Saturday, September 28, 2013

Sheeko gaaban: Lamaane markaas aqal galay ayaa maalinkii koowaad ee arooskooda waxey ku heshiiyeen in aysan ...

Sheeko:-
Lamaane markaas aqal galay ayaa maalinkii koowaad ee arooskooda waxey ku heshiiyeen in aysan qofna albaabka ka furin.

Maalinkii koowaad waxaa yimid ninka waalidkiis, albaabka ayey soo garaaceen, ninkii iyo xaaskiisa wey is fiiriyeen wuxuuna doonayay inuu albaabka ka furo waalidkiis balse maadaama uu balan galay ma uusan ka furin irida, xoogaa kadibna waalidkiis waa iska laabteen.

Isla maalinkaas wax yar kadid waxaa yimid gabadha waalidkeed albaabka ayey soo garaaceen, gabadhii iyo ninkii way is fiiriyeen, inkastoo ay balan gashay hadana way is celin waysay ilin ayaa indhaheeda ka timid kadibna


way istaagtay albaabkii ayey ka furtay waalidkeed.

Ninkii waxba ma uusan dhihin, sanado kadib waxay isu dhaleen 4 wiil, cunuga shanaad wuxuu ahaa gabar markaas dhalatay.

Aabihii qoyska wuxuu sameeyay xaflad aad u weyn oo dad badan uu ku casuumay isagoo u dabaal dagaya gabadha u dhalatay.

Xafladii markii ay dhamaatay oo dadkii kala tageen, habeenkii ayaa xaaskiisa weydiisay sababta uu sidaan dhan ugu dabaal dagay gabadha yar isagoo aan si sidaas lamid ah hore ugu dabaal dagin afartiisa wiil.


Ninkii isagoo dhoola cadeynaya ayaa wuxuu yiri: “Maxaa yeelay iyadu waa qofka albaabka iga furi doona.”

HOOS GALI EMAILKAGA LA SOCO QISOOYINKA CUSUB AAN SOO GALIYO:

WALAAL SAXIBADAA LA WADAAG QISADAAN HAKA FAAIDEYSTAANE.

No comments:

Post a Comment

QISOOYINKAN KALENA AQRISO:
  • QISO CAJIIB AH. (Boqorkii ka Cararay Boqortooyadiisii).
    26.04.2014 - 0 Comments
    QISO CAJIIB AH.(Boqorkii ka Cararay Boqortooyadiisii).Nin Ummadihii Hore ka mid ah oo uu ku sugan yahay…
  • Qiso Diini Ah Oo Aad U Xanuun Badan Dhacdayna Xiligii Rasuulka SCW “Ku Cibro Qaado.
    12.05.2014 - 0 Comments
    Waxaa la yiri Waqtigii Rasuulka CSW, inuu jiray WiilDhalinyaro ah oo la yiraahdo Calqamah, Wuxuuahaa mid aad…
  • QISO XIKMAD BADAN: wiilkii yaraa iyo wadaadkii caalimka ahaa.
    28.09.2013 - 0 Comments
    QISO XIKMAD BADAN: wiilkii yaraa iyo wadaadkii caalimka ahaa waxaa jirey wiil dhalanyaro ah oo sheydaan…
  • Qiso cajiib ah: Waxuu yiri: Allah swt hadii uu jiro Hal saac kadib nafta ha iga qaado.
    02.08.2013 - 0 Comments
    Qiso cajiib ah: Waxuu yiri: Allah swt hadii uu jiro Hal saac kadib nafta ha iga qaado.Wuxuu ahaa wiil…
  • Qiso cajiib ah.
    12.11.2013 - 0 Comments
    QISO CAJIIB AH. Nin Dadkii Saalixiinta ka mid ahaa ayaa wuxuu yiri:- Waxaan soo galay Masar waxaan arkay Nin…