WELIGAA HA DEG DEGIN Sheeko Cajiib ah:
Wiil ayaa dhigan jiray jaamacad. Aabihiina wuxuu ahaa nin maal qabeen ah, wiilka wuxuu aad u jeclaa gawaarida cayaaraha (sports cars) wuxuuna ku taami jiray inuu helo gaari noocaas ah, kadib markii uu dhameeyay jaamacadii ayuu aabihii ka codsaday inuu helo hadiyad balse muusan sheegin waxa uu doonayo.
Aabihii oo ogaa waxa uu jecel yahay wiilkiisa ayaa maalintii danbe u yeeray inankiisa, kadib udhiibay Baakad sajalaataysan, wiilkii ayaa furay baakadkii, markaas ayuu arkay Kitaab Quranah.
Intuu xanaaqay ayuu yiri:
“Lacagtaan ogahay ayaad haysataa balse Qur’aan ayaad ii qurtay oo kaliya Soo maaha?” Markaas ayuu albaabka ka dagay isagoon hadal kale dhihin.
Wiilkii guriga aabihii ayuu ka tagay, nin wax qabsada ayuu noqday, shaqo iyo ganacsi ayuu yeeshay. Kadib sanado badan kadib ayaa waxaa u yimid aqbaaroraneysa in aabihii geeriyooday, una dhaafay dardaaran ah inuu dhaxlo maalkiisa, sidaa darteedna ay tahay inuu yimaadosi uu waraaqihii u saxiixo, aabihiina u duugo. Markiiba wuusoo baxay, yimid meeshii aabihii dagnaa.
Aaskii kadib ayuu bilaabay inuu gurigii aabihii baaro, hagaajiyanawaraaqihii aabihii, markaas ayuugalay qolkii khaaska ahaa ee aabihii, wuxuu arkay Baakad meesha yaala iyo waraaqo, markaas ayuu arkay Kitaabkii Qur’aanka ahaa ee abihii siiyay oo halkii yaalo, wuu qaaday, saa waxaa hoos yaalo bashqad, wuu eegay, saa waxaa ku qoran heshiis aabihii lasoo galay ganacsata gawaaridii uu jeclaa, isagoo wiilkii usoo gaday gaarigii u rabay, ahayd inuu “dealer-ka” keeno gaarigaas dhowr bari kadib.
Oohin ayuu halkii la fariistay. Wuxuu ogaaday inuu aabihii maalintii horeba gaariga soo iibiyay balse uu sugayay keenidiisii, Quraankiina u gafay, aabihiina xiriirka ka goostay.
Wuxuu gartay khaladaadkiisii foosha xumaa balse waa mar meesha lugu kala tagay.
Hadaba meeqa mar ayaad Ilaahay nimcadiisa aadin sugin oo degdegsiimo ku dhaafisaa? Mar walbo goorma Alaala goorta ay tahay wax hubso hana deg degin ileen Shaydaanka baa dag degee……..
Tuesday, August 20, 2013
Qiso cajiib ah: WELIGAA HA DEG DEGIN
Tags
# Qiso Cajiib ah.
About Ibrahim Hashi ahmed
WAA IBRAHIM HASHI AHMED OO KAGA MAHADCELINAYO BOOQASHADADA, WAXAA RAJEYNAYAA IN AAD QORAALKA WAXBADAN KA FAAIDAY, ASXAABTA LA WADAAG INSHA ALLAH.
Newer Article
Qiso cajiib ah: WELIGAA HA DEG DEGIN
Older Article
Qiso cajiib ah: WELIGAA QOF MUSLIMA HA XAQIRIN! QISA WIIL DHALIN YARAA OO YAAB LEH (RAABICA CADAWIYA)..
QISO YAR OO CAJIIB AH. MARWADII CAQLIGA BADNEED.Dec 24, 2015
Labels:
Qiso Cajiib ah.
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
QISOOYINKAN KALENA AQRISO:
- 01.08.2013 - 0 CommentsGabadh dhalin yaro ah oo wiil Qol la seexatey?Gabdho dhalin yaro ah ayaa u baxay safar iyagoo jecel inay wax…
- 12.05.2014 - 0 CommentsQiso Cajiib ah. Cabdallah Bincmah Wuxuu ahaa nin Xubnihiisa Shaqeen waayeen, waxaana noqday Qof Baraalis…
- 31.07.2013 - 0 CommentsMAKHLUUQA IYO TASARUFKA ILAAHIslaan ayaa waxa ay u timid Nebi Daud(calyhi salam). Waxa ay ku tiri“Nabigii…
- 29.04.2014 - 0 CommentsQISO CAJIIB AH.Nin Saalixiintii ka mid ahaa ayaa Maalin Ziyaartay Qabuuraha, Markaasaa la waydiiyey:- Xagee…
- 14.10.2013 - 0 CommentsMARWALBA ALLAAH TALO SAARO. ***Sheeko Qalbiga Taabaneysa****Gabar ayaa habeen waxay ku soo daahday xaafada ay…
No comments:
Post a Comment