Sunday, January 4, 2015

SHEIKH MOHAMED IDIRIS ILA TALI: DOCTOR IYO GUURKA?

Asc shiikh, waan kusalaamayaa sh.waxaan u baahanahay inaad ilatalisid ..shiikh waxaan ahay ardey waxbarta waxaan dhigtaa labo jaamacadood mid kamida waan dhameeyay oo waa كلية الشريعة والدراسات الاسلاميه kuliyada kalena waa faculty of medicine waana 6yrs hada waxaa ii dhamaadey 3yrs waxaaana ii harey 3yrs shiikh wali ma shaqa bilaabin waayo facultyga medicine is very difficult barashadiisa sidaas ayaan shaqo u bilaabi waayay shiikh waxaan aad uga cabsanayaa inuu shaydaanku igu rido sino, dhibka igu badan ee ihaysata waa shahwada.

Shiikh lkn reerkayagu waa reer ladan alxmd oo wax walba haysta hooyo wey igu dhiirigalisaa inaan guursado waliba aad ayay iila jeceshahay inay aragto anigoo caruur iyo reer wanagsan leh, shiikh hooyo waxey jeceshahy inaan guursado gabadh aan ilma abti nahay oo aad u wanaagsan qurux ahaan iyo akhlaaq ahaan, lkn shiikh aniga gabadh hore ayaan xidhiidh la lahaa mudo dhawr sano ah, oo aad qalbigeyga jaceyl iigu beertey, lkn shiikh waan istikhaareystey ilaahay qalbigeyga wuu ka saaray, gabadhaan jeclaa oo gabadha ay hooyo ila rabto ayuu qalbigeyga galiyay.

Shiikh maxaan gabdhii hore ku sameeyaa taasi waa mid, teeda kale shiikh markaan is dhaho guurso waxa qalbadeyda gasha wal wal iyo in aanan waxbarashadi aan wadikareyn, maadaama ay culeys noqoto shiikh sheydaanka ayaa meelo badan wax iga tusa oo albaaba badan iiga dhigayay wax adag, shiikh maxaan sameeyaa oo aan hawshaa ka sameeya....shiikh aad ayad umahadsantahay ...ilaahayay haku barakeeyo...

======================================================================

JAWAABTA SHEIKH MOHAMED IDIRIS XAFIDAHULAAH.

========================================================================

Wcsww, Diktoorka Mustaqbalka iyo Sheekha waxaan leeyahay Ilaahay Adigana ha ku barakeeyo, cilmigaagana diinta iyo dadkaagaba Allaha ku anfoco.

Saaxiib Waxaa la yiraahdaa Daawada ugu fiican waa mida aad sababta cudurkeeda si fiican u garato, maadaama aad dhakhtar tahay, waxaad sheegtay in walwalka kugu soo dhaca marka aad guurka damacdo uu yahay sheydaanka oo dhinacya badan was waas kaa geliya, waa sidaa aad u garatay wel welkaas saaxiib waa abaabul sheydaan, wax asalana ma laha haba yaraatee, daawadiisuna waa inaad Sheydaanka iska naarto, adkaarta badiso, cubaadada xoojiso, ilaahayna tala saarato oo aadan waswaaskiisa dheg u jalaq siin. Xoog kalena kuguma laha aan waswaasinta ahayn. Nin caqli badanna waan kugu danninayaa maadaama aad laba faculty oo kala fog isku wadey, guurka iyo hal facultyna ka fudud, kana macaan oo ka xiisa badan inshallaah. Bal waxaanba rumaysnahay in guurku wax barashada fududeeyo, waayo maskaxdu markey nasato ayey si fiican u fekertaa.

Tan jacaylka iyo guurka Saaxiib, xikmad hore ayaa jirta oo oraneysa, Sahanka Hooyadu Sarmanseegto Ma noqdo, macnuhuna yahay hooyadu badanaaba gabadha ay isha geliso, oo raallida ka tahay khayr badan ayaa lagala kulmaa, sidaa darteed Saaxiib waxaan filayaa Hawshu iney salaxantahay, gabadhu waa qaraabo, Hooyo Isheey gelisey, Adiga waa ku cajabisey, Istikhaaradiina waa qabatay, reerkuna maashallaah waa buuxaa, Adiga geedii shahwadu fara kulul ayey kugu haysaa, oo waa in xal deg dega loo helaa! Calaa barakatillaah weeye, xagga iyo Xagga adoon eegin Ciidanka ku dul fur meeshaas inshallaah khayr baa ka iman, Welibana guurkaas dib haw dhigin ee de deji, Aniga iyo Asxaabta Boggan ee kuu ducayn doontana Xalwadda yaan nala ka qadin!

Gabadhii aad sheeka wadaagga ahaydeen, nin dareen wanaagsan baad tahay, ilaahay khayr ha ku siiyo, adiga iyo iyaduba sahan ayaad ahaydeen, sahan walbana laguma guuro, calafkuna waa qoranyahay, xarig hadda isku kiin qabtayna ma jiro, khasaaruhuna haduu ka fududyahay, kana xanuun yaryahay hadhaw, marka inaad isu ducaysaan mid walbaba inuu ilaahay khayrkiisa waasicaa u furo ayey xaaladdu u egtahay, ilaahayna haku barakeeyo.

Wabillaahi tawfiiq Yaa Doctor.

No comments:

Post a Comment

QISOOYINKAN KALENA AQRISO: