Monday, October 14, 2013

MARWALBA ALLAAH TALO SAARO. ***Sheeko Qalbiga Taabaneysa****

MARWALBA ALLAAH TALO SAARO.
***Sheeko Qalbiga Taabaneysa****

Gabar ayaa habeen waxay ku soo daahday xaafada ay daganeyd gabar kale oo ay saaxiibo yihiin, kadib way soo baxday, intii ay wadada mareysay ayey cabsi dareentay maadaama ay wadada cildo aheyd, waxayna talo saaratay Allaah, wax yar kadib waxay aragtay nin geed horteeda ah ku gambanaya way naxday waxay Allah ka barisay inuu badbaadiyo ayadoo ducooyin badan afka ku heysa ayey si tartiib ah ninkii u ag martay, gurigeedii ayeyna si nabad ah ku tagtay.

Subixii ayey waxay maqashay in wadadii ay soo martay geedkii ninku ku jiray agtiisa lagu dilay gabar, xiliga uu dilka dhacay waa qadar 10 daqiiqo camal kadib markii ay meesha martay,

Waxay dareentay in ninka dilka geystay uu yahay kii ay soo agmareysay, si ay police-ka ugu sheegto ninka tilmaantiisa ayey aaday saldhiga.

kadib taliyihii saldhiga joogay ayaa u sheegay in ay hayaan dhowr nin oo habeenkaas la soo qabtay loogana shakisan yahay dilka gabadha in ay geysteen, sidaa darteed wuxuu gabadhii ka dalbaday in ay ragaas wajiyadooda eegto oo ay sheegto hadii uu ku jiro ninka ay habeenkii aragtay.

Gabadhii ayaa si geesinimo leh u soo hor istaagtay ninamkii eedeysanayaasha ahaa waxayna ka aqoonsatay ninkii, wayna sheegtay, ninkii ayaa isna dambigii qirtay.

Gabadhii ayaa taliyaha ka codsatay in ninka loo weydiiyo sababta uu iyada u soo weerari waayay.

Markii la weydiiyay ninkii ayaa ku jawaabay; "kaligeed meysan aheyn, waxaa dhinacyada ka socday laba nin oo dhaadheer oo xoog badan."

#Allaahu Akbar, waxaa hubaal ah in qofkii Allaah magan gala in uu
Allaah badbaadinayo.

No comments:

Post a Comment

QISOOYINKAN KALENA AQRISO:
  • QISO YAR OO CAJIIB AH: habeen kasta waxaan ku riyoodaa nabiga scw
    12.01.2016 - 1 Comments
    Sheekh Maxamed Xassaan wuxuu yiri: waxaa leey keenay Gabar yar oo 14jir ah, mfvkvfm9858waxayna igu tiri:-…
  • ISKU TARBIYEE 20KAN SIFOOD SI AAD U NOQOTID QOF LA JECELYAHAY.
    11.01.2016 - 0 Comments
    Hamoodin qofku inuu soo dhasho isagoo la tixgaliyo ama la jeclyahay. Laakiin waa wax la kasbado lana gaadho…
  • 15 CIQAABOOD OO SUGAYO QOFKA SALAADA KA TAGO.
    02.12.2015 - 0 Comments
    www.daarusalaam.comka aqriso qisooyin iyo sheekooyin diini ah.Nabi MUXAMED (SCW) waxa uu yiri: Qofka ka tagaa…
  • Qiso Jacayl oo diini ah taas oo qofkastoo aqristo ka ilmeysiineyso.Wuxuu ahaa qof iimaan leh, diin leh sida......
    24.12.2015 - 0 Comments
    Wuxuu ahaa qof iimaan leh, diin leh sida caadada ahna dhaqanka uu yaheyna gabdhaha markii laga helo meelo…
  • Qiso cajiib ah, oo faa,ido badan.
    29.01.2014 - 0 Comments
    Nin waxaa jirey fundi ahaa oo guryaha dhiso wuxuuna ushaqayn jirey mid kamida sharikadaha waawayn. Ninkii…