.
8. Dadka miisaaman markii wax kadis ah ku yimaadaan waa laga yaabaa inay u dhaqmaan; si aan caado u ahayn, sida haddaba Nabi Muuse u eryaday dhagaxa, ka dibna usha ula dhacay.
9. Tawraad iyo sharecooyinkii kale ee ka horreeyay Nabi Muxammad (scw) uma suubana in lagu dhaqmo saman kasta. Diinta islaamka oo qur ah ayaa shaqaynaysa ilaa qiyaamaha.
Qisas Wa Taariikh - Qaybta 6aad
Imaam Axmad ayaa Musnad-kiisa kaga wariyay Suhayb in uu yiri:
Nabigu (scw) markii uu tukado wax aanan fahmayn ayuu hoos u akhriyi jiray, mana noo sheegi jirin.
Wuxuu yiri -Nabigu (scw)-: (miyaad igu baraarugteen?),
Waxaanu niri: haa.
Wuxuu yiri: Waxaan xusuustay Nabi Nabiyaasha ka mid ah oo ciidan tolkiis ah la siiyay, markaasuu yiri: ‘’Yaa u dhigma kuwaan? Ama yaa hor istaagi kara kuwaan ama hadal la mid ah.
Waxaa loo waxyooday nabigii: tolkaa u door seddex arrimood midkood: inaan ku salidno cadaw aan iyaga ahayn ama gaajo ama geeri. Markaa ayuu tolki kala tashaday arrintaas, markaasay dheheen: adigaa nabigii Ilaahay ahe waxaas oo dhanna kuu yaalaane wax noo door. Markaa ayuu u kacay salaad, markay argagaxaana salaaday u yaaci jireen, markaas ayuu tukaday wixii Alle doonay.
Wuxuu yiri Nabigeenu (scw): ka dibna wuxuu yiri: (Rabbiyow cadaw aan iyaga ahayn maya, gaajana maya, laakiin geeri). Markaa ayaa lagu salladay geeri, markaasaa waxaa ka dhintay todobaatan kun. Hoos u akhriskaygii aad arkayseen waxaan dhahayey: (Alloow awoodaada ayaan ku dagaalamayaa, awoodaadana wax baan ku weerarayaa, xeelad iyo xoog aan adiga ahayna ma lihi).
Faa’iidooyinka Qissada
1. Dadka waa in loo sheego cilmiga ay u hanqaltaagayaan, lagana jaahil bixiyo dhaqamada ay fahmi la’ yihiin. Waxaa kale oo xadiisku tusayaa sida cibrada looga qaadanayo wixii ku dhacay ummadihii hore. Caaqil waa ninkii ku cibra qaata cid aan isaga ahayn.
2. Rasuulku (scw) wuxuu asxaabta fahamsiin jiray asbaabta taagdarida iyo halaagga keenta, sida: isla cajabida; si ay uga digtoonaato ummaddiisu.
3. Xadiisku wuxuu tusayaa cirib xumada is cajabinta, sida ku dhacday ummaddaan iyo nabigeeda; maxaa yeelay cujbigu wuxuu daciifiyaa tala saarashada Alle iyo cuskashadiisa.
4. Waa sunna Ilaahay in ciddii wax is mooda la tuso xaqiiqadeeda. Asxaabta Nabigeena oo dadka ugu fadliga badnaa nabiyaasha ka dib ayaa ku jabay is cajabinta, sidii ku dhacday maalintii Xunayn waliba Rasuulka (scw) oo la jira.
5. Madaxda, hoggaanka ciidanka iyo maamulayaasha dacwada waa inay ka digtoonaadaan in Alle ku soo dajiyo cuquubada qoladaan ku dhacday oo kale. Waayadaan dambe waxaa caada noqotay in madaxda iyo hoggaamiyayaashu aad ugu faanaan ciidamadooda iyo dadka raacsan, waana khatar weyn oo jab keeni karta.
6. Waxaa dhici karta in sababta balaayada keentay noqoto mid qarsoon oo uusan dareemi Karin qof diinta Alle fahamsiiyay mooyee. Waxaa kaloo dhici karta in balaayadu ku habsato dad wanaagsan oo mujaahidiin ah iyaga oo aan ogayn meesha looga yimid.
7. Waxaa jiray ummado hore oo tiro badnaa oo ay ku jireen mujaahidiin jidka Ilaahay ku dagaalama. Waqti yar ayay qoladaan ka dhimatay todobaatan kun.
8. Qofka muslimka ah waxaa sunno ah in uu salaadda u cararo markii arrin culusi la soo daristo, sida uu yeelay nabigaani, Rasuulkeenana (scw) sidaas ayaa caado u ahayd. Qofkii sidaa yeelana Alle wuxuu mudan yahay in uu haleeshiiyo talada toosan, gaar ahaan hadduu istikhaaro la yimaado, labada rakcadood ka dib.
9. Qofka muslimka ah waxaa saaran inuusan ku deg deign arrimaha kala doorashada u baahan ee uu la tashado dadka ra’yiga leh, taladana uu aad u rogrogo isagoo waliba ducada kaashanaya.
10. Xadiisku wuxuu faa’iidaynayaa haddii qofka ay u sinmaan ama la dooransiiyo dhibaatooyin ama dambiyo (uusan iska wada dayn Karin) inuu dooranayo kan ugu dhibta ama dambiga yar. Tusaale ahaan darawal gaari wada oo ay u simantay inuu jiiro xoolo ama qof wuxuu marsiinayaa xoolaha illeyn iyagaa dhibyare. Dhinaca kale haddii qofka dhawr khayr u sinmaan oo uusan wada qaban Karin wuxuu fulinayaa kan ugu khayrka badan.
11. Geerida waxaa jira waxyaabo badan oo ka liita, garna ma aha si loo noolaado in la qaato wax aan munaasib ahayn. Muhimaduna ma aha in la noolaado kaliya ee waa in loo noolaado si ku wanaagsan adduunka iyo aakhiradaba.
Qisas Wa Taariikh - Qaybta 7aad
Bukhaari iyo Muslim ayaa ka wariyay Abuu Hurayra in Nabigu (SCW) yiri:
Suleymaan Ibnu Daawuud (Ceyhimaa As-Salaam)wuxuu yiri:
Wallee caawa waxaan isu marayaa todobaatan xaas oo mid waliba qaaddo wiil fardooley ah oo jidka Ilaahay ku jihaada. Saaxiibki ayaa markaa yiri: In shaa’ Allaahu, mana oran (Suleymaan). Dumarkii wax uur ah may qaadin, hal mid oo dhashay ilmo jeex ah mooyee).
Nabigu (SCW) wuxuu yiri: (haddii uu oran lahaa In shaa’ Allaah way wada jihaadi lahaayeen).
Riwaayadaha xadiiska qaar ayaa sheegay sagaashan xaas, qaarna sagaal iyo sagaashan, qaar kalena boqol. Riwaayadaha qaar ayaa caddeeyay in cidda ku tiri Nabi Suleymaan In shaa’ Allaahu dheh uu yahay malak, mana uu oran oo wuu hilmaamay.
Xaasaskii wuu isu wada maray, mana ay dhalin hal xaas oo qof barki dhashay mooyee. Nabigu (SCW) wuxuu yiri: Haddii uu Nabi Suleymaan oran lahaa in shaa’ Allaah ma dambaabeen, dantiisana saas ayaa u rajo badnayd).
Faa’iidooyinka Qisada ku jira:
1. Nabi Suleymaan wuxuu ka mid ahaa boqorada mujaahidiinta ah, Allena siiyay boqortooyo weyn, uuna u sakhiray insiga, jinniga, shimbiraha iyo dabaysha. Sida uu u jeclaa jihaadka waxaa tusaya: a) sida uu fardaha xoogga u saari jiray, sida uu ugu dadaali jiray ciidankiisa, looguna soo bandhigi jiray ilaa uu gaaray heer uu tabo hal shimbir (Hud-hud) oo ka maqnaaday. b) sida uu ugu mamanaa jihaadka waxaa kale oo tusaya inuu ku dhaartay in uu caawa u galmoodo boqol ama in ku dhaw oo xaasaskiisa ka mid ah, mid walbana ay dhali doonto wiil fardooley ah oo jidka Ilaahay ku jihaada.
2. Muslimiintu intay jihaadka galaan iyagu ayay haddana waxay u halgami jireen sidii ay u dhali lahaayeen jiilkii mustaqbalka sii wadi lahaa.
3. Jihaadku waa meeshii ugu sarraysay islaamka, qofkii ku shahiidana wuxuu u shafeecayaa todobaatan ahalkiisa ah; sidaa darteed ayay waalidiinta wanaagsani ku dadaali jireen in ilmohooda darajadaas gaaraan, iyaguna ay uga helaan ajar iyo shafeeco.
4. Dhallinyarada gaartay guurka rag iyo dumarba, isla markaana heli kara wax ay ku dhistaan waa inay guursadaan. Guurkooda in ay ku xiraan shuruud waxay seejinaysaa ajar weyn oo joogto ah, ummaddana waxay ka beerdaraynayaan ubad qiima leh oo meel weyn u gali lahaa.
Dhallinyaradu waa inay ogaadaan in aysan ummadda wax weyn u tarayn nooca sariirta ay ku seexdaan iyo kharashka ku baxay arooskooda ee waxa Nabigeennu (SCW) ku faanayo, muslimiintuna ka faa’iidayaan waa ubadkooda. Maxay idin la tahay inanka ama inanta guurgalka ah oo 35-45 sano ku gaaraya doobnimo iyagoon tabari u diidin guurka?!!.
5. Ilmuhu waxay badanaa noqdaan sida loo tarbiyeeyo. Nabi Suleymaan wuxuu ka rabaa ubadkiisa in uu ka dhigo mujaahidiin fardooley ah. Haddaba ubadka waa in looga sii waramo waxa laga rabo mustaqbalka, laguna tarbiyeeyo; si ay nafsiyan iyo fikriyanba ugu sii diyaargaroobaan.
6. Qisadu waxay tusaysaa sida dadka saalixiinta ahi u jeclaayeen inay dhalaan ubad suuban oo jidka Alle ku jihaada, sida uu Nabi Suleymaan u jeclaystay in uu dhalo tiradaa badan ee ilmaha ah.
7. In marka la guursanayo ama xaaska loo galmoonayo loo niyaysto in ubad suuban laga helo oo diinta Alle koryeela; si qofku ajar uga helo ficilkiisa ama Alle uu ugu qaado niyadiisa wanaagsan, illeyn ilmo Alle darti loo dhalay iyo ilmo aad hadhaw wax ku dulmidid loo dhalay isku mid ma ahee.
Imaam Bukhaari wuxuu kitaabkiisa Saxiixa ku daray baab uu ku magacaabay: Ninkii ilmo u dalba jihaad darti, wuxuuna wariyay xadiiskaan.
8. Nabigeennu (SCW) wuxuu xadiis kale ku sheegay in ninkii xaaskiisa u galmooda ay sadaqo u tahay. Wuxuu kale oo yiri: wixii sadaqo ah oo aad Alle wajigiisa ku dalbaysid ajar ayaa lagaa siin, waxa aad xaaskaaga afka u galisidba ha ahaatee. Arrintaas waxay culimadu u daliishadeen in samaynta walxaha bannaan ajar laga helayo haddii Ilaahay darti loola yimaado ama wax diintu ku amartay loo kaashanayo.
9. Waxaa sunno ah in ninkii xaaskiisa u tagaya uu niyaysto inuu ubad suuban dhalo, sida Suleymaan yeelayba. Tan kale waa in uu Alle ka baryo in uu shaydaanka ka dheereeyo iyaga iyo ilmaha Alle siiyaba. Haddii Alle ilmo siiyana waa inuu ugu duceeyo inay saalixiin noqdaan, Rabbina shirkiga ka fogeeyo.
10. Guurka diintu waxay u jidaysay in lagu xaqiijiyo ahdaaf waaweyn oo la’aanteed aanu qiimo yeelanayn. Waxaa ka mid ah:
a): In lagu helo ubad wanaagsan oo diinta, waalidka iyo ummaddaba anfaca, isla markaana uu u sii baaqi ahaado banii Aadamku. Nabigeennu (SCW) wuu ku booriyay ummaddiisa in ay guursadaan; si uu ummadaha kale uga dad bato aakhiro.
b): In qofku naftiisa kaga ilaaliyo waxa Alle ka xaaraameeyay.
c): In qofku ka haqab beelo baahidiisa jinsiga ah
d): in uu ku helo deganaansho nafsi ah.
e): in lagu abuuro cilaaqaad bulsho oo dadka isku xira (xidid iyo xigaalo).
f): In labada qof ee isu dhaxa ay is dhammastiraan (midba kan kale waxa ka dhiman ku biiriyo).
11. Waxaa u bannaan qofka in uu ka waramo waxa uu filayo mustaqbalka inay dhacayaan, uuna ku dhaarto sida Suleymaan yeelay, waxaase saaran in uu ku xiro arrinta doonista Ilaahay oo uu dhoho In shaa’ Allaah. Qofkii ku dhaarta wax mustaqbal ah, isla markaana dhaha: In shaa’ Allaah ma dambaabayo.
12. Malaa’igtu waxay addoomada xusuusiyaan khayrka, wayna ku booriyaan, halka shayaadiintu sharka xusuusiyaan, kuna booriyaan.
13. Nabiyaasha iyo dadka wanaagsan sarbeeb ayay u isticmaalaan waxyaabaha laga xishoodo, sida nabi Suleymaan u yiri: wallee caawa waxaan ku soo wareegayaa boqol xaas. Si qayaxan uma sheegin waxa uu samaynayo.
14. Shareecadii Nabi Muuse waxaa ku bannaanayd in ninku guursado dumar aad u farabadan, shareecada islaamkuse ma ogola afar ka badan.
Xadiisku wuxuu tusayaa in ay u bannaan tahay ninkii xaasas badan leh in uu hal habeen isu maro, waana arrin Rasuulkeennu (SCW) sameeyay.
Qisas Wa Taariikh - Qaybta 8aad
Bukhari ayaa ka wariyay Abuu Hurayra in uu Nabigu (scw) yiri:
‘’Kuma hadlin dharabta (xoolka) seddex mooyee: (Nabi) Ciise, reer Banii Israa’iil waxaa ka mid ahaa nin la yiraahdo Jurayj. Wuu tukanayay, markaas ayay u timid hooyadi, wayna u dhawaaqday, markaas ayuu is yiri: ma ajiibaa mise waa tukadaa?, markaas ayay tiri: Ilaahoow ha dilin ilaa aad tustid wajiyada muumisaadka (dumarka sida bareerka ah u sinaysta).
Jurayj oo Sowmacadiisa (meel dhisan oo dhanka sare ka dhuuban oo Nasaaradu ku cibaadaystaan) ku sugan ayay naag isu bandhigtay, wayna la hadashay, isna waa ka diiday, markaas ayay isu dhiibtay qawsaar, waxayna dhashay wiil, waxayna tiri: waxaa dhalay Jurayj.
Way u yimaadeen (isagii), waxayna ka dumiyeen Sowmacadiisii, wayna soo dajiyeen, waana caayeen, markaas ayuu weesaystay oo tukaday, ka dibna wuxuu u yimid wiilkii, wuxuuna ku yiri: waa kuma aabbahaa wiiloow?, markaas ayuu yiri: waa qawsaarka.
Waxay yiraahdeen: Sawmacadaada waxaan ka dhisaynaa dahab. Wuxuu yiri: maya waxaan dhoobo ahayn.Muslim ayaa Abuu Hureyra ka wariyay in uu yiri: Jurayj Sowmacad ayuu ku cibaadaysan jiray, markaas ayay hooyadi u timid. Nabigu (scw) wuxuu u sifeeyay asxaabta sidii ay gacanta u saartay sunniyeheeda oo ay madaxa kor ugu qaaday iyadoo u yeeraysa oo dhahaysa:
Jurayjoow hooyadaa ayaan ahaye ila hadal, waxayse ku soo aadday isagoo tukanaya, markaas ayuu is yiri: Alloow salaaddayda iyo hooyaday?, wuxuuna doortay salaaddiisii, wayna iska noqotay.
Ka dib markii labaad ayay soo noqotay, waxayna tiri: Jurayjoow hooyadaa ayaan ahaye ila hadal, wuxuu ku talamay: Alloow hooyaday iyo salaadayda?, wuxuuna doortay salaaddisii, markaas ayay tiri: Alloow kani waa Jurayj waana wiilkaygii, waan la hadlay, in uu ila hadlana waa diiday ee Alloow ha dilin adiga oo aan tusin muumisaadka. Wuxuu yiri Nabigu (scw): hadday ku habaari lahayd in lagu fitneeyo waa lagu fitnayn lahaa.
Riwaayd kale oo muslim wariyay waxay sheegtay: in reer Banii Israa’iil ka sheekaysteen Jurayj iyo cibaadadiisa, waxaana jirtay naag saaniyad ah oo quruxdeeda lagu maahmaaho, waxayna tiri: haddii aad doonaysaan aniga ayaa idiin fitnaynaya.
Wuxuu yiri Nabigu (scw): way u banbaxday, mase uu milicsan, markaas ayay u timid qawsaar u hoyan jiray sowmacada Jurayj … waxay dumiyeen sawmacadiisii, wayna garaaceen, markaas ayuu yiri: war maxaa jira?, waxay dheheen: waxaad ka sinaysatay saaniyadaan, wayna kuu dhashay. Wuxuu yiri: mee cunugii?, markaas ayay keeneen.
Wuxuu yiri: I daaya aan tukadee, wuu tukaday, markii uu ka soo jeestay ayuu cunugii u yimid, wuxuuna ka duray (muday) caloosha, wuxuuna yiri: wiiloow waa kuma aabbahaa?. Wuxuu yiri: waa hebelka qawsaarka ah. Waxay ku soo jeesteen Jurayj iyaga oo dhunkanaya oo isku masaxaya.
Faa’iidooyinka xadiiska:
1. Booqashada dadka wanwanaagsan waa sunno, ilmaha suuban ee khayrka ka shaqeeya in la booqdo oo la dhiirrigaliyana way wanaagsan tahay, sida hooyadaani yeeshay.
2. Waajibnimada in waalidka baarri loo noqdo, loona dhaganuglaado iyo in Ilaahay aqbalo ducada iyo habaarka waalidku ilmihiisa ku rido, sida ku cad xadiiska: (hadday ku habaari lahayd in lagu fitneeyo (naagta xun) waa lagu fitnayn lahaa). Waxaa kale oo ku cad xadiiska khatarta ay leedahay in lagu madax adaygo waalidka iyo masiibada ka imaan karta, sida ku dhacday ninkaan saalixa ah.
3. In ay waajib tahay in qofku salaadda sunnaha ah joojiyo haddii waalidiintiis ugu yeeraan wax aan macsiyo Alle ahayn. Xadiisku wuxuu muujinayaa in Jurayj uu ku dambaabay ajiibis la’aantii hooyadi.
4. In dadka wax lagu fahamsiiyo jilista cidda laga warbixinayo, sida Nabigu (scw) u jilay Jurayj hooyadi jeedaaladeedii, waana waxa loo yaqaan (hababka iyo tabaha waxbarista).
5. Acmaasha saalixa ah way kala muhiimsan tahay oo haddii aan la isku qaban Karin waxaa la fuliyaa kan waajibka ah, sunnhahana waa laga tagaa. Haddii ay yihiin labo waajib ama labo sunne oo aan la isku qaban karinna waxaa lagu dhaqaaqaa kan muhiimsan. Waxaa taa la mid ah haddii labo dhibaato (mafsada) kulmaan oo aan laga wada tagi Karin waxaa lagu dhacaa tan fudud, tusaale ahaan: haddii ay khasab noqoto in aad gaariga jiirsiisid dad ama xoolo waxaa waajib ah in aad xoolaha jiirtid, waase la magayaa xoolahaas.
6. Dambiilayaashu waxay jecelyihiin in lala soo galo xumaanta ay ku dhexjiraan; si loola yeesho tilmaanta xun ee kaligood ku gaarka ah. Eeg hadalka naagtan xun: (haddaad doontaan waan idiin fitnaynayaa), waliba way u banbaxday say u fitnayn lahayd, wayna ka dalbatay in uu xumaan ku sameeyo, waxayna u adeegsatay quruxdeedii iyo codkeediiba!. Qolo kasta oo dhaqan xun wadata waxay si gaar ah u colaadisaa dadka xumaantooda ka hufan. Qowmkii Nabi Luud waxay dheheen: (Reer Luud ka saara magaaladiina, maxaa yeelay waa qolo is daahirinaysa), waxay uga jeedaan: ficilkeena xun ee rag u tagista ah ayay diidan yihiin ee inaga saara!!.
7. Dadka xun xun waxay isku dayaan saman kasta in ay dhaleeceeyaan dadka wanwanaagsan, kagana ciyaaraan sumcadda; si kalsoonida loo hayo loo dhaawaco, bulshadana looga hor istaago in ay ka faa’iidaysato cilmigooda iyo xikmadooda. Si ay arrintaa u xaqiijiyaanna waxay u adeegsadaan tabo farabadan oo been abuurku ka mid yahay, sida saaniyadaaniba ugu been abuuratay Jurayj.
8. Ilaahay wuxuu ku badbaadiyaa addoonka wanaagiisa iyo Alle ka cabsigiisa, sida uu Jurayj uga samatabixiyay fitnadii naagtu la rabtay, ugana bariyeelay been abuurkii lagu ganay. Waxaa taa la mid ah qisadii Nabi Yuusuf oo haweenaydu xumaanta ugu yeeratay, Allena ka leexiyay makrigeeda, markii ay masabidatayna uu ka bariyeelay been abuurkeedii.
9. Xumaanta iyo ehelkeeda in aan la milicsan oo aan dhag jalaq loo siin waxay ka qeyb qaadataa sidii looga badbaadi lahaa fitnadooda. Jurayj ma eegin naagtii xumayd ee salaaddiisa iyo cibaadadiisa ayuu iska sii watay. Waxaa laga yaabaa haddii aad la sii wadid hadalka oo aad qanci is tiraahid in adiga lagu qanciyo. Haddaba waa in albaabada xumaanta la iska xiro, islaamkuna wuxuu mamnuucay wax kasta oo muslimka gaarsiin kara xumaan.
10. Alle wuxuu karaa in uu ka hadliyo cid aan hadal lagu ogayn, sidii uu doonana u difaaco addoomadiisa saalixiinta ah, sida uu uga hadliyay cunugaan yar, Jurayjna ugu bariyeelay hadalkiisa.
11. Ilaahay wuxuu siiyaa addoomadiisa wanaagsan yaqiin, sugnaansho iyo male wacan oo ay Rabbigood ku qabaan, taas oo keenta in ay si geesinimo iyo degaansho leh uga hortgaan culaysyo aad u waaweyn, sida Jurayjba yeelay.
12. Weesadu way u jidaysnayd ummadihii hore, Jurayj wuu weesaystay, waana tukaday, ka dibna cunugii ayuu caloosh ka gujiyay, lana hadlay.
13. Dadka wanwanaagsan caadadoodu waa inay salaadda u cararaan markii kurbo iyo dhib ay la kulmaan, waana sidii Rasuulkeennu (scw) yeeli jiray.
14. Qofka wanaagsan markii la imtixaano oo uu ku najaxo (gudbo) imtixaanka waa la sii jeclaadaa, laguna sii kalsoonaadaa, sida dadkii magaaladu ugu sii kalsoonaadeen Jurayj.
15. Xadiisku wuxuu sugayaa karaamada awliyada oo ah kuwa Alle rumeeyay, kana cabsada, taas oo ka soocaysa falalka sixiroolayaasha, curraafaystayaasha iyo indhasarcaadkooda.
16. Ma bannaana in la rumaysto tuhmada iyada oo aan markhaanti ama caddayn kale loo hayn, gaar ahaan haddii dadka warka keenay yihiin kuwa xun xun ama ay yihiin kuwa la tuhmayo dad lagu yaqaan wanaag iyo toosnaan, Ilaahayna wuxuu mu’miniinta ku amray in ay iska hubsadaan haddii faasiq war u keeno. Haddii kale way qoomamaynayaan sida ku dhacday qoladii Jurayj soo weerartay.
17. Qofka muslimka ah waxaa habboon in uusan isku mashquulin dabagalka dicaayadaha iyo dulmiga loo gaystay ee haddii Alle sharkooda ka qabto waa in uu cibaadadiisa iyo dantiisa ka raacdo, sida Jurayj u fuulay Sowmacadiisa markii dib loogu dhisay ee uusan hadal kale isugu lurin.
18. Dadka wanwanaagsan wax u gaysan mayso dicaayadda iyo dhagarta loo maleegayo haddii ay sabraan oo Alle ka baqaan, waliba waxaa ugu siyaadaysa ugu dambaynta darajo iyo sumcad, Ilaahayna wuu kashifaa ceebta dadka aflagaadeeya addoomadiisa suusuuban.
Qisas Wa Taariikh - Qaybta 9aad
Muslim ayaa ka wariyay Jundub in uu Nabigu (scw) ka sheekeeyay nin yiri: (wallaahi in aan Alle u dhaafayn hebel, Ilaahayna wuxuu yiri: (waa kuma kan igu dhaartay in aanan hebel u dhaafayn, waan u dhaafay hebel, adigana camalkaagii waan buriyay).
Abuu Daawuud ayaa Abuu Hurayra ka wariyay in uu yiri: Nabiga (scw) waxaan ka maqlay: (Labo nin oo reer Banii Israa’iil ah ayaa walaalo ahaa, midkood waa dambaabi jiray, kan kalena cibaadada ayuu ku dadaali jiray. Kan cibaadada ku dadaala wuxuu arki jiray kan kale oo dambi ku jira, wuxuuna ku oran jiray: ka joog. Markaas ayuu helay maalin isaga oo dambi ku jira, markaas ayuu yiri: ka joog, markaas ayuu ku yiri: isu kaaya daa aniga iyo Rabbigay, ma ilaaliye ayaa la iiga kaa dhigay?.
Markaas ayuu yiri: wallaahi in aan Ilaahay kuu dhaafayn ama uusan jannada ku galinayn. (Alle) ayaa labadoodii nafta ka qaaday, markaas ayay ku kulmeen Alle agtiisa, markaas ayuu (Alle) ku yiri kii dadaali jiray: ma aniga ayaad I ogayd? mise waxa gacantayda ku jira ayaad awooddaa (in aad diidid)?. Kii dambiilaha ahaana wuxuu ku yiri: orod oo jannada ku gal naxariistayda, kii kalena wuxuu ku yiri: naarta geeya!.
Abuu Hureyra ayaa yiri: Allaha naftaydu gacantiisa ku jirto ayaan ku dhaartaye wuxuu ku hadlay kalimad halaagtay adduunyadiisa iyo aakhiradiisa.
Faa’iidooyinka xadiiska:
1. Walaalnimada diineed waxay keenaysaa in wanaagga la is faro, xumahana la iska reebo. Qofka la faro wanaag ama laga reebo xumaan isna waxaa saarann in uu aqbalo.
2. In Ilaahay laga sheego wax aan aqoon loo lahayn waxay ka mid tahay dambiyada kabaa’irta ah ee Alle caro galisa, waxaana ka mid ah hadalka ninkaan ee ah (wallaahi in aan Alle u dhaafayn hebel); maxaa yeelay Alle raxmadiisu waa waasic, qofkii uu doono ayuu u dambi dhaafaa, qofkii uu doonana wuu cadaabaa, qofkii uu doono wuu hanuuniyaa, kii uu doonana wuu baadiyeeyaa, wixii uu doono ayuu falaa, lama weydiiyo waxa uu sameeyo ee addoomada ayaa la weydiiyaa waxay faleen. Alle wax cajsi galin kara ma jiraan, waxa uu qadarayna waa ina ka qarsoon yihiin oo ma ogin cidda uu u dambi dhaafi doono iyo cidda uu ciqaabi doono midna.
3. In laga hadlo wax aadan cilmi u lahayn way xuntahay, haddii Alle iyo Rasuulkiisa (scw) laga sheegana ka sii xun, haddii dhaar lagu sii darana iskaba daa.
4. Muslimka waxaa saaran in uusan Alle ku dhiirran ee uu ula dhaqmo si taxadar leh, uuna istaago mawqif addoonimo, uuna qaato amarkiisa, kuna samro dhibta dacwada ka soo gaaraysa, isla markaana uusan ku degdegin in uu dadka xugun ku rido; maxaa yeelay shaqadiisu waa daacinimo ee ma aha qaallinimo.
5. Ninkaani walaalki wuxuu ka reebi jiray xumaanta mar kasta oo uu ku arko, waana xil weyn oo uu gutay, jawaabta ninka la wacdiyay baxshayna marna gar ma ahayn, waxaase ninka Alle ku ciqaabay waa in uu ka hadlay arrin uusan cilmi u lahayn oo maamulka Alle ah. Nabigeenna (scw) ayaa maalintii Uxud yiri: (sidee u liibaanayaan qowm daqray Nabigoodii isaga oo Alle ugu yeeraya?), markaas ayaa Alle soo dajiyay: (maamulka waxba kuma lihid, haddii uu rabo wuu ka toobad aqbalin ama wuu cadaabin illeyn waa daalimiine).
6. In laga cabsado khaatimo xumo; maxaa yeelay ninkii caabidka ahaa wuxuu galay naar, halka kii caasiga ahaa janno la geeyay. Taas waxay keenaysaa in aan ninna camalkiisu la weynaan ee Alle khaatimo wacan la weydiisto sidii Rasuulkeennuba (scw) yeeli jiray.
7. Xadiiskani wuxuu daliil u yahay Ahlu-sunnaha aaminsan in Alle qofkii uu doono u dhaafo dambiyada shirkiga ka soo haray iyaga oo aan toobad keenin, sida uu ninkaan caasiga ahba ugu dhaafay isagoo dambigii ku sii madax adag.
8. Waxaa habboon qofka muslimka ah in aysan caradu sawaabka dhaafin ee uu kitaabka Ilaahay ku dabranaado. Colaadda muslimku u qabo gaalada iyo faasiqiinta waa inaysan gaarsiin in uu isagu diinta khilaafo. Ilaahay wuxuu yiri: (yaysan idanku xambaarin (caro aad u qabtaan qolo) inaad xadgudubtaan inay masjid alxaraamka idiin diideen awgeed), wuxuu kale oo yiri Alle: (yaysan idanku xambaarin qolo caradeed in aydnaan caddaalad samayn ee caddaalad fala, isagaa Alle ka cabsiga u dhow’e).
9. Yuhuuddu Markii haweentu caado hesho wax lama cuni jirin, lamana joogi jirin guryaha, markaas ayaa asxaabtu weydiiyeen Rasuulka (scw) arrintaas, markaas ayaa Alle soo dajiyay: ( waxay ku weydiinayaan dumarka caadada qaba …), markaas ayaa Nabigu (scw) yiri: (wax kasta ku sameeya (dumarka dhiigga qaba) u tagis mooyee).
10. Markii arrinkaasi gaaray Yuhuudii ayay dheheen: Ninkaani wax kale ma doonayo in uu arrimahayagoo dhan nagu khilaafo mooyee. Markaas ayay yimaadeen Usayd ibnu Xudayr iyo Cabbaad ibnu bishr, waxayna dheheen: Rasuul Alloow Yuhuudi saa iyo saa ayay tiri ee soo uma tagno (dumarka caadada qaba)?. Markaas ayuu is badalay wajigii Rasuulku(scw) ilaa aan is niri: Rasuulku (scw) wuu u carooday …).
11. Waxaa saaran daaciga iyo mujaahidka in ay xusuusnaadaan in aysan gar ahayn in ay khilaafaan waxa ay dadka ugu yeerayaan. Eeg ciqaabta ku dhacday ninkaan xumaanta ka reebaya walaalki isaguna ku dhacaya dambi ka weyn. Taa macneheedu ma aha in uusan qof dambiile ah qof kale xumaan ka reebi Karin ee waa in ilaalinta diinta uu uga horreeyo dadka uu xumaha ka reebayo.
12. Qofna camalkiisa janno kuma galayo ee naxariista Ilaahay ayaa lagu galaa, camalka saalixa ahina sabab ayuu u yahay ee isagu janno ma gooyo. Rasuulkeennu (scw) wuxuu yiri: (qofna jannada camalkiisa ku gali maayo), markaas ayay ku dheheen ma xataa adigana?, markaas ayuu yiri: xataa aniguna, in Ilaahay raxmadiisa igu daboolo mooyee).
Qisas Wa Taariikh - Qaybta 10aad
Bukhaari ayaa ka wariyay Abuu Hureyra in Rasuulku (SCW) xusay nin reer Banii Israa’iil ah oo ka codsaday qaar reer Banii Israa’iil ah in uu daymiyo kun Diinaar, markaasuu ku yiri: markhaantiyaal ii keen, markasuu yiri: Alle ayaa markhaati ku filan, markaasuu yiri: kafiil ii keen, markaasuu ku jawaabay Alle ayaa kafiil ku filan, markaasuu ku yiri: waa runtaa, kunkiina wuu siiyay, muddo go’anna waa u qabtay.
Ninkii wuxuu ku safray badda, hawshiisiina waa soo gutay, ka dibna wuxuu raadshay markab uu soo fuulo oo uu waqtigii loo qabtay ku soo galo, mana helin markab, markaas ayuu qaatay qori, wuxuuna ka qoray gudaha, wuxuuna dhex galiyay kun Diinaar iyo warqad isaga ka socota oo ku socota ninkii lacagta daymiyay, ka dibna wuu daboolay, badda ayuuna la yimid.
Wuxuu yiri: Alloow waad ogtahay in aan hebel ka daynsaday kun Diinaar oo uu I weydiistay kafiil oo aan iri: Alle ayaa kafiil ku filan, markaasna uu kugu raalli noqday, haddana wuxuu I weydiistay markhaanti, markaasaan iri: Alle ayaa ku filan markhaanti, wuuna kugu raalli noqday.
Waxaan ku dadaalay in aan helo markab aan ugu diro wixii uu lahaa, mana awoodin ee Alloow adiga ayaan kugu ammaanaystay, wuxuuna ku tuuray badda ilaa ay dhexgashay, ka dibna wuu iska tagay. Intaana wuxuu sii raadinayay markab uu ku aado ninkii baladkiisii.
Waxaa soo baxay ninkii xoolaha daymiyay, isaga oo eegaya inuu markab xoolihiisii u sida yimid, markaas ayuu arkay qorigii maalku ku jiray, markaas ayuu xaabo ahaan ugu qaatay ciddiisii, markii uu miinshaareeyay ayuu ka helay maalkii iyo warqaddii.
Muddo ka dib ayuu soo galay ninkii uu wax daymiyay, wuxuuna keenay kunkii Diinaar, wuxuuna yiri: Wallaahi intaas waxaan ku dadaalayay in aan markab helo; si aan maalkaagii kuugu keeno, mana helin markab ka horreeya kan aan ku imid. Markaasuu ku yiri: waxba ma ii soo dhiibtay?, markaas ayuu ku yiri:
Waxaan kuu sheegayaa in aanan helin markab ka horreeya kan aan ku imid. Wuxuu yiri: Allaah ayaa kaa guday maalkii aad qoriga ku soo dirtay ee iskala noqo kunka Diinaar adiga oo hanuunsan).
Faa’iidooyinka qisada:
1. In dad saalixiin ah oo Ilaahay ka cabsada ay ku jireen ummadihii hore. Labada nin midkood dadka ayuu wax qardayn jiray isaga oo ajar Ilaahay kaga raadinaya, kalsoonida uu Alle ku qabo iyo weynaynta uu weynaynayana waxay gaarsiisay in uu Alle markhaatigiisa iyo kafiilnimadiisa (damiin) ku qanco. Kan kalena Rabbigiis ayuu ku amaanaystay xoolihii; si uu u gaarsiiyo ninkii ku lahaa.
2. In ay banaantahay in wax la daynsado ama la qardaysto. Nabigu (scw) wuxuu yiri: Qofkii qaata dadka xoolohooda isagoo doonaya in uu iska gudo Alle ayaa ka guda, kii qaata isagoo raba inuu lunsadana Alle ayaa lumiya (talfiya).
3. In ganacsiga diintu jidaysay, ummadihii horena ay ku dhaqmi jireen iyo in ganacsiga wax loo amaahan karo qofkii u arka in uu iska gudi karo.
4. In ay bannaantahay in qofkii wax la qardeeyo loo qabto muddo, ayna waajib ku tahay kan wax la qardeeyay in uu muddadaas ku baxsho. Nabigu (scw) wuxuu yiri: Meermeerinta uu sameeyo qofka maalqabeenka ah waa dulmi.
5. In laga sheekeeyo waxyaabaha la yaabka leh ee ummadihii hore ka dhacay ama ku dhacay; si loogu daydo ama loogu cibro qaato.
6. In lagu ganacsado, lana fuulo badda korkeeda.
7. In qofka wax la qardaynayo laga dalbado markhaanti iyo kafiil soo guda haddii uu bixin waayo ama fakado.
8. In qofka warqad diraya uu magiciisa ku bilaabo, qofka ay ku socotana la dambaysiiyo. (riwaayadaha xadiiska qaar ayaa sheegay in uu warqadda ku qoray: ka: Hebel, ku: hebel).
9. Fadliga tawakulka iyo raadka uu ku leeyahay gaarista ujeeddooyinka, sida ka muuqata qisada ninkaan oo Ilaahay talada u dhiibtay, isna uu ka guday wixii lagu lahaa.
10. In ay qofka u banaantahay qaadashada wixii aan qiimo weyn lahayn oo baddu soo tuurto isaga oo aan naadin (yaboohin).

No comments:

Post a Comment

QISOOYINKAN KALENA AQRISO: