Thursday, December 17, 2015

HADALO XIKMADEYSAN.Oday ayaa Caruur uu dhalay, kula Taliyey Hadaladaan Xikmadeysan oo weliba Qiimaha weyn Xambaarsan, wuxuuna ku yiri:-


HADALO XIKMADEYSAN.

Oday ayaa Caruur uu dhalay, kula Taliyey Hadaladaan Xikmadeysan oo weliba Qiimaha weyn Xambaarsan, wuxuuna ku yiri:-

1- Raganimadu Maahan inaad ku Qeylisio Haweeneey Horteeda, ama Caruurta, mise Ruux Miskiin ama Faqiir, Balse Raganimadu waxey tahay inaad Dhamaantooda aad Ixtiraamtid.

2- Dhab ahaan waxey Arkayaan Dadka Xanuunka ku yaala Jirkaaga, laakin ma Dareemayaan Xanuunada aad la il daran tahay.

3- Ruuxii Jaar la noqda Dhalinyaranimada, waxaa la jaar Noqday Gabow.

4- Ruuxa Caaqilka ah Carabkiisa ayaa ka Dambeeya Qalbigiisa, Ruuxa Axmaqa ahna Qalbigiisa ayaa ka Dambeeya Carabkiisa..

5- Raga Midka ugu Xikmada Badan waa Midka isku Maleeya inuu ugu Xikmad yar yahay.

6- Ogoow Carabka Malaha Lafo, laakiin wuxuu jebiyaa Lafaha.

7- Haddii aad Dooneysid inaad ku Noolaato Farxad Waqti kooban Aargooso, Haddii aad Dooneysid inaad ku Noolaato Farxad weligaa Saamax Dadka kale.

Wabillaahi Towfiiq.
(EEBOOW TOWFIIQDA NA WAAFAJI).
W.Q:- Macoow Ustaad.

No comments:

Post a Comment

QISOOYINKAN KALENA AQRISO:
  • Qiso Aad Umacaan:Waxay tiri, waxaan ahaa gabadh dhalinyaro ah waxaan Ku soo barbaarey guri diin leh waxaan ...
    19.11.2015 - 0 Comments
    Qiso Aad Umacaan Waxay tiri, waxaan ahaa gabadh dhalinyaro ah waxaan Ku soo barbaarey guri diin leh waxaan…
  • QISO CAJIIB AH OO DHEXMARTAY SICIID BINU MUSAYIB & ABUU WADAACA...
    14.10.2013 - 0 Comments
    GAARINIMADA I YO DAACADNIMAD “QISO CAJIIB AH OO DHEXMARTAY SICIID BINU MUSAYIB & ABUU WADAACA...Qisadan…
  • Qiso cajiib ah: ILAAHEY AYAAN KA XISHOODAY.
    01.02.2014 - 0 Comments
    QISO CAJIIB AH. (Ilaaheey ayaan ka Xishooday). Qisadaan wuxuu Imaamkii weynaa ee Imaam Dahabi uga Sheekeeyey…
  • QISO YAR OO CAJIIB AH. MARWADII CAQLIGA BADNEED.
    24.12.2015 - 0 Comments
    Nin Qoraa ahaa ayaa isaga oo Fadhiya Qolka uu had iyo jeer wax ku Qorto Gurigiisa Warqad iyo Qalin soo qaatay…
  • QISO CAJIIB AH: GABADHII YAREED IYO AABAHEED.
    27.07.2013 - 0 Comments
    Qiso Cajiib Ah.Maalin Maalmaha ka mid ah ayaa gabar 11 jir ah Aabaheed weydiisey. Aabo Markaan 15 jir…