Monday, October 14, 2013

SHEEKO XIKMAD BADAN: WIIL IYO AABAHIIS

SHEEKO XIKMAD BADAN:
WIIL IYO AABAHIIS

Maalin maalmaha ka mid ah ayaa aabo lagac leh wiilkiisa yaraa u wadey safar, si uu u soo barto wiilkisa nolosha faqiirtinimada ah.

Waxey waqti la qaateen oo marti u ahaayeen qoys iska beeraleey ah oo faqiiriin ah.
Mudo bil ah kadib ayaa ayaa odeygii wiilkiisa weydiiyey : “aabe sidee u aragtaa noloshaan maxaasa ka baratey??”

Wiilkii yaraa baa yiri:
“1-gurigeena waxaa ku taalo meel lagu dabaasho, laakiin iyaga waxee heestaan wabi weyn oo ay ku dabaashaan.

2-anaga waxaa ifsanaaa nal(laambat), laakiin iyaga waxey heestaan xidigo habeenkii oo ay ifsadaan

3- anaga cuntada waan gadanaa, laakiin iyaga way beertaan oo way soo saartaan

4-gurigeena darbiyo badan ayuu leeyahey oo naga ilaaliya dhibka, laakiin iyaga saaxiibo badan ayeey leeyahiin oo dhibka ka ilaaliya

5- waqtigeena waxaan ku dhuminaa daawashada TV, laakiin iyaga waxey waqtigooda la qaataan qoyskooda”

Kadib waxuu intaas ku darey wiilkii yaraa: “Aabo waad ku mahadsantahey sidaa ii tustey inaan anaga nahey faqiiriin.”

CASHARKA LAGA QADANAAYO SHEEKADA:
Taajirnimada ma ahan lacagta kaliya, ee waxaa taajir ah qofka noloshiisa dhacsan kara kuna nool nolol raxmad EEBBE leh.

1 comment:

  1. Ma alaahruntii noolasha waa cashir iyo mid wax kabarasho mudan

    ReplyDelete

QISOOYINKAN KALENA AQRISO:
  • Qiso aad u cajiib badan oo Muuqaal ah Sh-Ahmed Nuur
    01.12.2015 - 0 Comments
  • Qiso yar oo cajiib badan.
    25.07.2014 - 0 Comments
    QISO YAR OO CAJIIB AH.Waxa la Wariyaye in Nabi Sulaymaan CS, Maalin isaga oo Fadhiya Badda Xeebteeda, ayuu…
  • MARWALBA ALLAAH TALO SAARO.  ***Sheeko Qalbiga Taabaneysa****
    14.10.2013 - 0 Comments
    MARWALBA ALLAAH TALO SAARO. ***Sheeko Qalbiga Taabaneysa****Gabar ayaa habeen waxay ku soo daahday xaafada ay…
  • Qiso Xanuun badan: Wiilkeeygiyoow ha iga Tegin oo Guriga ila joog. Hooyo aragaaga baa Wehel iyo Il qawoobsi ii ah. Hooyo waan ku Jeclahay ha iga Dheeraan...
    29.12.2015 - 0 Comments
    Qisadaan waxaan ka sheekeynaaya Wiilkii Qisadan laKulmay, wuxuuna Hadalkiisa ku Bilaabay Sidatan:-Waxaan la…
  • Qiso ku sabsan hooyo macaan.
    12.05.2014 - 0 Comments
    Qofkii aanan Qiimeeynin Qiimaha Nolashiisa ay Hooyadiis ku leedahay Ma helo Asagana Qof Qiimeeya Qiimaha…