Sunday, July 28, 2013

Qiso Cajiib ah: MUSLIM MA AHI LAKINSE WAAN DUKADAA SALAADA. MUST READ!!!

Qiso Aad Iyo Aad U Cajiib Ah Cibro Qaadashana
Mudan “Muslim Maahi Lakin Waan Dukadaa
Salaada”.

MUSLIM MA AHI, LAAKIIN WAAN DUKADAA
...
SALAADA!!

Qisada waxaa ka sheekeenaya wiil ay
dhalashadiisu tahey American, kaasoo asiga iyo
qoyskiisana diinta Islam ka ah qaateen.

Waxuu ku bilaabey sheekadiisa sida tan: “Hooyadeyda waxey qaadatey diinta Islam ka ah,
waxey ku dukan jirtey salaadaha masjidka, laakin
waxey si layaab ah ula kulantey naag!! naagtaasoo
kula dukaneysa Masjidka isla markaana eesan ka
muuqan wax diin ah, oo u libasan sida gaalada oo
kale, jirkeedana asturneeyn, Hadana Salaad dukaneysa.

waxeyna timaadaa Masjidka isbuucii ama labadii
isbuuc hal mar.


Hooyadey arintaas marar badan ayeey aragtey,
markii danbe waxey g’aansatey iney weydiiso
naagtaan xaalkeeda.

waxeyna ku tiri: “adigu ma Islaam baa tahey?
Naagtii baa tiri: “Maya!!
hooyadey aad bey ula yaabtey naagtii waxeyna tiri:
“oo hadaadan islaam aheen maxaad u timid
Masjidka oo hadana u dukaneysaa?,

Mise diinta
Islaamka ayaad baraneysaa oo aar daneeyneesaa inaad Islaamto ? Naagtii baa tiri: “Maya”.

Hooyo way la sii yaabtey arinta markaas bey tiri:
“Hadaba ii sheeg waxa ku keeney meesha?” Naagtii baa jawaab cajiib ah bixisey oo tiri: “Aniga
waxaan dareemaa xanuun iyo culees xaga qalbiga
ah. Oo nafteeda cariiri ayeey ku jirtaa, waxaan la
xariirey daqaatiir cilmi nafsiga daweeya, laakin
waxba iima qaban daawadooda.

Intaa ka dib saaxibadeyda ayaa i dhahey; bal
tijaabi diimaha waa intaasoo aad ku
caafimaadaaye,!!


waxaan bilaabey inaan kaniisada tago oo aan ku
dukado, laakiin nafis kuma aanan dareemin.
Waxaan aadey diinta Buudiyiinta sidoo kale waxbo
ma dareemin, waxaan soo wada marey diiman
badan, balse waxbo ku aanan dareemin, kadib
waxaan go’aansadey inaan diinta Islam ka ah bal fiiriyo. Waan soo baxey, waxaan imid masjidka, oo waa
idin la istaagey, waxaan aad u dareemey oo aan
aad ii cajab galiyey, dhawaaqa Imaamka iyo
waxuu aqrinaayo ”

markay intaas marsiineeso ayaa hoyadey ku tiri:
“waxuu aqrinaayo mahan hees ama cod uu asiga leeyahey, oo waa hadalka Ilaahey, hadaad
rabtidna adiguba waad baran kartaa oo waad
aqrin kartaa, ee maxaad dareentaa ii sheeg kolkaa
maqasho hadlkaa?

”. Naagtii baa hadalkii sii wadey uu tiri: “markaan idin
la istaago, oo aan sameeyo sidaa sameeneeysaan,
waxaan dareemaa nafis, oo culeeyskii baa iga
daga. isla markaana anigoo faraxsana ayaan ka
baxaa Masjidka. Kadib isbuuc ama laba isbuuc baan maqnaadaa

waxaana dareemaa culeyskii oo kale, kadib waan
idiin imaadaa sidii baana sameeyaa, hadana waan
caafimaadaa, oo culeeyskii ba iga daga!!

Marka
sidaas baan u imaadaa meehsan”

SUBAHANALLAH!!

Allow adigaaa mahad leh inagu sugey diintaada ALHAMDULILLAH
HOOS GALI EMAILKAGA LA SOCO QISOOYINKA CUSUB AAN SOO GALIYO:


WALAAL SAXIBADAA LA WADAAG QISADAAN HAKA FAAIDEYSTAANE.

No comments:

Post a Comment

QISOOYINKAN KALENA AQRISO:
  • SIRTA SHEYDAANKA: Qoraal faa'iido badan:
    11.10.2013 - 0 Comments
    SIRTA SHEYDAANKA:Qoraal faa'iido badan:sheydaanku waxuu kugu qalqaaliyaa inaad gashid ama sameesid danbi,…
  • QISO YAR OO CAJIIB AH.Nin ka mid ahaa Saalixiinta oo la Oran jiray C/laahi Ibnu Mubaarak ayaa Sannad wuu Xaji jiray, Sannadna wuu Cimraysan jiray, marka...
    11.11.2015 - 0 Comments
    QISO YAR OO CAJIIB AH.Nin ka mid ahaa Saalixiinta oo la Oran jiray C/laahi IbnuMubaarak ayaa Sannad wuu…
  • Madaxwayne Xasan Shiiq oo Rigoore Tuuray kadib markii Seeriga loo yeeriyay
    09.01.2016 - 0 Comments
    (function(d, s, id) { var js, fjs = d.getElementsByTagName(s)[0]; if (d.getElementById(id)) return; js =…
  • Qiso: ABAALKAAD GASHO WUU KUU SOO LAABANAYAA .
    20.07.2013 - 0 Comments
    Maalin maalmaha kamid ah ayaa nin wuxuu arkay haweney waayeel ah oo dhinac taagan gaari Marsheedis ah…
  • QISO CAJIIB AH OO MUDAN IN LAGU CIBRO QAATO.
    09.04.2014 - 0 Comments
    QISO CAJIIB AH OO MUDAN IN LAGU CIBRO QAATO ( Walaalkeygow iyo Walaasheydiyee Aqriso ).Sheekha Riyooyinka…