Monday, July 22, 2013

Qiso Yar Oo Ku Saabsan Duco Waalid.’’


Sahal Bin Bishrin Wuxuu Yiri Waxaa ii Shekeeyey Nin La Yiraahdo Suleel ibnu Ayuub ibnu suleel Wagii Uu Yaraa Wuxuu Daganaan Jirey Meel Magaceeda Rayi La Yiraahdo 10 Sano Markii Uu Gaarey Qur’aanka Xogaa Ka Bartey Niman Culimo Ah Oo Ey Meel iskugu Yimadeen Culimadii Nin Ka Mid Ah Ayaa Yiri Salaada Na Tuji Maxaa Yeeley Ardey Da’daal Badan Ayuu Ahaa Wuxuu Yiri Waxaan Bilaabey in aan Suuratu Faatixa Aqriyo Lakiin Waan Awoodi Kari Waayey in aan Aqriyo Fataxadii Oo Ey igu Adkaatey Sidii in Uu Carabkii I Qalaley Oo Kale Waan Wadi Waayey Suuratu Faataxa Kadibna Culimadii Mid Ka Mid Ah Ayaa ii Yeerey Wuxuu igu Yiri Hooyo Ma Leedahay? Waxaan Ku iri Haa Markaas Ayuu I dhahay Oradoo, Hoyadaa U Tag Waxaad Ku Dhahdaa Hooyo ii Duceey Oo Waliba Waxaad Ku Dhahdaa iigu Duceey in Uu Alle Igu Arzuqo Qur’aanka Aqriskiisa iyo iyo Xifdigiisa iyo Barashadiisa iyo Cilmiga Hoyadeey Ayaan U Tagey Ayuu Dhahay Hooyo ii Duceey Aan Dhahay Hadaba Wey ii Duceysey Hoyadeey Markii Aan Wenaadey Cilmi Baan Dalbey Oo Waxaan Aadey Baqdaad Waxaan Si Fiican U Soo Bartey Luqada Carabiga iyo Fiqiga Magaladii Aan Ku Dhashey Ee Rayi La Dhihi Jirey Aan Ku Soo Laabtey Aniga Oo Masjid Ween Ku Dhax Jira Aqrinaya Kitaabka La Yiraahdo Muqtasaru Janiyi Ayaan Waxaa Arkey Ninkii Wagii igu Yiri Hoyadaa Ka Soo Duceyso Asagana ima Garanaayo Lakiin Waxaa Loo Sheegey Hada Ka Hor shekadan in Ey Na Dhax Martey Markasuu Ninkii Wuxuu Yiri TaloW Qofka Asagoo Da’ Yar Siduu Cilmiga Ku Baran Karaa? Markaas Ayaan Waxaan Qalbiga Ka iri Buu Yiri Hadaad Hooyo Ledahay Ku Dheh ii Duceey Kadibna Ninkii Odeyga Ahaa Ayaan ka Xishoodey .’’ Hadaba ninkaan Cilmiga Leh Caalimkana Ah Waxaa Sabab U Aheed Hoyadiis Oo U Duceysey,’’ Halkaas Waxaan Ka Qadaneynaa Ducadda Waalidka in Ey Tahay Maqbuul Loona Baahanyahay Qofka in Uu Waalidkiis Ka Duceysto Oo Uu Ku Dhaho Hooyo ii Duceey,’’

No comments:

Post a Comment

QISOOYINKAN KALENA AQRISO:
  • Qiso cajiib ah: WELIGAA QOF MUSLIMA HA XAQIRIN! QISA WIIL DHALIN YARAA OO YAAB LEH (RAABICA CADAWIYA)..
    20.08.2013 - 0 Comments
    WELIGAA QOF MUSLIMA HA XAQIRIN!QISA WIIL DHALIN YARAA OO YAAB LEH (RAABICA CADAWIYA)....Sheekada waxaa…
  • 15 CIQAABOOD OO SUGAYO QOFKA SALAADA KA TAGO.
    02.12.2015 - 0 Comments
    www.yarankahashiahmed.comka aqriso qisooyin iyo sheekooyin diini ah.Nabi MUXAMED (SCW) waxa uu yiri: Qofka ka…
  • Qiso lagu Qaato: Xaqiiqada Hadey ka qarsoonaatay Makhluuqa ,ILAAHA Khaaliqa ah ka qarsoonaanmeyso.
    07.12.2015 - 0 Comments
    Haweeneey Ayaa Oday Lahayd, 5 sano ayuu qabay, Waxaa La dhihi Jiray magaceeda Daaril , wax Ilmo ah umeysan…
  • QISO YAR OO CAJIIB AH. (Fadligga ay Leedahay Run Sheegidda).
    12.01.2016 - 0 Comments
    Sheikh Cadbdulqaadir Jeylaani oo Caalim Carbeed ah ayaa isagoo Cilmi Raadis ahaa u Baxay Bagdaad (Caasimadda…
  • Qiso cajiib ah: WELIGAA QOF MUSLIMA HA XAQIRIN! QISA WIIL DHALIN YARAA OO YAAB LEH (RAABICA CADAWIYA)..
    20.08.2013 - 0 Comments
    WELIGAA QOF MUSLIMA HA XAQIRIN!QISA WIIL DHALIN YARAA OO YAAB LEH (RAABICA CADAWIYA)....Sheekada waxaa…