Monday, July 29, 2013

SHEEKO QALBIGA TAABANEYSA.


SHEEKO QALBIGA TAABANEYSA.

Cabdullaahi Binu Jacfar (RC), ayaa wuxu ku lugeynayay dhul keymo ah ilaa markii dambe uu yimid meel beer ah halkaas oo uu ka shaqeynayay wiil yar oo kamid ahaa adoontii Cabaasiyiinta.

Qof ayaa wiilkii yaraa cunto u keenay, islamarkii loo keenay ayaa waxaa soo ag istaagay eey dawaaf ah (aan meesha horay u joogi jirin).

...

Wiilkii yaraa wuxuu u tuuray eeygii jab rooti ah, eeygii ayaa cunay rootigii balse meeshii kama uusan dhaqaaqin, mar labaad ayuuu jab kale oo rooti ah u tuuray, sidaas ayeyna ku socotay ilaa uu siiyay dhamaan cunto maalmeedkiisii iyadoo wiilkii eysan u soo haran wax cunto ah.

Cabdullaahi Binu Jacfar (RC) oo arintaan daawanayay ayaa wiilkii weydiiyay, "Maalintii meeqo xabo oo rooti ah ayaad heshaa?"
Wiilkii ayaa ku jawaabay saddex xabbo oo rooti ah sida aad hadaba arkeysay."

Cabdullaahi Binu Jacfar (RC): "Maxaad naftaada uga door biday eeyga oo aad u siisay dhammaan saddexdii rooti ee aad heysatay?"

Wiilka: Meelahaan wax eeyo ah majoogaan, eeygaana waxaa muuqata inuu safar dheer soo galay si uu halkaan u soo gaaro, aad ayuu u gaajeysan yahay sidaa darteed waxaa ceeb ila noqotay inaan diro aniga oo aan siin wax cunto ah."

Cabdullaahi Binu Jacfar (RC): "Maanta maxaad cunto ka dhiganeysaa?"

Wiilka: "Maanta cunto la'aan ayaan ahaanayaa waxbana kama qabo."

Cabdullaahi Binu Jacfar (RC), ayaa naftiisa ku yiri; dadku waxay igu sheegaan inaan si xad dhaaf ah wax u bixiyo balse wiilkaan yar ee adoonka ah ayaa iga deeqsisan.

Intaas kadib, Cabdullaahi Binu Jacfar (RC) wuxuu ku laabtay magaaladii, kadibna wuxuu ka iibsaday ninkii milkiilaha ahaa wiilkii yaraa ee adoonka u ahaa, beertii iyo dhammaan wixii beerta yaalay oo dhan.

Cabdullaahi Binu Jacfar (RC), Wuxuu xoreeyay wiilkii yaraa, wuxuuna hadiyad ahaan u siiyay beertii u ka shaqeyn jiray.

FAA'IIDADA SHEEKADA: Mar walba wax wanaagsan samee una samee Allaah dartiis, Allaah wuu ku abaal marinayaa.

No comments:

Post a Comment

QISOOYINKAN KALENA AQRISO:
  • QISO CAJIIB AH: Wanaaga uu leeyahay, qof muslim ah oo aad u ceeb asturtid.
    29.01.2014 - 0 Comments
    Imaam Tujiyo Masaajid weyn oo ku yaalo dalka Suuriya ayaa wuxuu jameecadiisa u sheegay Shan sano ka hor Qiso…
  • QAATUMADA WAANAGSAN: Sheeko cajiib ah
    02.10.2013 - 0 Comments
    QAATUMADA WAANAGSAN: Sheeko cajiib ah Maalin maalmaha ka mid ah ayaa nin wadaad ah oo gaarigiisa wato waxuu…
  • QISO CAJIIB AH: GABADHII YAREED IYO AABAHEED.
    27.07.2013 - 0 Comments
    Qiso Cajiib Ah.Maalin Maalmaha ka mid ah ayaa gabar 11 jir ah Aabaheed weydiisey. Aabo Markaan 15 jir…
  • Qiso Cajiib Ah: Ogoow hadii aad gabdhaha kale xumeyso in adigana walaashaa la xumeynayo.
    18.07.2013 - 0 Comments
    Waxaaa jiray wiil yar oo caadil la yiraahdo wuxuu ku noolaa nolol aad uu qaraar oo xumaaan badan.qamrada buu…
  • QISO CAJIIB AH.
    23.05.2013 - 0 Comments
    Waa Qiso cajiib ah nin aya Wuxu yiri habeen Ayaan rerkayga hilib u doonay kadib hilibki asago wada oo u socda…