QISO CAJIIB AH.
Nin Reer Miyi ah ayaa Maraayay Meel Buur Agteeda ah, Waxuu arkay Nin Waayeel ah oo Buurta Agteeda Fadhiya, wuuna Indho la’aa, waxaana Ninka Jirkiisa ka Muuqday inuu Qabo Cuduro aad u badan. Waxay u Ekayd in Odaygu aanu sii Noolaan doonin. Qaybo Jirkiisa ka mid ah Dareen ma lahayn, sidaa darteed, Hal Dhinac oo Keliya ayuu u Fariisan karay. Marka Ninkii Reer Miyiga ahaa uu Odayga in yar Gudbau (Dhaafay), ayuu Maqlay Odaygii Maskiinka ahaa oo leh: Ilaah ayaa Mahad leh, Allahii iga Badbaadiyey Cuduro badan oo uu Dadkiisa ku Imtixaamay, Runtiina Alle wuxuu iga Doortay qaar badan oo ka mid ah kuwa uu Abuuray.
Ninkii Reer Miyiga ahaa ayaa ku soo noqday Odaygii, wuxuuna ku yiri:- Walaal, ma wax Alle kaa Badbaadiyay ayaa jirta? Ilaah ayaan ku Dhaartaye Cudur Jirkaaga ka Maqan ma jiro, ee Bal Ilaah ka Bari (Tuug) inuu ku Caafiyo.
Odaygii ayaa Isagoo Dhinac isku Tiirinaayo Ninkii ugu jawaabay:- Walaal, Haddaan heysto Af iyo Carab aan Ilaah ku Xuso, iyo Qalbi aan Ilaaheey ku Xiriiro, maxaa kaloo iga Maqan, Nolosha Qiimaheeda waaba intaas, intaasba Dad aan heysan ayaa Jiro.
Erayadaan ayaa Badalay Ninkii Reer Miyiga ahaa, oo ahaa Nin aan Diinta ku Fiicnayn, Ilaah SW, ayuu u Towbad keenay, oo Dembi Dhaaf Weydiistay, mudadaas ka dibna waxuu ahaa mid Alle ku Xiran.
Wabillaahi Towfiiq.
(ILAAHOOW NAXARIISTAADA NA SII, YAA RABBI.
Wednesday, October 23, 2013
QISO GAABAN OO CAJIIB AH.
Tags
# Qiso Cajiib ah.
About Ibrahim Hashi ahmed
WAA IBRAHIM HASHI AHMED OO KAGA MAHADCELINAYO BOOQASHADADA, WAXAA RAJEYNAYAA IN AAD QORAALKA WAXBADAN KA FAAIDAY, ASXAABTA LA WADAAG INSHA ALLAH.
Newer Article
QISO GAABAN OO CAJIIB AH.ILAAHOOW NAXARIISTAADA NA SII, YAA RABBI
Older Article
SHEEKO XIKMAD BADAN: WIIL IYO AABAHIIS
QISO YAR OO CAJIIB AH. MARWADII CAQLIGA BADNEED.Dec 24, 2015
Labels:
Qiso Cajiib ah.
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
QISOOYINKAN KALENA AQRISO:
- 29.01.2014 - 0 CommentsNin waxaa jirey fundi ahaa oo guryaha dhiso wuxuuna ushaqayn jirey mid kamida sharikadaha waawayn. Ninkii…
- 23.05.2013 - 0 CommentsWaa Qiso cajiib ah nin aya Wuxu yiri habeen Ayaan rerkayga hilib u doonay kadib hilibki asago wada oo u socda…
- 02.12.2015 - 0 Commentsbooqo http://www.yarankahashiahmed.com/ kaaqriso qisooyin diini ah.Dadka alle waxaa kamid ah kuwa…
- 18.07.2013 - 0 CommentsWaxaaa jiray wiil yar oo caadil la yiraahdo wuxuu ku noolaa nolol aad uu qaraar oo xumaaan badan.qamrada buu…
- 28.11.2015 - 0 Comments(function(d, s, id) { var js, fjs = d.getElementsByTagName(s)[0]; if (d.getElementById(id)) return; js =…
No comments:
Post a Comment