Wednesday, December 2, 2015

Ka faa,ideyso Xikmadaan qaaliga ah.Qaladaadku ma aha Dhammaadka Nolosha, mana ah dhammaadka rajada guusha, balse


qalaadka oo aad wax ka baratid, qaladaadka ma aha dhamaadka nolasha mana aha dhamaadka rajadaguusha balse keliya khaladku waa dusi ay qasab tahay in qofkastaa uu maro loona baahan yahay in wax laga barto, lagana faaideysto qaladaadka aad gelayso inta aad ku gudo jirto dadaalka aad himiladaada ku gaarayso waa in aad u qaadataa waayo aragnimo iyo dersi aad ku cibro qaadato
XIKMAD WAAYO ARAG AH WWW.DAARUSALAAM.COM

XIKMAD WAAYO ARAG.
1- QALADAADKA OO AAD WAX KA BARATID:- Qaladaadku ma aha Dhammaadka Nolosha, mana ah dhammaadka rajada guusha, balse keliya Khaladku waa Dugsi ay qasab tahay in Qof kastaa uu maro loona baahan yahay in wax laga barto, lagana Faa’idaysto. Qaladaadka aad gelayso inta aad ku gudo jirto Dadaalka aad Himiladaada ku gaarayso waa in aad u qaadataa Waayo-aragnimo iyo Dersi aad ku Cibro qaadanayso.

2- Iska jir in Qalad aad mar gashay uu kugu noqdo Boog Abid ku Daba socota, si joogto ahna aad u Xasuusato, waayo taasi waxey kaa hor istaageysaa in aad Dadaal dambe gasho oo Cabsi ayaad ka qabtaa in aad haddana Qaldanto. Qaladka ka qaado wixii Duruus ku jira, sida in aad Fahamto sida uu ku yimi iyo sida ay tahay in aad mar Labaad isaga ilaaliso, intaa waxa ka soo hara waa Qaladka in aad Dhabarkaaga dambe ka Tuurto si aanadad dib ugu Xasuusanba.

3- K A FAA'IDEYSIGA WAQTIGA & NIDAAMINTIISA:- Arrimaha Muhiimka u ah Guusha Nolosha waxaa ka mid ah in Qofku uu yaqaanno sida ugu Fiican ee uu Waqtigiisa ugaga Faa’idayn karo Gaarista Yoolkiisa Nolosha. Waa in aad waqtiga u Aqoonsato inuu yahay Hanti qaali ah oo Alle Hibo kuu siiyey, sida Saxda ahi waa inaad ka Dhigato Raasamaal aad ka Faa’idaysato, sababna u noqda Guul aad gaarto, haddii kale waa Seef Laba-afleh oo Adiga ayuu ku Jarayaa.

4- RAJO SAN:- Rajo Samaantu waxey ka mid tahay Tilmaamaha muhiimka ah ee lagu garto Ruuxa guusha gaara. In Qofka uu Rajeeyo mar kasta Khayrka waxey Qalbigiisa ku beertaa Rajo fiican iyo Kalsooni uu Naftiisa u qaado, waxeyna ku Dhiirri gelisaa Firfircoonida iyo Shaqada, Arrimahaasina dhammaantood lagama maarmaan ayey u yihiin Guusha uu Ruuxu doonayo inuu Noloshiisa ka gaaro Hadaf Wacan oo Waxtar leh.

Wabillaahi Towfiiq.
(EEBOOW MURAADKEENA NOO SAHAL).
W.Q:- Macoow Ustaad.

HOOS GALI EMAILKAGA LA SOCO QISOOYINKA CUSUB AAN SOO GALIYO:

WALAAL SAXIBADAA LA WADAAG QISADAAN HAKA FAAIDEYSTAANE.

No comments:

Post a Comment

QISOOYINKAN KALENA AQRISO: