QISO CAJIIB AH OO KAA ILMEESIIN DOONTA
Qisadan oo ah mid dhab ah oo dhacdey, waxaa ka sheekeenaayey Sh. Karim Abu zaid waxuuna ku bilaabey sida tan:
Nin iska shaqeeysta oo ku nool wadamada khaliijka, ayaa mudo afar sano ah markuu shaqeestey, oo uu heley lacag ku filan, ayaa waxuu dooney inuu guursado, markaas buu waxuu u tagey aabihiis oo ahaa Nin caalim ah oo wadaad ah, imaam masaajidna ah, waxuuna ka codsadey inuu u dooro gabarta uu guursan lahaa, waliba uusan dooneynin inuu la kulmo ilaa habeenka guurka mooyee?
Kadib abahii oo ahaa nin caalim ah oo diinta ku xeel dheer ayaa u dooney gabar diin leh, laakin aan qurux laheen!
Kadib markii loo guri geeyey ayuu qolkii jiifka u galey gabadhii iyadoo xijaaban!
kadib ayuu ka qaadey xijaabkii mise waxuu aad uga naxey aragtida gabadha oo aan quxooneen. waxuuna is weydiiyey:"Aabahaa maxuu sidan ka wadey oo uu kuugu doorey midaan xun?"
Kadib asigoo niyad jabsan ayuu iska seexdey.
Habeenkii saq dhehe markii la gaarey ayaa gabadhii kicisey ninkeedii oo ku tiri
kaaley duko salaatul layl, markaas buu ka diidey, iyadono ka quusan ayeey kacday oo biyo soo qaadatey kuna shubtey si uu u kaco.
Markii uu kacey ayeey ku dhahdey hadal qalbigiisa taabtey:
"waan ogahey inaad iga niyad jabtey, walibo waan ogahey inaan fool-xumahey, laakin aniga waxaan guurkaaga u ogolaadey hal arin, taasoo ah inaan fuliyo oo aan ka faa'iideesto ducada Nabi mohammad SCW oo aheed:
"Allaha u naxariisto ninka habeenkii u kaca tahajud, una kiciya naagtiisa, kadibna hadeey kici weysana ku daadiya biyo si ay u kacdo, sidoo kale Naagta tahajud u kacdo kadibna ninkeeda u kiciso tahajudka, haduu kici waayana biyo ku daadisa si uu u kaco ALLAHA u naxariisto".
Marka aniga sidaas ayaan rabey inaa sameeyo si Illaahey iigu naxariisto, waxaana ogaa fursada la igu guursan karo iney yartahey, sababtoo ah ma qurxooni nin i rabana ma lahan.
Ninkii aad buu isku ceebsadey, wuu kacey salaadii buuna tujiyey asiga iyo xaaskisa, markii ay ka baxeen salaada, shiikha sheekada ka sheekeenayey waxuu yiri:
"Ilaahey baan ku dhaartaye ninkii waxuu yiri markaan salaada ka baxey oo aan gabadha wajigeeda fiiriyey, waaba naagta dunida ugu quxoon ee aan ebed fiiriyo"
SUBHANALLAAH! u fiirso sida Rabbi uu ugu abuurey jaceylka qalbiga ninka.
Saturday, September 28, 2013
Home
/
Qiso Cajiib ah.
/
QISO CAJIIB AH OO KAA ILMEESIIN DOONTA Qisadan oo ah mid dhab ah oo dhacdey, waxaa ka sheekeenaayey Sh. Karim Abu zaid waxuuna ku bilaabey sida tan:
QISO CAJIIB AH OO KAA ILMEESIIN DOONTA Qisadan oo ah mid dhab ah oo dhacdey, waxaa ka sheekeenaayey Sh. Karim Abu zaid waxuuna ku bilaabey sida tan:
Tags
# Qiso Cajiib ah.
About Ibrahim Hashi ahmed
WAA IBRAHIM HASHI AHMED OO KAGA MAHADCELINAYO BOOQASHADADA, WAXAA RAJEYNAYAA IN AAD QORAALKA WAXBADAN KA FAAIDAY, ASXAABTA LA WADAAG INSHA ALLAH.
Older Article
Sheeko gaaban: Lamaane markaas aqal galay ayaa maalinkii koowaad ee arooskooda waxey ku heshiiyeen in aysan ...
QISO YAR OO CAJIIB AH. MARWADII CAQLIGA BADNEED.Dec 24, 2015
Labels:
Qiso Cajiib ah.
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
QISOOYINKAN KALENA AQRISO:
- 20.08.2013 - 0 CommentsWiil ayaa dhigan jiray jaamacad. Aabihiina wuxuu ahaa nin maal qabeen ah, wiilka wuxuu aad u jeclaa gawaarida…
- 26.04.2014 - 0 CommentsAabaha wuxuu Wiilkiisa ku yiri:-1- Wiilkeygiyoow wax kasta oo Macaan ayaan Dhadhamiyey, mana Arag wax…
- 02.10.2013 - 0 CommentsQAATUMADA WAANAGSAN: Sheeko cajiib ah Maalin maalmaha ka mid ah ayaa nin wadaad ah oo gaarigiisa wato waxuu…
- 02.10.2013 - 1 CommentsQAATUMADA WAANAGSAN: Sheeko cajiib ah Maalin maalmaha ka mid ah ayaa nin wadaad ah oo gaarigiisa wato waxuu…
- 30.12.2015 - 0 CommentsSheekh Caalim ahaa oo la oran jiray Abuyazid Albasdhami, ayaa Maqlay Habeen, qaylada kuwa Kirishtan ah oo…
No comments:
Post a Comment