Tuesday, August 20, 2013

Qiso cajiib ah: WELIGAA HA DEG DEGIN

Wiil ayaa dhigan jiray jaamacad. Aabihiina wuxuu ahaa nin maal qabeen ah, wiilka wuxuu aad u jeclaa gawaarida cayaaraha (sports cars) wuxuuna ku taami jiray inuu helo gaari noocaas ah, kadib markii uu dhameeyay jaamacadii ayuu aabihii ka codsaday inuu helo hadiyad balse muusan sheegin waxa uu doonayo.
Aabihii oo ogaa waxa uu jecel yahay wiilkiisa ayaa maalintii danbe u yeeray inankiisa, kadib udhiibay Baakad sajalaataysan, wiilkii ayaa furay baakadkii, markaas ayuu arkay Kitaab Quranah.
Intuu xanaaqay ayuu yiri:


“Lacagtaan ogahay ayaad haysataa balse Qur’aan ayaad ii qurtay oo kaliya Soo maaha?” Markaas ayuu albaabka ka dagay isagoon hadal kale dhihin.
Wiilkii guriga aabihii ayuu ka tagay, nin wax qabsada ayuu noqday, shaqo iyo ganacsi ayuu yeeshay. Kadib sanado badan kadib ayaa waxaa u yimid aqbaaroraneysa in aabihii geeriyooday, una dhaafay dardaaran ah inuu dhaxlo maalkiisa, sidaa darteedna ay tahay inuu yimaadosi uu waraaqihii u saxiixo, aabihiina u duugo. Markiiba wuusoo baxay, yimid meeshii aabihii dagnaa.
Aaskii kadib ayuu bilaabay inuu gurigii aabihii baaro, hagaajiyanawaraaqihii aabihii, markaas ayuugalay qolkii khaaska ahaa ee aabihii, wuxuu arkay Baakad meesha yaala iyo waraaqo, markaas ayuu arkay Kitaabkii Qur’aanka ahaa ee abihii siiyay oo halkii yaalo, wuu qaaday, saa waxaa hoos yaalo bashqad, wuu eegay, saa waxaa ku qoran heshiis aabihii lasoo galay ganacsata gawaaridii uu jeclaa, isagoo wiilkii usoo gaday gaarigii u rabay, ahayd inuu “dealer-ka” keeno gaarigaas dhowr bari kadib.


Oohin ayuu halkii la fariistay. Wuxuu ogaaday inuu aabihii maalintii horeba gaariga soo iibiyay balse uu sugayay keenidiisii, Quraankiina u gafay, aabihiina xiriirka ka goostay.
Wuxuu gartay khaladaadkiisii foosha xumaa balse waa mar meesha lugu kala tagay.
Hadaba meeqa mar ayaad Ilaahay nimcadiisa aadin sugin oo degdegsiimo ku dhaafisaa? Mar walbo goorma Alaala goorta ay tahay wax hubso hana deg degin ileen Shaydaanka baa dag degee……..

HOOS GALI EMAILKAGA LA SOCO QISOOYINKA CUSUB AAN SOO GALIYO:


WALAAL SAXIBADAA LA WADAAG QISADAAN HAKA FAAIDEYSTAANE.

No comments:

Post a Comment

QISOOYINKAN KALENA AQRISO:
  • SHEEKO NAXDINLEH, "Cajalad Video ah ayaa burburisey noolasheyda".
    20.07.2013 - 0 Comments
    Gabaryar oo dhigata jamacada-kuliyada tarbiyada ayaa waxaay kawarameysaa sidii ay kuweydey wixii ay mustaqbal…
  • Qiso Qalbiga taabaneyso: Maxaan Ilmo u dhali la,nahay?
    29.03.2015 - 0 Comments
    Mudo lix sano ah ayaa ka soo wareegatay markey is guursadeen Axmed iyo Maryam, wax caruur ah iskuma aysan…
  • Alle Kacabsigii Saxaabada.
    11.01.2013 - 0 Comments
    Bismillaah Arraxmaan Arraxiim. Ilaahay baa ammaan oo dhan & xamdiba iskaleh, Allaha Khabiirka ah oo…
  • Qiso: markey Dhibaato ku Heysato suuradahan Akhriso, Cidna Wax kaa Qaadimeyso oo Ilaah ayaa kaa Bad-baadinaayo.
    27.12.2015 - 0 Comments
    QISO YAR OO CAJIIB AH.Gabar yar oo Dhalinyar ah ayaa ka soo Rawaxday Dugsi ay Dhigan jirtay, ka dib ayaa…
  • Waa kee Zowjka wanaagsan?
    19.11.2015 - 0 Comments
    Sowjka Wanaagsan Waa Kan Had iyo Goor Sowjadiisa Garab Taagan..Sowjka Wanaagsan Waa Kan Had iyo Goor…