Wednesday, October 23, 2013

QISO GAABAN OO CAJIIB AH.ILAAHOOW NAXARIISTAADA NA SII, YAA RABBI

QISO CAJIIB AH.

Nin Reer Miyi ah ayaa Maraayay Meel Buur Agteeda ah, Waxuu arkay Nin Waayeel ah oo Buurta Agteeda Fadhiya, wuuna Indho la’aa, waxaana Ninka Jirkiisa ka Muuqday inuu Qabo Cuduro aad u badan. Waxay u Ekayd in Odaygu aanu sii Noolaan doonin. Qaybo Jirkiisa ka mid ah Dareen ma lahayn, sidaa darteed, Hal Dhinac oo Keliya ayuu u Fariisan karay. Marka Ninkii Reer Miyiga ahaa uu Odayga in yar Gudbau (Dhaafay), ayuu Maqlay Odaygii Maskiinka ahaa oo leh: Ilaah ayaa Mahad leh, Allahii iga Badbaadiyey Cuduro badan oo uu Dadkiisa ku Imtixaamay, Runtiina Alle wuxuu iga Doortay qaar badan oo ka mid ah kuwa uu Abuuray.


Ninkii Reer Miyiga ahaa ayaa ku soo noqday Odaygii, wuxuuna ku yiri:- Walaal, ma wax Alle kaa Badbaadiyay ayaa jirta? Ilaah ayaan ku Dhaartaye Cudur Jirkaaga ka Maqan ma jiro, ee Bal Ilaah ka Bari (Tuug) inuu ku Caafiyo.

Odaygii ayaa Isagoo Dhinac isku Tiirinaayo Ninkii ugu jawaabay:- Walaal, Haddaan heysto Af iyo Carab aan Ilaah ku Xuso, iyo Qalbi aan Ilaaheey ku Xiriiro, maxaa kaloo iga Maqan, Nolosha Qiimaheeda waaba intaas, intaasba Dad aan heysan ayaa Jiro.

Erayadaan ayaa Badalay Ninkii Reer Miyiga ahaa, oo ahaa Nin aan Diinta ku Fiicnayn, Ilaah SW, ayuu u Towbad keenay, oo Dembi Dhaaf Weydiistay, mudadaas ka dibna waxuu ahaa mid Alle ku Xiran.


Wabillaahi Towfiiq.
(ILAAHOOW NAXARIISTAADA NA SII, YAA RABBI.

HOOS GALI EMAILKAGA LA SOCO QISOOYINKA CUSUB AAN SOO GALIYO:

WALAAL SAXIBADAA LA WADAAG QISADAAN HAKA FAAIDEYSTAANE.

No comments:

Post a Comment

QISOOYINKAN KALENA AQRISO:
  • SHEEKO NAXDINLEH, "Cajalad Video ah ayaa burburisey noolasheyda".
    20.07.2013 - 0 Comments
    Gabaryar oo dhigata jamacada-kuliyada tarbiyada ayaa waxaay kawarameysaa sidii ay kuweydey wixii ay mustaqbal…
  • Qiso cajiib ah: Gabadh dhalin yaro ah oo wiil Qol la seexatey?
    01.08.2013 - 0 Comments
    Gabadh dhalin yaro ah oo wiil Qol la seexatey?Gabdho dhalin yaro ah ayaa u baxay safar iyagoo jecel inay wax…
  • QISO XIKMAD BADAN: wiilkii yaraa iyo wadaadkii caalimka ahaa.
    28.09.2013 - 0 Comments
    QISO XIKMAD BADAN: wiilkii yaraa iyo wadaadkii caalimka ahaa waxaa jirey wiil dhalanyaro ah oo sheydaan…
  • Qiso dhab ah: Waxey dhimatay ayadoo dhoola cadeyneysa.
    31.10.2015 - 0 Comments
    waa qiso ku socoto gabdhaha dhamaantood.waa qiso dhab ah mudana ina ku cibro qadano wa gabar adoo kale ah…
  • Qiso ku sabsan hooyo macaan.
    12.05.2014 - 0 Comments
    Qofkii aanan Qiimeeynin Qiimaha Nolashiisa ay Hooyadiis ku leedahay Ma helo Asagana Qof Qiimeeya Qiimaha…