WELIGAA QOF MUSLIMA HA XAQIRIN!
QISA WIIL DHALIN YARAA OO YAAB LEH (RAABICA CADAWIYA)....
Sheekada waxaa weriyey Dhakhtar ka mid ah Dhakhaatiirtii Raabica Cadawiya: Maalin anoo jooga Cisbitaalkii Goobta, waxaa ii yimi nin dhalinyara ah, rafaad ka muuqdo, qalalan, dhar wasakhaysan wata, waxaan is iri wuxuu mala doonayaa kaalmo lacaga, Cisbitaalkana Kaalmo lacageed ma bixiyo, laakiin wuxuu igu yiri: Dr anigu waxaan ka shaqeeyaa Goobaha Dalxiiska ee Qardaqah, Xisaabiye ayaan ahay, wax walba oo dembiya oo caqligaaga gala waan sameeyey, darooga nooc walbaa waan cabey, waxaan saxiixay (Tamarud) si loo rido Mursi, Qaahira ayaan fasax ku imi, maalin ayaan is iri: Bal Qoladan Raabica joogta soo eeg wexey yihiin, halkan ayaan imi, maalin iyo labo iyo saddex ayaan joogey, walaala si fiican iisoo dhoweeyey ayaan helay, salaad markii iigu horreysey macaankeeda ayaan tukadey, Qur'aanka iyo Salaadda ayey i bareen, Ramadaan ayaa soo galay, markii iigu horreysey ayaan soomay, ehelkaygi dad iiga wanaagsan ayaan helay, hada Dr waxaa kaa baryayaa:
Sunta daroogada ee dhiigayga ku jirta inaad iga daweysaan! Mar mar ayaan dhacayaa anagoo salaadda u taagan!
Dhakhtarkii wuxuu yiri: Afkii ayaa juuqda i gabay, kelmad waan oran kari waayey, waan ilmeeyey, waxaan ku iri: Daqiiqad i sug! Waxaan u yeeray Dhakhtar kale oo arrimahaas ku shaqa leh...Asbuuc ka dib anoo Raabica dhex maraya, waxaan arkay qof ii yeeraya, oo igu soo orday, oo i dhunkaday, aad ii salaamay, mise waaba: Ninkii dhalinyarada ahaa..oo qurux ka muuqato.. madaxana mara yar oo dhuuban ku xejistey oo igu keh: Kuma noqonayo shaqadii dalxiiska, halkan ayaanan joogayaa ilaa Madaxweynihii sharciga ahaa soo noqdo..
Mar kale ayaan arkay ayaama ka dib, isagoo dadka hawlaha wax ka qabanaya ku jira, oo iridaha mid ka mid ah taagan, Ninkaas maalintii Xasuuqa Raabica ayuu ku dhintay isagoo Ilaahay halkaas ugu Tawbad keenay, Xabbad meel fog lagaga soo toogtey ayaa qoorta kaga dhacday..Ilaahay waxaan uga rajaynayaa inuu shahaada u aqbalo..Aniguse mar kasta oo aan xusuusto maalintii aragiisa iigu horreysey inaan u maleeyey nin tuugsanaya waan isku xishoodaa, oo naftaydaa ila yaraata..
Anna waxaan ku daray: Weligaa Qof Muslima oo Tawxiidka haysta ha xaqirin, wax kaaga soo bixi doona ma ogide, Ilaahayna Subxaanahu watacaalaa isagaa Adoomihiisa Maamula, oo u war haya
Tuesday, August 20, 2013
Home
/
Qiso Cajiib ah.
/
Qiso cajiib ah: WELIGAA QOF MUSLIMA HA XAQIRIN! QISA WIIL DHALIN YARAA OO YAAB LEH (RAABICA CADAWIYA)..
Qiso cajiib ah: WELIGAA QOF MUSLIMA HA XAQIRIN! QISA WIIL DHALIN YARAA OO YAAB LEH (RAABICA CADAWIYA)..
Tags
# Qiso Cajiib ah.
About Ibrahim Hashi ahmed
WAA IBRAHIM HASHI AHMED OO KAGA MAHADCELINAYO BOOQASHADADA, WAXAA RAJEYNAYAA IN AAD QORAALKA WAXBADAN KA FAAIDAY, ASXAABTA LA WADAAG INSHA ALLAH.
Qiso Cajiib ah.
Labels:
Qiso Cajiib ah.
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
QISOOYINKAN KALENA AQRISO:
- 25.07.2014 - 0 CommentsQISO YAR OO CAJIIB AH.Wiil ayaa wuxuu jeclaaday Gabar aad u Qurux badan, ka dib Aabihiis ayuu ku yiri:- Aabe…
- 04.05.2014 - 0 CommentsQiso naxdin leh : Haweeney meydkeeda la aasi waayey iyo mucjiso lagu arkay wejigeeda Waxaa loo Aasi Waayay…
- 21.08.2013 - 0 CommentsSIRTA SALAADA Imaam qazaani ayaa waxaa wax laga weydiiyay sirta salaada kujirto. markaas buu si…
- 23.05.2013 - 0 CommentsWaa Qiso cajiib ah nin aya Wuxu yiri habeen Ayaan rerkayga hilib u doonay kadib hilibki asago wada oo u socda…
- 23.10.2013 - 0 CommentsQISO CAJIIB AH.Nin Reer Miyi ah ayaa Maraayay Meel Buur Agteeda ah, Waxuu arkay Nin Waayeel ah oo Buurta…
No comments:
Post a Comment