QISO YAR OO CAJIIB AH.
Waxaa jiray Nin Salaadaha Masaajidka ku ilaalin jiray oo lagu yaqaanay Masjidka, Ninkii ayaa Xanunsaday markii Masjidkii laga waayey ayaa Nin Sheekh ah oo Masjidka isku yaqaaneen ayaa Damcay inuu soo Booqdo markuu tagay ayuu Arkay Ninkii oo Sakaraad ah, markaasuu Sheekhu ku yiri:- Towxiidka Qabso. Wuxuu ku jawaabay:- Sheekhoow Aniga iyo Kalimadda aad Sheegayso waa nala kala Dhexmaray (yacni ma Awoodo inaan ku Dhawaaqo), Sheekhii ayaa intuu Naxay ku yiri:- Sabab Sow Adigii Salaadaha Masjidka ku soo Tukan jiray ee Fiicnaa?, wuxuu yiri:- Sheekhoow taasi igama ahayn Allaah Dartii ee waxaan lahaa ha Lugu dhaho waa Nin Wanaagsan, markaan Xaafadeyda Imaadana waxaan doono ayaan sameen jiray, Sheekhoow Saddex jeer oo Horena waan Xanuunsaday, markaasaan Gabadheyda yar ku iri Kitaabka Qur'aanka ii keen, markay ii keento ayaan dhihi jiray ilaahayow Qur'aankaaga ayaan kugu Baryayee i Caafi, ilaaheyna wuu iga Aqbalay, haddana sidii oo kale ayaan yeelay laakin markii ay ii keentay Gabadheydii markaan Qur'aankiiba waa la iga Qariyey oo waan Arki waayey.
Haddaba, markuu intaa u sheegay ayuu Sheekhii kacay oo Guriga ka baxay markuu Iridda sii marayo ayuu Qeylo Maqlay, markuu soo noqdayna wuxuuba laa kulmay Ninkii oo Meyd ah, Subxaanallaah.
Wabillaahi Towfiiq.
(ILAAHOOW kHAATUMADA NOO SAMEE)
Saturday, April 26, 2014
QISO YAR OO CAJIIB AH. ILAAHAYOW KHAATUMADA NOO SUUBI. AAMIN.
Tags
# Qiso Cajiib ah.
About Ibrahim Hashi ahmed
WAA IBRAHIM HASHI AHMED OO KAGA MAHADCELINAYO BOOQASHADADA, WAXAA RAJEYNAYAA IN AAD QORAALKA WAXBADAN KA FAAIDAY, ASXAABTA LA WADAAG INSHA ALLAH.
Qiso Cajiib ah.
Labels:
Qiso Cajiib ah.
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
QISOOYINKAN KALENA AQRISO:
- 24.12.2015 - 0 CommentsNin Qoraa ahaa ayaa isaga oo Fadhiya Qolka uu had iyo jeer wax ku Qorto Gurigiisa Warqad iyo Qalin soo qaatay…
- 01.01.2016 - 0 CommentsHaweeneey Ayaa Oday Lahayd, 5 sano ayuu qabay, Waxaa La dhihi Jiray magaceeda Daaril , wax Ilmo ah umeysan…
- 11.11.2015 - 0 CommentsQISO YAR OO CAJIIB AH.Nin ka mid ahaa Saalixiinta oo la Oran jiray C/laahi IbnuMubaarak ayaa Sannad wuu Xaji…
- 04.05.2014 - 0 CommentsQiso naxdin leh : Haweeney meydkeeda la aasi waayey iyo mucjiso lagu arkay wejigeeda Waxaa loo Aasi Waayay…
- 06.12.2015 - 0 CommentsMaalin Maalmaha ka mid ah , waxa Jiray Nin ka mid ah Ragga Illahay Siiyay Lacag , nin taajir ayuu…
No comments:
Post a Comment