Monday, August 19, 2013

Sheeko Xikmad leh: Wiilka fasalka ku dhexhurday, kadibna xaliyey su,aalo boqolaal sano laga jawaabi wayey.

Ardey caajisloow ah, habeenkiina dhafri jiray, ayaa maalin maalmaha kamid ah, waxa uu kasoo qeyb galay, muxaadaro kasocoty jaamacad, taasoo macalinku uu ku sharaxayey cilmiga xisaabta iyo dhibaatada laga maro barashadiisa.

Ardeygii ayaa fasalkii ku dhex hurday ayadoo muxaadaraadii socoto, waxa uuna soo toosay ayadoo fasalkii lagu kala dareerayo, durbadiiba inuu baxo ayuu bilaabay, balse wuxuu eegay sabuurada, wuxuuna arkay qoraal xisaabeed aad u fara badan oo ku xardhan sabuurada.

Ardeygii ayaa fasalka kusoo noqday, waxa uuna bilaabay inuu min guuriyo wixi sabuurada ku qornaa, isagoo buugiisa ku qoronaya, waxa uuna naftiisa ka dhaadhiciyey in waxani yihiin,
waajib ama shaqo guri oo loo diray ardeyda si ay usoo xaliyaan.

Ardeygii ayaa guriga la aaday qoraalkii badnaa, ee soo miin guuriyey, waxa uuna guda galay in uu xal u helo dhowr su,aalood oo aad u adkaa, isagoo waxbadan waqti ku lumiyey matbacadaha iyo buugaag aqrinta. Ugu dambeyn dadaal dheer kadib waxa usuura gashay inuu xal usoo helo su,aalihii. waxa uuna kusoo laabtay jaamicadii isagoo doonayey inuu soo gudbiyo wixii uu kasoo shaqeeyey.

Macalinkii ayaase yiri: Su,aalaha sabuurada ku qornaa ma aysan ahayn shaqo guri(home work), mana amrin ardeyda in ay kasoo shaqeeyaan, ee maxaa adiga kugu kalifay in aad kasoo shaqeyso?. Ardey ayaa yiri: Ya Allah, waqti badan iyo dhafar badan ayaan u galay in aan xal u helo, adigana waxaa leedahay shaqo laguu diray ma ahan.

Macalinkii ayaa yiri: Su,aalaha sabuurada ku qornaa, waxey ahaayeen qaar ka mid ah tusaaooyin aan ardeyda siinayey, tusaalooyinkaasna waxey ka mid yihiin su,aalihii ay ka cajiseen ama xal u waayeen culimadii ugu weynaa ee cilmiga xisaabta....
Ardeygii ayaa yaabay, waxa uuna yiri: Macalin anigaaba xal usoo helay, waxa ay culimadu ka caajiseene..

Kadib markii la xaqiijiyey, daraasado badana lagu sameeyey ayaa la ogaaday in ardeygaasi uu si sax ah u xaliyey mas,alado boqolaal sano xal loo weysanaa oo cilmiga xisaabta ah. Hadiise uu soo jeedi lahaa ardeygaasi wuxuu aamini lahaa in su,aalahani yihiin mustaxiil xal u helistoodu, mana uusan isku howleen baarista iyo maskax adeegsiga.

Muhiimada sheeka: Shey mustxalil ah oo aan xal loo heli karin majirto, soomali waxey dhahdaa. "Dadaalaa waa gaaraa"

HOOS GALI EMAILKAGA LA SOCO QISOOYINKA CUSUB AAN SOO GALIYO:

WALAAL SAXIBADAA LA WADAAG QISADAAN HAKA FAAIDEYSTAANE.

No comments:

Post a Comment

QISOOYINKAN KALENA AQRISO:
  • Qiso: Gabadhii dhowrsanaanta badneed.Gabar aad u Qurux badneed, Hanaan Wacana ilaahey ku Maneystay ayaa....
    26.11.2015 - 0 Comments
    QISO CAJIIB AH. Qisadan waa Mid ka mid ah Qisooyinka ugu Cajiibka badan, uguna soo Jiidashada badan oo…
  • QAATUMADA WAANAGSAN: Sheeko cajiib ah
    02.10.2013 - 0 Comments
    QAATUMADA WAANAGSAN: Sheeko cajiib ah Maalin maalmaha ka mid ah ayaa nin wadaad ah oo gaarigiisa wato waxuu…
  • Gabadhii quruxda badneed oo ey dadkoo dhan wada jeclaadeen  sheko murti iyo Leh.
    05.08.2013 - 0 Comments
    Gabadhii quruxda badneed oo ey dadkoo dhan wada jeclaadeen sheko murti iyo Leh.Waxaa jirtay gabar aad iyo aad…
  • Qiso Gaaban oo Dhab ah: Wiil caasi ahaa oo aabahiis gacan u qaaday, kadibna mucjiso ku dhacday.
    06.12.2015 - 0 Comments
    shiekha ka sheekeenaayo aan u dhaaafno qisada tan:  waxuu dhahay waxaa muxaadaraad ka soo jeedin…
  • Qiso aad u cajiib badan oo Muuqaal ah Sh-Ahmed Nuur
    01.12.2015 - 0 Comments