Sunday, January 4, 2015

Sheikh Mohamed Idiris Ila tali: Qabiilka Ma Eed baan Ku Leeyahay?!



Asc. Sheekh salaanta kadib waxaan ahay wiil soomaaliyeed oo ku nool qurbaha, Waxaan raba inaan guursado si aan xaaranta uga badbaado, lakiin guurka waxaa iga hor taagan asbaabo dhowr ah, waxaa iga hor taagan qabyaalad, waayo waalidkeyga iima ogola gabarta qabiilka ay kasoo jeedo, anigana waan ku qancay gabarta dhaqan ahaan iyo diin ahaan intaas dhan, waa gabar dabci wanaagsan oo diyaar u ah iney waalidkeyga ula dhaqanto sida waalidkeeda camal, lakiin kaliya waxay waalidkeyga iigu diidayaan qabiilkeeda marabno waayo hada kahor ayay aabahaada dileen, marka qabiil dhan iney soo duuleena aabaheyga ma dilin ee tuug ayaa dilay oo shaqsiyaad ay soo adeegsadeen marka sheekh talo ayaan kaa rabaa. Ilaahey Jannadiisana haku geeyo ehelkeedana hakaa dhigo maalinta qiyaame amiin adiga iyo inta umada wanaaga iyo qeerka la jecel.


==========================================================================

JAWAABTA SHEIKH MOHAMED IDIRIS XAFIDAHULAAH.

=========================================================================


Walaalkaas Waxaan Leeyahay:




Adeer Khayr Allaha Ku siiyo, gabadha naftaadu jeclaatay iney hoy kula gashana Allaha kuu fududeeyo, hadey khayr kuu tahay, Ilaahayna farxad iyo khayr ha idiin ku dhameeyo. Arrinta gabadha reerkaagu ku diidayo oo ah qabiilka waa arrin Ummadda Jaahiliyadii kaga hartay, oo aan Islaamka sal iyo raad ku lahayn, waxaana dadku ku kala fadli badanyahay Taqwada oo keliya.


Laakiin Saaxiib inkastoo arinkaasu yahay arrin aan wanaagsanayn, haddana waxaan ka xumahay inaanan kugu la talin karin inaad reerkaaga khilaafto oo gabadhaas guursato, waayo in kastoo aad xaq u leedahay doorashadaada in laguu daayo, hadana wax kasta oo aynu xaq u leenahay mar walba iyo waqti walba ma fulin karno, bil mitaal nebigeennu calayhi salaatu wasalaam wuxuu damcay inuu kacbada dumiyo oo kor u qaado laba albaabna u yeelo, arrinkaas oo xaq uu u lahaa inuu sameeyo waxaa ka celiyey inaa. Qureshi markaas u bislayn oo gaalnimadii ku cusbaayeen.


Waxaa jira wax badan oo xaq ah, laakiin aadan mar walba fulin karin oo duruuftu kuu diido, hadii aad tiraahdo duruuf iyo waxa jira toona u aaba yeeli maayana, ay dhici karto dhibaatooyin wajiya kale leh iney dhacaan, sidaa darteed loo baahanyahay sabir iyo dulqaad iyo sugnaan la sugnaado, inta waji oo wax lagu xallin karana la eego, sidaa awgeed saaxiib waxaan kugula talinayaa marka hore inaad ku dadaasho waalidka inaad ka dhaadhiciso rabitaankaaga, gabadhaanuna aaney dembi ku lahayn wax qabiilkeeda dad ka mid ahi sameeyeen, (ولا تزر وازة وزر أخرى ) eedna aaney ku lahayn iney reer ka dhalatay, taasina ay berriba gabadhooda iyaga ku dhacdo, dulmigana cawaaqibtiisu xuntahay, oo aanu daahin, laba qof oo is jecelna aan la kala geyn, sabir iyo dulqaad dheerna aad muujisaan adiga iyo gabadhaaduba, intii dad wax garada ee ehelka iyo culimadana aad la kaashato, gabadha lafteeda si indirect ah hooyo iyo walaalo u barto, hadey ka helaan wax badan ayey fududayneysaa. waxaan rajaynayaa waalidku khayr uun bey kula jecelyihiine, iney rabitaankaaga tixgeliyaan, hadii aad ku guulaysan weydo arrinkaa, sabirka kaalmayso, gabar aan ehelku kula ogolaan kugula talin maayo, ilaahayna gabdhaha waa badiyey, ee mid kale oo qalbiguna doono, waalidkuna raalli ku noqdo raadso.


Ilaahayna umuurta ha idiin sakhiro Adeer, sabirka iyo salaadana badi ilaahay ayaa quluubya haya e, inuu waalidka kuu soo jeediyo, aamiin.

HOOS GALI EMAILKAGA LA SOCO QISOOYINKA CUSUB AAN SOO GALIYO:

WALAAL SAXIBADAA LA WADAAG QISADAAN HAKA FAAIDEYSTAANE.


No comments:

Post a Comment

QISOOYINKAN KALENA AQRISO: