SHEEKH AAD U XIKMAD BADAN & WIIL SHEEKHA U TAGAY SI UU KALA TALIYO ARIN UU ISKA JOOJIN WAAYAY,,
Nin dhalinyaro ah ayaa wuxuu u yimid nin sheikh ah. wuxuu ku yiri sheekhow waxaan iska goyn la'ahay arin aan dareemayo in aysan fiicnayn. marka aan suuqa dheex marayo waxaan fiiri fiiriyaa gabdhaha suuqa maraya anigoo marba mid isha la raaca. marar qaarna kamaba jeesan karo. sheikh ii sheeg maxaan sameeya si aan arrintaan naftayda uga reebo, ninkii sheekha ahaa ayaa wiilkii u dhiibay galas caano ah oo buuxa. wuxuu u sheegay in uu geeyo meel markaas cabaar u jirtay balse la dheex marayo suuqa, wuxuu yiri galaaska yaysan ka daadan dhibic caano ah. sidoo kale wuxuu raaciyay wiil kale oo ul wata wuxuuna ku yiri garaac hadii ay dhibic caano ah ka daadato. ninkii dhalinyarada ahaa aya qaaday caanihii suuqa ayuu la sii dheex maray ilaa uGu danbeyn uu geeyay meeshii loo rabay. kadib sheekhii ayuu ku soo laabtay asagoo faraxsan una sheegay in uu ku guuleystay howshii loo diray. sheekhii ayaa waydiiyay sida ay uGu suuragashay in uu geeyo galaaska isagoo aysan caanuhu ka daadan. wuxuu ku jawaabay wiilkii waxaan ka baqayay in suuqa dhexdiisa la igu garaaco oo dadka hortooda ku ceeboobo. sidaas darted waxaan diirada saaray galaaska caanaha ah in aan ilaaliyo. sheikh aya hadana waydiiyay in uu arkay dadka agtiisa marayay & in uu xasuusto karo wajiyadooda. wiilkii aya yiri qof aan wajigiisa arkay majiro oo xitaa waxa wadada hareeraheeda ka dhacayay lama socon. sheekhii aya wiilkii ku yiri hadaba waa sidaas oo kale qofka muslimka ah wuxuu ka cabsada ALLAH subxaanahu watacalaa & in maalinta qiyaamaha makhluuqa hortooda lagu ceebayo sidaa awgeed wuxuu ka dheerada qof muslimka ah dhamaan waxa uu ILLAHAY xaarimay.
ALLAH inaga dhigo kuwii ALLAH si dhab ah uga cabsada oo ka dheerada wuxuu ALLAHAY xaarimay oo la yimaada wuxuu ILLAHAY ina faray Allahuma Aamiin
Monday, October 14, 2013
Home
/
Qiso Cajiib ah.
/
QISO XIKMAD BADAN
/
waano
/
XIKMAD
/
SHEEKH AAD U XIKMAD BADAN & WIIL SHEEKHA U TAGAY SI UU KALA TALIYO ARIN UU ISKA JOOJIN WAAYAY,
SHEEKH AAD U XIKMAD BADAN & WIIL SHEEKHA U TAGAY SI UU KALA TALIYO ARIN UU ISKA JOOJIN WAAYAY,
About Ibrahim Hashi ahmed
WAA IBRAHIM HASHI AHMED OO KAGA MAHADCELINAYO BOOQASHADADA, WAXAA RAJEYNAYAA IN AAD QORAALKA WAXBADAN KA FAAIDAY, ASXAABTA LA WADAAG INSHA ALLAH.
XIKMAD
Labels:
Qiso Cajiib ah.,
QISO XIKMAD BADAN,
waano,
XIKMAD
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
QISOOYINKAN KALENA AQRISO:
- 04.05.2014 - 0 CommentsQiso naxdin leh : Haweeney meydkeeda la aasi waayey iyo mucjiso lagu arkay wejigeeda Waxaa loo Aasi Waayay…
- 02.12.2015 - 0 CommentsXIKMAD WAAYO ARAG AH WWW.DAARUSALAAM.COM XIKMAD WAAYO ARAG. 1- QALADAADKA OO AAD WAX KA BARATID:-…
- 31.10.2015 - 0 Commentswaa qiso ku socoto gabdhaha dhamaantood.waa qiso dhab ah mudana ina ku cibro qadano wa gabar adoo kale ah…
- 19.08.2013 - 0 CommentsArdey caajisloow ah, habeenkiina dhafri jiray, ayaa maalin maalmaha kamid ah, waxa uu kasoo qeyb galay,…
- 05.12.2015 - 0 Comments1- Ha moogaan ÂÂÂDucada… waa daawo mida ugu weyn uguna nafci badan,…
No comments:
Post a Comment