Imaamu shaafici ILAAHAY ha u naxaristee, ayaa isagoo ardeydiisii wax baraya waxaa u timid haweeney jaariyad ama shaqaalo u ahayd waxa ayna tiri:
Shiikhoow, habeenkiina ma iga zineysanee, maalintiina ma ardeyda ayaad u khudbeyneysaa?
imaamu shaafici ayaa si deggan u fiirshay haweeneydii sidookale ardeydii ayaa naxeen
waxa ayna indhaha u taageen waxa uu ku jawaabi doono imaamku.
Imaamu shaafici ayaase yiri: Jaariyadyahay xisaabta aad iga dooneyso waa imisa?
Ardeydii ayaa naxdin iyo anfariir ka qaaday jawaabta shiikha,
waxay inta badan xirteen kabahoodii si
meesha uga tagaan maadama shiikhoodii uu isku cadeeyay arin faaxisho ah.
Imaamu shaafici ayaase ardeydii u yeeray waxa uuna ku yiri: waxaad iga soo qaadiin sida timirta oo kale, inta macaan iga cuna laftana iska tuura(isagoo ula jeeday cilmiga iyo wanaaga iga qaata, laakiin xumaanteyda iska tuura)
Ayadoo meeshi la joogo ayaa waxaa yimid nin ordaayo waxa uuna jaariyadii u sheegay in gurigeedu uu ololaayo, deb ka kacay awgiis caruurteediina ay ku dhex gubanayaan.
dhamaan ardeydii iyo imaamu shaafici ayaa haweeneydii la orday si ay ugu gurmadaan caruurtana loo badbaadiyo, imaamu shaafici ayaana ugu hormaray dadka isagoo caruurtii haweeneyda kasoo saaray aqalkii gubanayey.
Haweeneydii oo yaaban ayaa tiri: Shiikoow iga raali noqo, yahuuda ayaa igula talisay in aan sdaas kuula hadlo si aan sharaftaada iyo sumcadaada dhulka u geliyo dacwada aad fidineysidna dadku uga cararaan.
ardeydii ayaa markey hadalkaas maqleen waxa ay imaamu shaafici weydiiyeen sababta uu isku difaaci waayey?
Waxaa uuna ugu jawaabay hadal xikmad badan waxa uuna yri: Hadii aan is difaaci lahaa, waxaad u qeybsami lahaydeen laba qeybood, qeyb i rumeysan weysa oo iga tagta, iyo qeyb i rumeysata balse marwalba iga shakisan, sidaas darteed waxaan doorbdiay inaan dhibaatada duudka saarto oo aan ILAAHAY arinkeyga u daayo, adinkuna aad hal fikir noqotaan.
ALLAHU AKBAR!!!
Monday, July 22, 2013
Home
/
ALLAH KA CABSI
/
MARWADII CAQLIGA BADNEED
/
Qiso Cajiib ah.
/
QISO XIKMAD BADAN
/
XIKMAD
/
Qiso Cajiib Ah: Imaamu shaafici iyo Haweeney Jaariyad u ahayd.
Qiso Cajiib Ah: Imaamu shaafici iyo Haweeney Jaariyad u ahayd.
About Ibrahim Hashi ahmed
WAA IBRAHIM HASHI AHMED OO KAGA MAHADCELINAYO BOOQASHADADA, WAXAA RAJEYNAYAA IN AAD QORAALKA WAXBADAN KA FAAIDAY, ASXAABTA LA WADAAG INSHA ALLAH.
XIKMAD
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
QISOOYINKAN KALENA AQRISO:
- 18.08.2013 - 0 CommentsDoctor baa waxuu isbitaalka kusoo galay si dag dag ah, waayo waxaa loogu wacay in uu qalniin sameeyo, wuuna…
- 17.01.2016 - 3 CommentsWaqtigii Cumar Binu Al-Khadaab RC, uu Xukunka Islaamka haayey, ayaa Saddex Qof waxey hor keeneen Cumar binu…
- 29.01.2014 - 0 CommentsNin waxaa jirey fundi ahaa oo guryaha dhiso wuxuuna ushaqayn jirey mid kamida sharikadaha waawayn. Ninkii…
- 29.03.2015 - 0 CommentsMudo lix sano ah ayaa ka soo wareegatay markey is guursadeen Axmed iyo Maryam, wax caruur ah iskuma aysan…
- 01.12.2015 - 0 Commentswalaal xasuusnoow geerida oo marnaba ha ilaawin insha Allah Saacad Kasta oo Ku Dhaafta Waxa Tagey…
No comments:
Post a Comment