QISO CAJIIB AH.
Nin Saalixiintii ka mid ahaa ayaa Maalin Ziyaartay Qabuuraha, Markaasaa la waydiiyey:- Xagee Jirtay Maanta?
Waxuuna ku Jawaabay:- Waxaan la joogay Dad Haddii Aad la Joogtana Aan ku Dhibeynin, Haddii aad ka Maqan tahayna Aan ku Xamaneynin.
Markaasaa lagu yiri:- Dadkaas waa kuwee?
Wuxuu yiri:- Waa Ahlul Qubuur.
Misana waxaa la yiri:- Ma u soo Duceysay?
Wuxuu ku Jawaabay:- Duco Iska Daayee Waan Wada Hadalnay.
Markaasaa Lagu yiri:- Maxaa ku wada Hadasheen?
Wuxuu yiri:- Waxaan ku iri Ahlu Qubuurkii Goorma Ayaad Halkaan Ka Guureysaan?
Kolkaas ayey yiraahdeen:- Haye maxey ku yiraahdeen hee?
Wuxuu yiri:- Waxey yiraahdeen Markii aad noo Timaadaan Baan Halkaan Ka wada Guureynaa.
Markaaseey yiraahdeen:- War uma Heysid Magaalada Rootigii Iyo Ceeshkii wey Qaaliyoobeen.
kolkaas ayuu ku yiri:- علينا ان نعبده كما أمر وعليه ان يرزقنا كما وعد
oo Macnaheedu yahay:- (Anaga Waxaa Dusheena Ahaaday Inaan Allaah Raali Gelino Sida uu Inoo Amray, Allaahna Waxaa Dushiisa ahaaday Inuu Ina Arzaaqo Sida uu Inoogu Balan Qaaday). sidaa darteed Arzaaqda Allaah ayey Gacantiisa ku jirtaa.
Wabillaahi Towfiiq.
(ILAAHOOW IIMAAN SUGAN NA SII)
Tuesday, April 29, 2014
Qiso cajiib ah: Nin saalixiinta ka mid ahaa oo ziyaartay qabuuraha.
Tags
# Qiso Cajiib ah.
About Ibrahim Hashi ahmed
WAA IBRAHIM HASHI AHMED OO KAGA MAHADCELINAYO BOOQASHADADA, WAXAA RAJEYNAYAA IN AAD QORAALKA WAXBADAN KA FAAIDAY, ASXAABTA LA WADAAG INSHA ALLAH.
Qiso Cajiib ah.
Labels:
Qiso Cajiib ah.
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
QISOOYINKAN KALENA AQRISO:
- 20.07.2013 - 0 CommentsQiso cajiib ah.Nin gaal ah ayaa maalin u yimid Cali Ibn Abi Daalib (R,A) asaga oo rabo inuu waydiiyo su,aal,…
- 14.10.2013 - 0 CommentsSHEEKH AAD U XIKMAD BADAN & WIIL SHEEKHA U TAGAY SI UU KALA TALIYO ARIN UU ISKA JOOJIN WAAYAY,,Nin…
- 02.01.2016 - 0 CommentsQISADII SACIID BIN AL-MUSAYIBSaciid waxa uu ahaa mid kamida culimadii diinta ugu caansanayd xilligii banii…
- 29.12.2015 - 0 CommentsQisadaan waxaan ka sheekeynaaya Wiilkii Qisadan laKulmay, wuxuuna Hadalkiisa ku Bilaabay Sidatan:-Waxaan la…
- 20.07.2013 - 0 CommentsMaalin maalmaha kamid ah ayaa nin wuxuu arkay haweney waayeel ah oo dhinac taagan gaari Marsheedis ah…
No comments:
Post a Comment