Imaamu shaafici ILAAHAY ha u naxaristee, ayaa isagoo ardeydiisii wax baraya waxaa u timid haweeney jaariyad ama shaqaalo u ahayd waxa ayna tiri:
Shiikhoow, habeenkiina ma iga zineysanee, maalintiina ma ardeyda ayaad u khudbeyneysaa?
imaamu shaafici ayaa si deggan u fiirshay haweeneydii sidookale ardeydii ayaa naxeen
waxa ayna indhaha u taageen waxa uu ku jawaabi doono imaamku.
Imaamu shaafici ayaase yiri: Jaariyadyahay xisaabta aad iga dooneyso waa imisa?
Ardeydii ayaa naxdin iyo anfariir ka qaaday jawaabta shiikha, waxay inta badan xirteen kabahoodii si
meesha uga tagaan maadama shiikhoodii uu isku cadeeyay arin faaxisho ah.
Imaamu shaafici ayaase ardeydii u yeeray waxa uuna ku yiri: waxaad iga soo qaadiin sida timirta oo kale, inta macaan iga cuna laftana iska tuura(isagoo ula jeeday cilmiga iyo wanaaga iga qaata, laakiin xumaanteyda iska tuura)
Ayadoo meeshi la joogo ayaa waxaa yimid nin ordaayo waxa uuna jaariyadii u sheegay in gurigeedu uu ololaayo, deb ka kacay awgiis caruurteediina ay ku dhex gubanayaan.
dhamaan ardeydii iyo imaamu shaafici ayaa haweeneydii la orday si ay ugu gurmadaan caruurtana loo badbaadiyo, imaamu shaafici ayaana ugu hormaray dadka isagoo caruurtii haweeneyda kasoo saaray aqalkii gubanayey.
Haweeneydii oo yaaban ayaa tiri: Shiikoow iga raali noqo, yahuuda ayaa igula talisay in aan sdaas kuula hadlo si aan sharaftaada iyo sumcadaada dhulka u geliyo dacwada aad fidineysidna dadku uga cararaan.
ardeydii ayaa markey hadalkaas maqleen waxa ay imaamu shaafici weydiiyeen sababta uu isku difaaci waayey?
Waxaa uuna ugu jawaabay hadal xikmad badan waxa uuna yri: Hadii aan is difaaci lahaa, waxaad u qeybsami lahaydeen laba qeybood, qeyb i rumeysan weysa oo iga tagta, iyo qeyb i rumeysata balse marwalba iga shakisan, sidaas darteed waxaan doorbdiay inaan dhibaatada duudka saarto oo aan ILAAHAY arinkeyga u daayo, adinkuna aad hal fikir noqotaan.
ALLAHU AKBAR!!!
Monday, July 22, 2013
Qiso Cajiib Ah: Imaamu shaafici iyo Haweeney Jaariyad u ahayd.
Tags
# Qiso Cajiib ah.
About Ibrahim Hashi ahmed
WAA IBRAHIM HASHI AHMED OO KAGA MAHADCELINAYO BOOQASHADADA, WAXAA RAJEYNAYAA IN AAD QORAALKA WAXBADAN KA FAAIDAY, ASXAABTA LA WADAAG INSHA ALLAH.
Qiso Cajiib ah.
Labels:
Qiso Cajiib ah.
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
QISOOYINKAN KALENA AQRISO:
- 26.09.2013 - 0 CommentsQISO YAR OO WAX KU QAADASHO MUDAN. Nin ka mid ah Saalixiinta (Dadkii Wanaagsana) Ayaa Maalin Wiilkiisa, ku…
- 26.11.2015 - 0 CommentsQISO CAJIIB AH. Qisadan waa Mid ka mid ah Qisooyinka ugu Cajiibka badan, uguna soo Jiidashada badan oo…
- 06.12.2015 - 0 CommentsMaalin Maalmaha ka mid ah , waxa Jiray Nin ka mid ah Ragga Illahay Siiyay Lacag , nin taajir ayuu…
- 25.07.2014 - 0 CommentsQISO YAR OO CAJIIB AH.(Janada Ayuu Galay Asagoon Hal Mar Sujuudin).Waxaa Jiray Nin la Oran Jiray Camar Binu…
- 21.08.2013 - 0 CommentsSIRTA SALAADA Imaam qazaani ayaa waxaa wax laga weydiiyay sirta salaada kujirto. markaas buu si…
No comments:
Post a Comment