Thursday, November 19, 2015

Qiso Aad Umacaan

Qiso Aad Umacaan

Waxay tiri, waxaan ahaa gabadh dhalinyaro ah waxaan Ku soo barbaarey guri diin leh waxaan gaadhey 32 jir, wiil ayaa isoo dooney markaanu heshiiney ayaa lagu yiri waa Qof wayn oo wakhtigii guurka way dhaaftey caruur badanna dhali Maysee Faraha ka qaad. Waxaa noo yimid nin xagga wiilka Ka socda wuxuuna noo sheegey in arintii ay ka noqdeen, waxay igu noqotey arin adag hase ahaatee waan iska samrey. Waxaan aadey Cimro xaramka barakaysan ayaan Ku soo Ducaystey oo ilaahay soo baryey, kolkii aan Ku noqonayey wadankaygii waxaan diyaaradda isku aragney saaxiibtey iyo ninkeedii oo isla socda iyo wiil kale oo saaxiibtey ninkeeda ay saaxiib yihiin. Kolkii aan nabadnimid wadankii dhawr casho kadib waxaa isoo wacdey saaxiibtey waxay igu tiri wiilkii diyaaradda inala saarnaa ayaa
doonaya inuu Ku soo doono, aad baan ugu farxay waanuna heshiiney kadibna waan is guursanney. Markiiba waxaan Qaadey Uur Dhakhtar kana waan diidey inaan u tako si aanan u ogaan waxa calooshayda Ku jira waxa uu yahay, habeenkii umulidda markii la gaadhey waxaa ii yimid hooyadey iyo walaashey waxaan kala qaadey indhaha waxanna waydiiyey ma wiil baa mise waa gabadh, iyagoo ilmaynaya ayeey Dhaheen waxaad umushey laba wiil iyo Gabadh. Wuxuu ninkii hore iiga tagey inaanan ilmo badan u dhalayn ilaahayna waxa uu i siiyey markiiba saddex ilmood oo mataano ah. Qof kasta oo ilaahay isku xidha ilaahay madayacayo wuxuuna ka arsaaqi meel uusan ka filanayn.

HOOS GALI EMAILKAGA LA SOCO QISOOYINKA CUSUB AAN SOO GALIYO:

WALAAL SAXIBADAA LA WADAAG QISADAAN HAKA FAAIDEYSTAANE.

No comments:

Post a Comment

QISOOYINKAN KALENA AQRISO:
  • Qiso Cajiib Ah; Gabadh Illaah Hanunshay & Wiil Xumaan La doonayay oo Isna ay Hanuunkiisa iyadu Sabab u Noqotay.
    29.04.2014 - 0 Comments
    Qisadan waxa ka sheekaynaya Wiilka Ay ku dhacday. Wuxuuna yiri: Waxaan Ahaa Mid Aanan tukan salaadda,…
  • Qiso: ABAALKAAD GASHO WUU KUU SOO LAABANAYAA .
    20.07.2013 - 0 Comments
    Maalin maalmaha kamid ah ayaa nin wuxuu arkay haweney waayeel ah oo dhinac taagan gaari Marsheedis ah…
  • FADLIGA TOOBADA LEEDAHAY.
    30.11.2015 - 0 Comments
    Ma dooneysaa in laguu kordhiyo maal caruur iyo barwaaqooyin kale hadii [HAA] aad leedahay toobada u deg-deg…
  • Qiso: Dood yaableh oo dhexmartay, nin muslim ah iyo nin masiix ah.
    15.08.2013 - 0 Comments
    Nin Masiixi ah ayaa waxa uu gurigiisa ku casuumay nin muslim ah, oo ay aqoon guud ay ka dhaxeysay.Masiixigii…
  • Qiso Cajiib Ah: Imaamu shaafici iyo Haweeney Jaariyad u ahayd.
    22.07.2013 - 0 Comments
    Imaamu shaafici ILAAHAY ha u naxaristee, ayaa isagoo ardeydiisii wax baraya waxaa u timid haweeney jaariyad…