Wednesday, April 9, 2014

QISO CAJIIB AH.ILAAHOOW CADAABTAADA NAGA BAD-BAADI

QISO CAJIIB AH.

Waxaa laga wariyey Mansuur Ibnu Camaar, Inuu yiri waxaan baxay Habeen, Anigoo u maleeyey inuu Waagu beryay, mise waaba Habeen Bar, waxaan hor Fariistay Guri Albaab yar leh, Mise Guriga waxa ka Ooynaaya Wiil Dhalinyaro ah oo leh:-
(ilaahoow Sharaftaada iyo Cizadaada ayaan ku Dhaartay, Ma Dooneeyn inaan Khilaafo Ammarkaaga, Ilaahoow ma aheyn mid Mooggan Awooddaada, mana aheyn mid aan Ogeyn Ciqaabtaada, mana aheyn mid Aragtidaada iska Qarin karaayey, laakin Nafteyda ayaa Xumaantaas ii Qurxisay, waxaana iga Qaalib noqday Xumaanteydii, Haddana Ilaahoow ma heysto Cid Cadaabtaada iga Badbaadineysa ee Ilaahoow adiga ayaan marnaba kaa Maarmin, waxaan kaa Baryaan Dembiyadeyda aan galay inaad iga Cafisid, Cid kale oo Dembiyada Cafisa ma jirto aan Adiga aheyn Rabbiyoow).

Markaas ayaan Argagaxay oo aan Aqariyey Aayadan Quraanka ah oo Dhaheysa:- (Kuwa Allaah iyo Maalinta Qiyaame Rumeeyayoow, uga diga Nafihiina iyo Ehelkiinaba Naar, Naartaas oo lagu Huriyo Dad iyo Dhagaxaan, korkeedana ay ku Sugan yihiin Malaa'ig, Ad-adag oo Argagax leh, oo aan Allaah Caasiyayn waxa uu Faro, Falaayana waxa uu Amro).
Markuu Waagii Baryay ayaan arkayba Gurigii oo Tacsi taal, misana waxaan arkay


Hooyadii Guriga oo Oyneysa, kolkaas ayaan ku iri:- Hooyo maxaa Dhacay?, markaas ayaa Hooyadii igu tiri:- Wiilkaygii ayaa Geeriyooday, waxaan ku iri:- Goormuu Geeriyooday?, waxey igu tiri:- Xalayto mid Baas baa ku Dul Aqriyey Aayad Naarta ka Sheekaynyso Markaas ayuu Xasuusteeda iyo Cabsideeda la Dhintay.
Wabillaahi Towfiiq.
(ILAAHOOW CADAABTAADA NAGA BAD-BAADI).

HOOS GALI EMAILKAGA LA SOCO QISOOYINKA CUSUB AAN SOO GALIYO:

WALAAL SAXIBADAA LA WADAAG QISADAAN HAKA FAAIDEYSTAANE.

No comments:

Post a Comment

QISOOYINKAN KALENA AQRISO:
  • XUSUUSNOOW NIMCOOYINKA RABBI.
    12.05.2014 - 0 Comments
    Qiso Cajiib ah. Cabdallah Bincmah Wuxuu ahaa nin Xubnihiisa Shaqeen waayeen, waxaana noqday Qof Baraalis…
  • DARDAARAN WIIL IYO AABIHIISA:-
    26.04.2014 - 0 Comments
    Aabaha wuxuu Wiilkiisa ku yiri:-1- Wiilkeygiyoow wax kasta oo Macaan ayaan Dhadhamiyey, mana Arag wax…
  • Qiso cajiib ah: WELIGAA HA DEG DEGIN
    20.08.2013 - 0 Comments
    Wiil ayaa dhigan jiray jaamacad. Aabihiina wuxuu ahaa nin maal qabeen ah, wiilka wuxuu aad u jeclaa gawaarida…
  • QISO CAJIIB AH OO KAA ILMEESIIN DOONTA Qisadan oo ah mid dhab ah oo dhacdey, waxaa ka sheekeenaayey Sh. Karim Abu zaid waxuuna ku bilaabey sida tan:
    28.09.2013 - 0 Comments
    QISO CAJIIB AH OO KAA ILMEESIIN DOONTAQisadan oo ah mid dhab ah oo dhacdey, waxaa ka sheekeenaayey Sh. Karim…
  • Qiso Cajiib Ah: Imaamu shaafici iyo Haweeney Jaariyad u ahayd.
    22.07.2013 - 0 Comments
    Imaamu shaafici ILAAHAY ha u naxaristee, ayaa isagoo ardeydiisii wax baraya waxaa u timid haweeney jaariyad…