Monday, May 12, 2014

XUSUUSNOOW NIMCOOYINKA RABBI.

Qiso Cajiib ah. Cabdallah Bincmah Wuxuu ahaa nin Xubnihiisa Shaqeen waayeen, waxaana noqday Qof Baraalis (mayd) oo kale ah, ma Dhaqaaqi karo, Madaxa Bes buu Dhaqaajin karaa.... Wuxuu is Dhihi jiray waxaad tahay Qofka ugu Xaaladda Xun Dadka, lakiin Maalin maalmaha ka mid ah ayaa waxaa layiri:- 

Ma lagu Tusaa Qof kaa daran?, Markaas ayuu yiri Haa.Haddaba, waxaa loo geeyey Nin sidiisa oo kale ah, laakiin waxaa uu uga sii Liitay, Ninkaasi ma Hadli karo, wax ma Maqlikaro, Madaxana ma Dhaqaajinkaro.Intaas waxaa ka sii daran waxaa dhacday mar inay Ehelkiisa ay Arkeen asagoo Ooyaya oo ilmo ka socoto markay sii Fiiriyeen bay Arkee Dhiig, markay sii Raaceen dhiiggiina waxay arkeen in Labo Farood ay Go’an tahay waxa Goosteyna uu ahaa Dooli… waayo asagu ma Qaylin karo, Mana Dhaq-dhaqaaqi karo.Haddaba, Cabdallah Bincmah Wuxuu Yiri:- 

Markaas ayaan Ogaaday inaan ku Suganahay Nimco weyn Allaah baana ku mahadsan. Haddaba Walaal, Marna Ma Qiimeesay Faa'iidada ay kuu leeyihiin Gacmahaga, Lugahaga, Indhahaga, Codkaaga, Mar kasta ku Shukri Allaah, Nimcadiisana Xusuusnoow

No comments:

Post a Comment

QISOOYINKAN KALENA AQRISO:
  • SIRTA SHEYDAANKA: Qoraal faa'iido badan:
    11.10.2013 - 0 Comments
    SIRTA SHEYDAANKA:Qoraal faa'iido badan:sheydaanku waxuu kugu qalqaaliyaa inaad gashid ama sameesid danbi,…
  • Qiso Yar Oo Ku Saabsan Duco Waalid.’’
    22.07.2013 - 0 Comments
    Sahal Bin Bishrin Wuxuu Yiri Waxaa ii Shekeeyey Nin La Yiraahdo Suleel ibnu Ayuub ibnu suleel Wagii Uu Yaraa…
  • Qiso Cajiib Ah:Cali RC iyo ninkii gaalka ahaa..
    20.07.2013 - 0 Comments
    Qiso cajiib ah.Nin gaal ah ayaa maalin u yimid Cali Ibn Abi Daalib (R,A) asaga oo rabo inuu waydiiyo su,aal,…
  • Qiso Xanuun badan: Wiilkeeygiyoow ha iga Tegin oo Guriga ila joog. Hooyo aragaaga baa Wehel iyo Il qawoobsi ii ah. Hooyo waan ku Jeclahay ha iga Dheeraan...
    29.12.2015 - 0 Comments
    Qisadaan waxaan ka sheekeynaaya Wiilkii Qisadan laKulmay, wuxuuna Hadalkiisa ku Bilaabay Sidatan:-Waxaan la…
  • Qiso: Dood yaableh oo dhexmartay, nin muslim ah iyo nin masiix ah.
    15.08.2013 - 0 Comments
    Nin Masiixi ah ayaa waxa uu gurigiisa ku casuumay nin muslim ah, oo ay aqoon guud ay ka dhaxeysay.Masiixigii…