Tuesday, July 23, 2013

Qiso: Been ha sheegin. ka fa,ideyso shekadan!!!

Nin ayaa maalin u yimid Rasuulka (scw) waxa uu yiri. Rasuul aloow waxa aan sameeyaa waxyaalo badan oo xun xun hadaba teebaan ugu horeesiiyaa oo aan iska daayaa? Rasuulka (scw) waxa uu ku yiri jooji in aad been sheegtit oo waligaa runta sheeg. ninkii balan ayuu ku qaaday inuu in uu sidaas yeeli doono gurigiisii ayuuna aaday. markii habeenimadii ay noqotay ayuu damcay inuu wax xado. markaas ayuu soo xasuustay balantii uu Rasuulka (scw) la soo galay. waxa uu markaas is-wayddiiyay. Haddii subaxdii uu Rasuulka (scw) i waydiiyo xagee ayaad jirtay maxaan ku dhihi? ma waxaan ku dhihi waxaan aaday in'aan wax soo xado? maya saas ma dhihi kar, laakiin been masheegi karo. haddii aan runta sheegana dadka oo dhami waa ay inici waxayna iigu yeeri tuug. waxaana la'igu xukumi xukunka tuuga oo gacantaa la iga jari. ninkii waxa uu go'aansaday habeenkaas in uusan wax xadin halkaas ayuuna isaga daayay dabeecadii xumayd ee tuugnimada. maalin ayuu damcay in uu khamri cabo. markaasuu isla hadlay oo yiri oo maxaan ku dhihi bari haddii uu Rasuulka (scw) i waydiiyo maxaad maanta samaysay? Been ma sheegi karo haddii aan runta sheegana dadku waa ay inici. waayo qofka islaamka ah looma ogola in uu khamriga cabo. Sidaas ayuu ninkii markuu damco in uu wax xun sameeyaba uu u soo xasuusanaayey balantii ahayd in uu runta sheego. halkaas ayuuna mid mid uga takhalusay wax-yaabihii xum-xumaa oo dhan ilaa uu ka noqday islaam wanaagsan iyo shaqsiyad wanaagsan. ALLE KOR AHAAYE wuxu yiri kuwa xaqa rumeeyoow! dhowra xilka iyo waajibkuu Alle idin saaray, oo ka mid ahaada run sheegeyaasha suuradda at-towba: Aayaada 119-aad Cabdullaah ibnu mascuud (RC) waxa laga soo xigtay in nebiga (SCW) yiri : Runta waxay kugu hoggaamisaa dhabbaha samaanta iyofalalka suubban. samaan falidduna waxay xaartaa jidka uu qofku u mari lahaa jannada. Markii uu qofka caadeystana inuu ku hadlo run waxaa Alle agtii looga magacaabaa runlow. beentana waxay kugu hoggaamisaa xumaanta, xumaantuna waxay kugu hoggaamisaa wax xille falid iyo faajirnimo. markii uu qofku been caadeystana waxaa Alle agtii looga magacaabaa Beenlow" Bukhaari iyo Muslim. Abuu Muxamed al-xasan ibnu cali (RC) wuxu sheegay inuu ka bartay ereyadan soo socda Nabiga (SCW) ka tag wixii aad ka shaki santahay, oo raac wixii aan ku jirin laheynna shaki. maxaa yeelay runta waa raaxo qalbiga uu ku dego, beentuna waa wel-wel iyo welbahaar. Tirmidi Wuxuuna yiri waa xadiis saxiix ah. Marka walaalayaal waxaan idinkula dardaarmaayaa in aad runlowyaal noqotaan oo aad ku jihaadaan naftiina iyo shaydaanka. Ilaahay waxaan ka baryayaa in uu xaqa nagu sugo runlowyaalna naga dhigo oo nala soo saaro maalinta qiyaamaha sidiiqiinta iyo shuhadada. aamiin aamiin aamiin

No comments:

Post a Comment

QISOOYINKAN KALENA AQRISO:
  • Qiso: markey Dhibaato ku Heysato suuradahan Akhriso, Cidna Wax kaa Qaadimeyso oo Ilaah ayaa kaa Bad-baadinaayo.
    27.12.2015 - 0 Comments
    QISO YAR OO CAJIIB AH.Gabar yar oo Dhalinyar ah ayaa ka soo Rawaxday Dugsi ay Dhigan jirtay, ka dib ayaa…
  • Qiso Cajiib Ah: Ogoow hadii aad gabdhaha kale xumeyso in adigana walaashaa la xumeynayo.
    18.07.2013 - 0 Comments
    Waxaaa jiray wiil yar oo caadil la yiraahdo wuxuu ku noolaa nolol aad uu qaraar oo xumaaan badan.qamrada buu…
  • Qiso Cajiib ah oo diini Ah Oo Aad U Xanuun Badan Lana Magac Baxday “Qalbi Jabkii Oohinta Badnaa”.
    13.04.2014 - 0 Comments
    Bara’ah waa Gabar 10jir ah, dhameesayna Quraanka, waliba Tajwiid ku Darsatay.Waalidiinteed waxay ahayeen…
  • Qiso Cibro Qaadasho Mudan Oo Diini Ah: Islaantii U Imaatay Nabi Daa’uud “Cs”..
    31.07.2013 - 0 Comments
    MAKHLUUQA IYO TASARUFKA ILAAHIslaan ayaa waxa ay u timid Nebi Daud(calyhi salam). Waxa ay ku tiri“Nabigii…
  • Qiso cajiib ah: SIRTA SALAADA  kujirto. In la aqriyo ayey mudantahay!!!!
    21.08.2013 - 0 Comments
    SIRTA SALAADA Imaam qazaani ayaa waxaa wax  laga weydiiyay sirta salaada kujirto.  markaas buu si…