Monday, October 14, 2013

GAARINIMADA I YO DAACADNIMAD “QISO CAJIIB AH OO DHEXMARTAY SICIID BINU MUSAYIB & ABUU WADAACA...

GAARINIMADA I YO DAACADNIMAD “QISO CAJIIB AH OO DHEXMARTAY SICIID BINU MUSAYIB & ABUU WADAACA...

Qisadan soo socotaa waxa ay dhex martay Siciid Binu Musayib oo ka mid ahaa taabiciyiintii iyo abuu wadaaca.

Guurkii labada dirham

Siciid Bimnu Musayib oo ka mid ahaa taabiciyiintii(raggii asxaabta rasuulak arkay laakiin aan rasuulka naftiisa arag) ayaa waxa uu kitaab u akhriyi jiray dad badan maadaam uu aha sheikh caalim ku ah diinta islaamka.

Abuu wadaaca nin la odhan jiray baa ka mid ahaa xerta ardada ah ee shiikha culuunta kala duwan ka akhrisata,maalin maalmaha ka mid ah ayuu abuu wadaaca casharkii iyo masaajidkii aanu imanin.xanuun ku dhacay xaaskiisa awgii ayaanu u maqnaa.

Abuu wadaaca waxa uu ahaa nin sabool ah laakiin asluub,akhlaaq iyo diinba alle(swt) uu siiyey,kuna dhaqma oo ku camal fala diinta.shanta salaadood masaajidka ayuu saful awalk aahaa inta badan.

Siciid binu musayib kolkuu dhawr casho waayey abuu –wadaaca ayuu maalintii dambe yimid oo ka soo qayb galay sidii caadada u ahayd xalqadii waxbarashada ee masaajidka uga socotay.Siciid baa arkay abuu wadaaca kolkaasuu ku yidhi:maalmahadn waad maqnayse maxaa ku helay ,miyaad xanuusanaysay?

Abuu-wadaaca:maya anigu maan xanuusanayn laakiin xaaskayga ayaa xanuusanaysay, xanuunkiina kamay kicin ee waa ay u geeriyootay.

Siciid:oo maxaad noogu soo sheegi weyday intay xanuusanaysay waanu soo booqanlahayn,jinaasadana waanu ka soo qayb geli lahayne’

Abuu-wadaaca:ilaahay baan qorin.

Muddo kolkay ka soo wareegtay geeridii xaaskii

Abuu- wadaaca ayuu maalin kale siciid ku yidhi

Abuu-wadaaca waar ma guursatay?

Abuu-wadaaca:oo yaa gabdh siinaya ninkaygan saboolka ah ee aan 2 Dirham mooyee wax kale haysan?

Siciid waxa uu dhalay gabadh wax ka qiimo iyo qaayo badnayd,diintana aad u baratay oo kitaabka iyo sunnaha rasuulka(scw) gaws-dambeedka ku haysata.

Siciid waxa uu yaqaanay dhaqan wanaaga ,daacadnimada iyo qanaacadda uu Alle(swt) ku manaystay ninkan Abuu-wadaaca sidaas awgeed buu go’aansaday in uu inantiisa siiyo oo u dhiso.

Sidii baanu ugu dhisay siciid inantiisii ninkaas saboolka ah laakiin iimaanku qanjaha joogo,gabadhiina waxa uu ugu meheriyey 2dii Dirham ee uu haystay.

Qisadani waxaynu ka faa’iideysanaynaa in aan gabdhaha nin adduun haysta uun lala raadin ee loo sahamiyo nin diin iyo dhaqan suuban leh oo islaam ah.

No comments:

Post a Comment

QISOOYINKAN KALENA AQRISO:
  • Qiso Cajiib Ah oo aad aqoon Badan Aad Ka Kororsan .doontid
    04.05.2014 - 0 Comments
    Qiso Cajiib Ah oo aad aqoon Badan Aad Ka Kororsan doontid.Hooyo Muslimad ah ooQurbaha ku Nool ayaa waxey ku…
  • Qiso Cajiib Ah: Ogoow hadii aad gabdhaha kale xumeyso in adigana walaashaa la xumeynayo.
    18.07.2013 - 0 Comments
    Waxaaa jiray wiil yar oo caadil la yiraahdo wuxuu ku noolaa nolol aad uu qaraar oo xumaaan badan.qamrada buu…
  • SHEEKH AAD U XIKMAD BADAN & WIIL SHEEKHA U TAGAY SI UU KALA TALIYO ARIN UU ISKA JOOJIN WAAYAY,
    14.10.2013 - 0 Comments
    SHEEKH AAD U XIKMAD BADAN & WIIL SHEEKHA U TAGAY SI UU KALA TALIYO ARIN UU ISKA JOOJIN WAAYAY,,Nin…
  • Qiso: Dood yaableh oo dhexmartay, nin muslim ah iyo nin masiix ah.
    15.08.2013 - 0 Comments
    Nin Masiixi ah ayaa waxa uu gurigiisa ku casuumay nin muslim ah, oo ay aqoon guud ay ka dhaxeysay.Masiixigii…
  • Qiso cajiib ah: WELIGAA HA DEG DEGIN
    20.08.2013 - 0 Comments
    WELIGAA HA DEG DEGIN Sheeko Cajiib ah:Wiil ayaa dhigan jiray jaamacad. Aabihiina wuxuu ahaa nin maal qabeen…