Saturday, September 28, 2013

Sheeko gaaban: Lamaane markaas aqal galay ayaa maalinkii koowaad ee arooskooda waxey ku heshiiyeen in aysan qofna albaabka ka furin. Maalinkii koowaad waxaa yimid ninka waalidkiis......

Sheeko:-
Lamaane markaas aqal galay ayaa maalinkii koowaad ee arooskooda waxey ku heshiiyeen in aysan qofna albaabka ka furin.

Maalinkii koowaad waxaa yimid ninka waalidkiis, albaabka ayey soo garaaceen, ninkii iyo xaaskiisa wey is fiiriyeen wuxuuna doonayay inuu albaabka ka furo waalidkiis balse maadaama uu balan galay ma uusan ka furin irida, xoogaa kadibna waalidkiis waa iska laabteen.

Isla maalinkaas wax yar kadid waxaa yimid gabadha waalidkeed albaabka ayey soo garaaceen, gabadhii iyo ninkii way is fiiriyeen, inkastoo ay balan gashay hadana way is celin waysay ilin ayaa indhaheeda ka timid kadibna

way istaagtay albaabkii ayey ka furtay waalidkeed.

Ninkii waxba ma uusan dhihin, sanado kadib waxay isu dhaleen 4 wiil, cunuga shanaad wuxuu ahaa gabar markaas dhalatay.

Aabihii qoyska wuxuu sameeyay xaflad aad u weyn oo dad badan uu ku casuumay isagoo u dabaal dagaya gabadha u dhalatay.

Xafladii markii ay dhamaatay oo dadkii kala tageen, habeenkii ayaa xaaskiisa weydiisay sababta uu sidaan dhan ugu dabaal dagay gabadha yar isagoo aan si sidaas lamid ah hore ugu dabaal dagin afartiisa wiil.

Ninkii isagoo dhoola cadeynaya ayaa wuxuu yiri: “Maxaa yeelay iyadu waa qofka albaabka iga furi doona.”

No comments:

Post a Comment

QISOOYINKAN KALENA AQRISO:
  • Qiso cajiib ah: Awooda ducada leedahay.
    29.01.2014 - 0 Comments
    Kulan saxaafadeed ayaa nin ganacsade si weyn looga yaqaano dalka Isu taga Imaaraadka Carabta lagu weydiiyey…
  • SHEIKH MOHAMED IDIRIS ILA TALI: DOCTOR IYO GUURKA?
    04.01.2015 - 0 Comments
    Asc shiikh, waan kusalaamayaa sh.waxaan u baahanahay inaad ilatalisid ..shiikh waxaan ahay ardey waxbarta…
  • QISO CAJIIB AH. BAAQULIGII DHOOBKA AHAA
    27.11.2015 - 0 Comments
    Qiso cajiib ah Odey Duq ah ayaa wuxuu la Noolaay Wiilkiisa iyo Gabar uu sodog u yahay iyo Cunug yar oo 4…
  • QISO AAD U CAJIIB AH HA KA CAAJISIN FADLAN AQRINTEEDA AWEY DHALINYARADII !!
    03.10.2013 - 0 Comments
    QISO AAD U CAJIIB AH HA KA CAAJISIN FADLAN AQRINTEEDAAWEY DHALINYARADII !!Qasidan waxaa ka sheekeenaaya…
  • Qiso yaroo cajiib ah
    25.07.2014 - 0 Comments
    QISO YAR OO CAJIIB AH.Wiil ayaa wuxuu jeclaaday Gabar aad u Qurux badan, ka dib Aabihiis ayuu ku yiri:- Aabe…