Monday, July 22, 2013

Qiso Yar Oo Ku Saabsan Duco Waalid.’’


Sahal Bin Bishrin Wuxuu Yiri Waxaa ii Shekeeyey Nin La Yiraahdo Suleel ibnu Ayuub ibnu suleel Wagii Uu Yaraa Wuxuu Daganaan Jirey Meel Magaceeda Rayi La Yiraahdo 10 Sano Markii Uu Gaarey Qur’aanka Xogaa Ka Bartey Niman Culimo Ah Oo Ey Meel iskugu Yimadeen Culimadii Nin Ka Mid Ah Ayaa Yiri Salaada Na Tuji Maxaa Yeeley Ardey Da’daal Badan Ayuu Ahaa Wuxuu Yiri Waxaan Bilaabey in aan Suuratu Faatixa Aqriyo Lakiin Waan Awoodi Kari Waayey in aan Aqriyo Fataxadii Oo Ey igu Adkaatey Sidii in Uu Carabkii I Qalaley Oo Kale Waan Wadi Waayey Suuratu Faataxa Kadibna Culimadii Mid Ka Mid Ah Ayaa ii Yeerey Wuxuu igu Yiri Hooyo Ma Leedahay? Waxaan Ku iri Haa Markaas Ayuu I dhahay Oradoo, Hoyadaa U Tag

Waxaad Ku Dhahdaa Hooyo ii Duceey Oo Waliba Waxaad Ku Dhahdaa iigu Duceey in Uu Alle Igu Arzuqo Qur’aanka Aqriskiisa iyo iyo Xifdigiisa iyo Barashadiisa iyo Cilmiga Hoyadeey Ayaan U Tagey Ayuu Dhahay Hooyo ii Duceey Aan Dhahay Hadaba Wey ii Duceysey Hoyadeey Markii Aan Wenaadey Cilmi Baan Dalbey Oo Waxaan Aadey Baqdaad Waxaan Si Fiican U Soo Bartey Luqada Carabiga iyo Fiqiga Magaladii Aan Ku Dhashey Ee Rayi La Dhihi Jirey Aan Ku Soo Laabtey Aniga Oo Masjid Ween Ku Dhax Jira Aqrinaya Kitaabka La Yiraahdo Muqtasaru Janiyi Ayaan Waxaa Arkey Ninkii Wagii igu Yiri Hoyadaa Ka Soo Duceyso Asagana ima Garanaayo Lakiin Waxaa Loo Sheegey Hada Ka Hor shekadan in Ey Na Dhax Martey Markasuu Ninkii Wuxuu Yiri TaloW Qofka Asagoo Da’ Yar Siduu Cilmiga Ku Baran Karaa? Markaas Ayaan Waxaan Qalbiga Ka iri Buu Yiri Hadaad Hooyo Ledahay Ku Dheh ii Duceey Kadibna Ninkii Odeyga Ahaa Ayaan ka Xishoodey .’’ Hadaba ninkaan Cilmiga Leh Caalimkana Ah Waxaa Sabab U Aheed Hoyadiis Oo U Duceysey,’’ Halkaas Waxaan Ka Qadaneynaa Ducadda Waalidka in Ey Tahay Maqbuul Loona Baahanyahay Qofka in Uu Waalidkiis Ka Duceysto Oo Uu Ku Dhaho Hooyo ii Duceey,’’
HOOS GALI EMAILKAGA LA SOCO QISOOYINKA CUSUB AAN SOO GALIYO:


WALAAL SAXIBADAA LA WADAAG QISADAAN HAKA FAAIDEYSTAANE.

No comments:

Post a Comment

QISOOYINKAN KALENA AQRISO:
  • SHEEKO QALBIGA TAABANEYSA.
    14.10.2013 - 0 Comments
    SHEEKO QALBIGA TAABANEYSA.Wax badan waad aqrisay sheekooyin ku saabsan jaceylka Hooyo ilmeheeda u heyso,…
  • SHEIKH MOHAMED IDIRIS ILA TALI: DOCTOR IYO GUURKA?
    04.01.2015 - 0 Comments
    Asc shiikh, waan kusalaamayaa sh.waxaan u baahanahay inaad ilatalisid ..shiikh waxaan ahay ardey waxbarta…
  • NABIGA SCW WAXUU YIRI: "SADAQADA KU DAAWEEYA BUKAANKIINA".
    01.01.2015 - 0 Comments
    Qisadan layaabka badan, ayaan ka dhaadhacayn qof nabi Muxammad (Naxariis iyo nabad galyo korkiisa ha ahaatee)…
  • Qiso: Dood yaableh oo dhexmartay, nin muslim ah iyo nin masiix ah.
    15.08.2013 - 0 Comments
    Nin Masiixi ah ayaa waxa uu gurigiisa ku casuumay nin muslim ah, oo ay aqoon guud ay ka dhaxeysay.Masiixigii…
  • Qiso cajiib ah: Waxuu yiri: Allah swt hadii uu jiro Hal saac kadib nafta ha iga qaado.
    02.08.2013 - 0 Comments
    Qiso cajiib ah: Waxuu yiri: Allah swt hadii uu jiro Hal saac kadib nafta ha iga qaado.Wuxuu ahaa wiil…