Wednesday, April 9, 2014

QISO CAJIIB AH.

QISO CAJIIB AH.

Waxaa laga wariyey Mansuur Ibnu Camaar, Inuu yiri waxaan baxay Habeen, Anigoo u maleeyey inuu Waagu beryay, mise waaba Habeen Bar, waxaan hor Fariistay Guri Albaab yar leh, Mise Guriga waxa ka Ooynaaya Wiil Dhalinyaro ah oo leh:-
(ilaahoow Sharaftaada iyo Cizadaada ayaan ku Dhaartay, Ma Dooneeyn inaan Khilaafo Ammarkaaga, Ilaahoow ma aheyn mid Mooggan Awooddaada, mana aheyn mid aan Ogeyn Ciqaabtaada, mana aheyn mid Aragtidaada iska Qarin karaayey, laakin Nafteyda ayaa Xumaantaas ii Qurxisay, waxaana iga Qaalib noqday Xumaanteydii, Haddana Ilaahoow ma heysto Cid Cadaabtaada iga Badbaadineysa ee Ilaahoow adiga ayaan marnaba kaa Maarmin, waxaan kaa Baryaan Dembiyadeyda aan galay inaad iga Cafisid, Cid kale oo Dembiyada Cafisa ma jirto aan Adiga aheyn Rabbiyoow).
Markaas ayaan Argagaxay oo aan Aqariyey Aayadan Quraanka ah oo Dhaheysa:- (Kuwa Allaah iyo Maalinta Qiyaame Rumeeyayoow, uga diga Nafihiina iyo Ehelkiinaba Naar, Naartaas oo lagu Huriyo Dad iyo Dhagaxaan, korkeedana ay ku Sugan yihiin Malaa'ig, Ad-adag oo Argagax leh, oo aan Allaah Caasiyayn waxa uu Faro, Falaayana waxa uu Amro).
Markuu Waagii Baryay ayaan arkayba Gurigii oo Tacsi taal, misana waxaan arkay Hooyadii Guriga oo Oyneysa, kolkaas ayaan ku iri:- Hooyo maxaa Dhacay?, markaas ayaa Hooyadii igu tiri:- Wiilkaygii ayaa Geeriyooday, waxaan ku iri:- Goormuu Geeriyooday?, waxey igu tiri:- Xalayto mid Baas baa ku Dul Aqriyey Aayad Naarta ka Sheekaynyso Markaas ayuu Xasuusteeda iyo Cabsideeda la Dhintay.
Wabillaahi Towfiiq.
(ILAAHOOW CADAABTAADA NAGA BAD-BAADI).

No comments:

Post a Comment

QISOOYINKAN KALENA AQRISO:
  • QISO CAJIIB AH.Ilaahow wixi masajidkaan so gala naar ha taabsin
    23.05.2013 - 0 Comments
    Waa Qiso cajiib ah nin aya Wuxu yiri habeen Ayaan rerkayga hilib u doonay kadib hilibki asago wada oo u socda…
  • QISO DIINI AH OO MUDAN IN LAGU CIBRO QAATO:Labo dhalinyaro ah oo reer Madina ah ayaa waxey
    05.08.2013 - 0 Comments
    Qiso diini ah oo mudan in lagu cibro qaato:Labo dhalinyaro ah oo reer Madina ah ayaa waxey u dalxiis iyo…
  • SHEIKH MOHAMED IDIRIS ILA TALI: DOCTOR IYO GUURKA?
    04.01.2015 - 0 Comments
    Asc shiikh, waan kusalaamayaa sh.waxaan u baahanahay inaad ilatalisid ..shiikh waxaan ahay ardey waxbarta…
  • Qiso: Gabadhii dhowrsanaanta badneed.
    26.11.2015 - 0 Comments
    QISO CAJIIB AH.  Qisadan waa Mid ka mid ah Qisooyinka ugu Cajiibka badan, uguna soo Jiidashada badan oo…
  • Qiso cajiib ah: Awooda ducada leedahay.
    29.01.2014 - 0 Comments
    Kulan saxaafadeed ayaa nin ganacsade si weyn looga yaqaano dalka Isu taga Imaaraadka Carabta lagu weydiiyey…