QISO CAJIIB AH.
Nin Saalixiintii ka mid ahaa ayaa Maalin Ziyaartay Qabuuraha, Markaasaa la waydiiyey:- Xagee Jirtay Maanta?
Waxuuna ku Jawaabay:- Waxaan la joogay Dad Haddii Aad la Joogtana Aan ku Dhibeynin, Haddii aad ka Maqan tahayna Aan ku Xamaneynin.
Markaasaa lagu yiri:- Dadkaas waa kuwee?
Wuxuu yiri:- Waa Ahlul Qubuur.
Misana waxaa la yiri:- Ma u soo Duceysay?
Wuxuu ku Jawaabay:- Duco Iska Daayee Waan Wada Hadalnay.
Markaasaa Lagu yiri:- Maxaa ku wada Hadasheen?
Wuxuu yiri:- Waxaan ku iri Ahlu Qubuurkii Goorma Ayaad Halkaan Ka Guureysaan?
Kolkaas ayey yiraahdeen:- Haye maxey ku yiraahdeen hee?
Wuxuu yiri:- Waxey yiraahdeen Markii aad noo Timaadaan Baan Halkaan Ka wada Guureynaa.
Markaaseey yiraahdeen:- War uma Heysid Magaalada Rootigii Iyo Ceeshkii wey Qaaliyoobeen.
kolkaas ayuu ku yiri:- علينا ان نعبده كما أمر وعليه ان يرزقنا كما وعد
oo Macnaheedu yahay:- (Anaga Waxaa Dusheena Ahaaday Inaan Allaah Raali Gelino Sida uu Inoo Amray, Allaahna Waxaa Dushiisa ahaaday Inuu Ina Arzaaqo Sida uu Inoogu Balan Qaaday). sidaa darteed Arzaaqda Allaah ayey Gacantiisa ku jirtaa.
Wabillaahi Towfiiq.
(ILAAHOOW IIMAAN SUGAN NA SII)
Tuesday, April 29, 2014
Home
/
ALLAH KA CABSI
/
HA ILAAWIN GEERIDA
/
Qiso Cajiib ah.
/
Qiso cajiib ah: Nin saalixiinta ka mid ahaa oo ziyaartay qabuuraha.
Qiso cajiib ah: Nin saalixiinta ka mid ahaa oo ziyaartay qabuuraha.
About Ibrahim Hashi ahmed
WAA IBRAHIM HASHI AHMED OO KAGA MAHADCELINAYO BOOQASHADADA, WAXAA RAJEYNAYAA IN AAD QORAALKA WAXBADAN KA FAAIDAY, ASXAABTA LA WADAAG INSHA ALLAH.
Newer Article
Qiso Cajiib Ah; Gabadh Illaah Hanunshay & Wiil Xumaan La doonayay oo Isna ay Hanuunkiisa iyadu Sabab u Noqotay.
Older Article
Qiso cajiib ah: Nin saalixiinta ka mid ahaa oo ziyaartay qabuuraha.
QISO YAR OO CAJIIB AH. MARWADII CAQLIGA BADNEED.Dec 24, 2015
Labels:
ALLAH KA CABSI,
HA ILAAWIN GEERIDA,
Qiso Cajiib ah.
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
QISOOYINKAN KALENA AQRISO:
- 15.01.2016 - 1 CommentsFilm dadka looga wacyi galinayo xumaanta cunsurinimada oo ay sameysay haweeney la yirahdo, Nancy Spetsioti…
- 23.05.2013 - 0 CommentsWaa Qiso cajiib ah nin aya Wuxu yiri habeen Ayaan rerkayga hilib u doonay kadib hilibki asago wada oo u socda…
- 13.05.2014 - 0 CommentsWaa wiil dhalin yara ah, Da’diisuna ay tahay 20 Sano jir waxa uu ahaa mid ku Da’daalo Salaadaha gaar ahaan…
- 29.01.2014 - 0 CommentsImaam Tujiyo Masaajid weyn oo ku yaalo dalka Suuriya ayaa wuxuu jameecadiisa u sheegay Shan sano ka hor Qiso…
- 11.01.2016 - 0 CommentsHamoodin qofku inuu soo dhasho isagoo la tixgaliyo ama la jeclyahay. Laakiin waa wax la kasbado lana gaadho…
No comments:
Post a Comment