QISO YAR OO CAJIIB AH.
Nin ka mid ahaa Saalixiinta oo la Oran jiray C/laahi Ibnu
Mubaarak ayaa Sannad wuu Xaji jiray, Sannadna wuu
Cimraysan jiray, marka ay Sannadka Xajka Gaarto waxa uu
Iibsan jiray Awr, Sannad ka mida Sanadadii Xajka ayuu C/
laahi Ibnu Mubaarak Awrkii doontay, ka hor intaanu Xajka
Tegin, balse meeshii uu Awrka ka Iibsanayay ayuu ku Arkay
Gabar Rifeysa Shimbir, C/laahi Ibnu Mubaarak wuxuu
Weydiiyay Sababta? Waxey tiri:- Waxaan Haystaa Afar
Caruur ah, Odaygaygii waa Hore ayuu Dhintay, Caruurtaydii
waxay Cunto ma Heysato Bakhtiga ayaa u Xalaal ah, Anigu
Buurigaa yar ayaan ugu Shaqayn jiray, kiina wuu Xumaaday
ee ii Hagaaji C/laahi Ibnu Mubaarak wuu Naxay Naftiisa
ayuu Canaantay, Lacagtiina wuu Siiyay.
Sanadkaa Xajkii muusan Tegin Gurigiisa ayuu iska Fariistay
ilaa ay Dadkii ka soo noqdeen Xajkii ka dib Deriskiisii ayuu
Salaamay, wuxuuna ku yiri:- Alle Xajka ha Idinka Aqbalo,
iyaguna waxay ku yiraahdeen:- Adna ilaahay Xajkaaga
Hakaa Aqbalo waa taanu Xajka kugu Aragnee.
C/laahi Ibnu Mubaarak wuu Yaabay Dhowr Qofna sidaas
ayey ku yiraahdeen. Gurigiisii ayuu Tagay Habeenkii Siduu u
Fikiraayay ayuu Seexday, Wuxuu ku Riyooday Rasuulka
CSW, oo ku leh:- Hayaabin C/laahi markaad Lacagta aad
Xajka ku Tegi lahayd Bixisay ayaan ilaahay kuu Weydiiyay
inuu Abuuro Malag kuu Eg oo kuu Xajiya.
Wabillaahi Towfiiq.
(ALLOOW XAJ IYO CUMRO NOO SAHAL, YAA RABBI).
Wednesday, November 11, 2015
QISO YAR OO CAJIIB AH.
About Ibrahim Hashi ahmed
WAA IBRAHIM HASHI AHMED OO KAGA MAHADCELINAYO BOOQASHADADA, WAXAA RAJEYNAYAA IN AAD QORAALKA WAXBADAN KA FAAIDAY, ASXAABTA LA WADAAG INSHA ALLAH.
Newer Article
Qiso Aad Umacaan:Waxay tiri, waxaan ahaa gabadh dhalinyaro ah waxaan Ku soo barbaarey guri diin leh waxaan ...
Older Article
QISO YAR OO CAJIIB AH.Nin ka mid ahaa Saalixiinta oo la Oran jiray C/laahi Ibnu Mubaarak ayaa Sannad wuu Xaji jiray, Sannadna wuu Cimraysan jiray, marka...
QISO IIMAANKA KUU SIYAADINEYSO
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
QISOOYINKAN KALENA AQRISO:
- 05.08.2013 - 0 CommentsGabadhii quruxda badneed oo ey dadkoo dhan wada jeclaadeen sheko murti iyo Leh.Waxaa jirtay gabar aad iyo aad…
- 02.12.2015 - 0 Commentswww.yarankahashiahmed.comka aqriso qisooyin iyo sheekooyin diini ah.Nabi MUXAMED (SCW) waxa uu yiri: Qofka ka…
- 20.07.2013 - 0 CommentsGabaryar oo dhigata jamacada-kuliyada tarbiyada ayaa waxaay kawarameysaa sidii ay kuweydey wixii ay mustaqbal…
- 26.09.2013 - 0 CommentsQISO CAJIIB AH.Laba Nin oo Safar ah ayaa waxay u Fariisteen Qado, mid wuxuu Watay 5xabo oo Rooti ah, kan…
- 22.07.2013 - 0 CommentsImaamu shaafici ILAAHAY ha u naxaristee, ayaa isagoo ardeydiisii wax baraya waxaa u timid haweeney jaariyad…
No comments:
Post a Comment