Thursday, November 19, 2015

Qiso gaaban: Wiilkii yaraa ee qabriga ka dhexhadlay.

[Ruuxii kacabsada Allah SWT Hor Istaaggiisa Wuxuu Mudan Yahay Laba Janno ]

Waa Qiso gaaban dhacdayna waqtiga Nabiga SCW. Qisadani waxay kumagac dheertahay "wiilka yar ee Qabriga kadhex hadlay" .
Waxaa jiray wiil yar oo ahaay mid Laazima masjidka oo salaadba Salaada kale kusuga, wuxuu ahaa wiil Caado kadhigtay markuu salaada Cishaha dukto inuu aabihiisa oo Markaas duq ahaay booqdo.
Habeen Habeenada kamid ah ayaa Inankii yaraa markuu salaada cishaha Uu soo dukaday ayuu dhex wuxuu Lakulmay gabar aad uqurxoon Waxayna kucazuumday xaafadeeda si Uu xumaan ula sameeyo. wiilka yar Damac baa galay wuuna raacay, wuu Daba socday ilaaa ay gurigeedii Kagashay, markuu kadaba gali rabo Gurigeedii ayaa wiilka waxaa kusoo Dhacday aayad aayadaha Qur'aanka Kamid ah aayadaasna waxay ahayd:

(إِنَّ الَّذِينَ اتَّقَوْا إِذَا مَسَّهُمْ طَائِفٌ مِنَ الشَّيْطَانِ تَذَكَّرُوا فَإِذَا هُمْ مُبْصِرُونَ)
Kuwa dhowrsaday hadduu taabto Shar shaydaan waxay xasuustaan Allah SWT oo waantoomaan, wayna Arkaan xaqa ]

Wiilkii yaraa markuu soo xasuustay Aayadaas istaagiisa ayuu kadhacay Oona suuxay, habeenkii seddax Meelood markee meel tagtay ayuu Soo kacay waxaase loo qaaday Xaafadii aabihiis, aabihiis ayaa wuxuu Waydiiyay, " wiilkaygiyoow waa Aayadee aayadaas ood xasuusatay? " Wiilka markuu aayada bilaabay inuu Aqriyo ayuu suuxay marlabaad Naftane way kabaxday.

Cumar Bin Khattaab ayaa maqlay Qisadii wiilkaas wuxuuna go'aansaday Inuu booqdo Qabrigii wiilka wuxuuna kudhahay, " Fulaan Ibnu Fulaan Wuxuuna kudul aqriyay aaydaan (وَلِمَنْ خَافَ مَقَامَ رَبِّهِ جَنَّتَانِ) "

Wiilkii ayaa wuxuu kadhex jawaabay Qabriga dhexdiisa

"قد أعطانيها ربي يا عمر مرتان "
Eebaheega wuxuu jannada isiiyay cumaroow Laba jeer ]

No comments:

Post a Comment

QISOOYINKAN KALENA AQRISO: