Monday, October 14, 2013

MARWALBA ALLAAH TALO SAARO. ***Sheeko Qalbiga Taabaneysa****

MARWALBA ALLAAH TALO SAARO.
***Sheeko Qalbiga Taabaneysa****

Gabar ayaa habeen waxay ku soo daahday xaafada ay daganeyd gabar kale oo ay saaxiibo yihiin, kadib way soo baxday, intii ay wadada mareysay ayey cabsi dareentay maadaama ay wadada cildo aheyd, waxayna talo saaratay Allaah, wax yar kadib waxay aragtay nin geed horteeda ah ku gambanaya way naxday waxay Allah ka barisay inuu badbaadiyo ayadoo ducooyin badan afka ku heysa ayey si tartiib ah ninkii u ag martay, gurigeedii ayeyna si nabad ah ku tagtay.


Subixii ayey waxay maqashay in wadadii ay soo martay geedkii ninku ku jiray agtiisa lagu dilay gabar, xiliga uu dilka dhacay waa qadar 10 daqiiqo camal kadib markii ay meesha martay,

Waxay dareentay in ninka dilka geystay uu yahay kii ay soo agmareysay, si ay police-ka ugu sheegto ninka tilmaantiisa ayey aaday saldhiga.

kadib taliyihii saldhiga joogay ayaa u sheegay in ay hayaan dhowr nin oo habeenkaas la soo qabtay loogana shakisan yahay dilka gabadha in ay geysteen, sidaa darteed wuxuu gabadhii ka dalbaday in ay ragaas wajiyadooda eegto oo ay sheegto hadii uu ku jiro ninka ay habeenkii aragtay.

Gabadhii ayaa si geesinimo leh u soo hor istaagtay ninamkii eedeysanayaasha ahaa waxayna ka aqoonsatay ninkii, wayna sheegtay, ninkii ayaa isna dambigii qirtay.

Gabadhii ayaa taliyaha ka codsatay in ninka loo weydiiyo sababta uu iyada u soo weerari waayay.


Markii la weydiiyay ninkii ayaa ku jawaabay; "kaligeed meysan aheyn, waxaa dhinacyada ka socday laba nin oo dhaadheer oo xoog badan."

#Allaahu Akbar, waxaa hubaal ah in qofkii Allaah magan gala in uu
Allaah badbaadinayo.

HOOS GALI EMAILKAGA LA SOCO QISOOYINKA CUSUB AAN SOO GALIYO:

WALAAL SAXIBADAA LA WADAAG QISADAAN HAKA FAAIDEYSTAANE.

No comments:

Post a Comment

QISOOYINKAN KALENA AQRISO:
  • Qiso cajiib ah: ILAAHEY AYAAN KA XISHOODAY.
    01.02.2014 - 0 Comments
    QISO CAJIIB AH. (Ilaaheey ayaan ka Xishooday). Qisadaan wuxuu Imaamkii weynaa ee Imaam Dahabi uga Sheekeeyey…
  • XUSUUSNOOW NIMCOOYINKA RABBI.
    12.05.2014 - 0 Comments
    Qiso Cajiib ah. Cabdallah Bincmah Wuxuu ahaa nin Xubnihiisa Shaqeen waayeen, waxaana noqday Qof Baraalis…
  • QISO CAJIIB AH: Wanaaga uu leeyahay, qof muslim ah oo aad u ceeb asturtid.
    29.01.2014 - 0 Comments
    Imaam Tujiyo Masaajid weyn oo ku yaalo dalka Suuriya ayaa wuxuu jameecadiisa u sheegay Shan sano ka hor Qiso…
  • Qiso Qalbiga taabaneyso: Maxaan Ilmo u dhali la,nahay?
    29.03.2015 - 0 Comments
    Mudo lix sano ah ayaa ka soo wareegatay markey is guursadeen Axmed iyo Maryam, wax caruur ah iskuma aysan…
  • HADALO XIKMADEYSAN.Oday ayaa Caruur uu dhalay, kula Taliyey Hadaladaan Xikmadeysan oo weliba Qiimaha weyn Xambaarsan, wuxuuna ku yiri:-
    17.12.2015 - 0 Comments
    HADALO XIKMADEYSAN.Oday ayaa Caruur uu dhalay, kula Taliyey Hadaladaan Xikmadeysan oo weliba Qiimaha weyn…