Sunday, May 4, 2014

Qiso naxdin leh : Haweeney meydkeeda la aasi waayey iyo mucjiso lagu arkay wejigeeda.

Qiso naxdin leh : Haweeney meydkeeda la aasi waayey iyo mucjiso lagu arkay wejigeeda

Waxaa loo Aasi Waayay Way Cusleed, Naxashkii Bay Ka soo Saari Waayeen, Markaas ayuu Sheekhii Ku Tukanaayay u Diray Sheekh kale oo ka Cilmi Badan oo uu yiri:- Haweentan Waa Laqaadi La’yahay. Markaasuu yiri:- Ku Aqri Aayado Qur’aan ah,

Markuu ku Aqriyay Bey Dhaqaajiyeen oo ay Qabrigii Xaawileen iney Geliyaan, WiilKeeda baa Qabriga Gudihiisa ku jiray oo yiri Hooyadeey Lugaheeda ii Dhiiba Si aan u Dhigo hoos oo Cowradeeda Loo Arkin, Markaasaa Dhulka la dhigay oo ay Diiday Madaxeeda in Qiblada Loo Jeediyo, Wiilkeeda baa yiri Sheekhoow Ma Fiirin Karaa Hooyadeey? Sheekhii ayaa yiri Haa, Laakin aan Ka baxo Aniga Marka Hore.

Haddaba, markuu Sheekhii ka baxay ee uu Wiilkii Hooyadiis Fiiriyey buu Qaracmay oo uu Cararay Sheekhii Baa soo Qabtay oo yiri ii Sheeg Maxaad Aragtay oo Aad La Qaracantay, Wuu Diiday Wiilkeedii inuu Sheego.

Dhoor Bilood Kadib bey is Arkeen Sheekhii iyo Wiilkii Hooyadiisa Dhimatay, Wuxuu yiri: Sheekhoow Ma i Garaneesaa Waa Aniga Wiilkii Hooyadiis Dhimatay ee la Aasi waayey. Sheekhi baa yiri Haa, kolkaasuu Wiilkii yiri:- Hadda ayaan Kuu Sheegi Karaa Wixii Hooyadeey loo Aasi Waayay Maalintii la Aasay ilaa hadda Waan Hilmaami weysanahay,

Wajiga Hooyadeey oo Markii la dhaqayay Baan fiiriyey Waxay aheyd Qof Wajigeedii Caadi ah Sidaan u Arki Jiray awalbo, Laakin Hooyadeey Markaan Qabriga Dhignay oo Aan arkay Waxay Aheed Qof Fool Xun oo Aad u Madoow oo aad moodo inuu Wejigeeda Gubtay. Saas Baan u Naxay.

Waxuu yiri Sheekhoow Hadda Waan u soo Xajiyay oo Waan u Sadaqo Bixiyaa Bil kasto oo Waxaan Dhisay Masjid Hooyadeey Darteed Inuu Illaaheey u Danbi Dhaafo, Sheekheeniyoow Hooyadeey Waxay Aheyd Qof Aan Tukanin Salaadda Waligeey Ma Arag Iyadoo Tukaneysa.

(ILAAHOOW TOWBADA & TOWXIIDKA NA WAAFAJI, YAA RABBI).

No comments:

Post a Comment

QISOOYINKAN KALENA AQRISO:
  • Waa kee Zowjka wanaagsan?
    19.11.2015 - 0 Comments
    Sowjka Wanaagsan Waa Kan Had iyo Goor Sowjadiisa Garab Taagan..Sowjka Wanaagsan Waa Kan Had iyo Goor…
  • QISO CAJIIB AH OO MUDAN IN LAGU CIBRO QAATO.
    09.04.2014 - 0 Comments
    QISO CAJIIB AH OO MUDAN IN LAGU CIBRO QAATO ( Walaalkeygow iyo Walaasheydiyee Aqriso ).Sheekha Riyooyinka…
  • QISO GAABAN OO CAJIIB AH.ILAAHOOW NAXARIISTAADA NA SII, YAA RABBI
    23.10.2013 - 0 Comments
    QISO CAJIIB AH.Nin Reer Miyi ah ayaa Maraayay Meel Buur Agteeda ah, Waxuu arkay Nin Waayeel ah oo Buurta…
  • Qiso Yar oo cajib ah.Imaam Maalik Binu Anas RC, ayaa Wuxuu ku Riyooday Malakul Mowt oo Kor taagan, ka dib ......
    29.03.2015 - 0 Comments
    Imaam Maalik Binu Anas RC, ayaa Wuxuu ku Riyooday Malakul Mowt oo Kor taagan, ka dib Wuxuu Weydiiyey:…
  • QISO CAJIIB BADAN MARKAAD AQRISO KAA OOHIN DOONTO
    30.11.2015 - 0 Comments
    booqo www.daarusalaam.com ka aqriso qisooyindiini ah,iyo sheekooyin xiiso badanAslaamu Calaykum…