Monday, November 30, 2015

FADLIGA TOOBADA LEEDAHAY.

Ma dooneysaa in laguu kordhiyo maal caruur iyo barwaaqooyin kale hadii [HAA] aad leedahay toobada u deg-deg Allaah waxuu yiri asagoo Nabi nuux caleyhi salam hadalkiisi noo shegayo ''waxaan ku iri Rabbigiin danbi dhaaf weydiista waa danbi dhaaf badanee . (10 ) Cirka roob badan ha idiinka keene (11) Hana idiin kordhiyee xoolo ( maal) iyo wiilal iyo beero hana idiin yeelo wabiyaal ''(12] [ suuratu nuux]Ma dooneysaa in caafimaad Allaah ku siiyo awoodna kuu yeelo, Hadii ay jawaabtaadu [HAA] tahay dhageyso Allaah waxuu leeyahay asagoo nabi huud caleysi salaam warkii uu ku yiri qoomkiisii caad noo sheegayo waxuu yiri '' Qoomkeygoow danbi dhaaf weydiista allaah una toobad keena Ha soo diro samada (roobab) Korkiina si badan hana idiin ku kordhiyo xoog xoogiinii (hore) hana jeedsanina adinkoo danbiilayaal ah'' (52 suuratu huud)
Ma dooneysa in lagaa nabad giliyo balaayooyinka iyo halaaga Hadii ay jawaabtaadu [haa] tahay wan filayaa iney tahayee iga dhageyso Allaah waxuu yiri ''Allaah ma ahan ( nabi muxamedoow scw) mid cadaabo (umadaada) adoo dhex joogo Mana ahan mid cadaabo ayagoo danbi dhaaf weydiisan '' (33 anfaal) Ma dooneysaa inaad raaxo ku noolaato aduunka iyo aakhiradaba hadii ay jawaabtaada

 [HAA] tahay dhageyso Allaah waxuu yiri ''dambi dhaaf warsada Allaah una toobad keena wuxuu idiinku raaxayn nolol wanaagsan'' (huud aayada 3) Waxuu kaloo allaah yiri asagoo hammi weyn innaga gilinaayo naxariistiiisa si walbaan u danbaabno ''Waxaad dhahdaa Nabiyow scw addoomadayda ku xad gudbay Naftoodow ha ka quusanina naxariista allaah,allaah waa dhaafa danbiyada dhamaantood, waana dambi dhaaf badane naxariis badane '' (suuratu Zumar aayada 53 aad )
Ma dooneysaa in hamigaaga aad hesho ciriiriga lagaa saaro risqi waasic aad hesho ? hadii ay jawaabto [HAA] tahay dhageyso Nabiga sallaahu caleyhi wasallim waxuu yiri ''Kii laasimaa istiqfaarta Allaah waxuu ugu yeela hami walbo faraj, cariiri walbana makhraj( wuu ka saara cariiriga) waxuuna ka irsaaqa meel uusan filenyn'' { abuu daawuud ba wariyay }.hadaba hadii danbiyadaada ay ka tira bateen ciida, haka quusan naxariista Allaah , Allaah waa uu ku sugaya si aad ugu laabato asna kaaga toobad aqbalo ee maadan toobad keeneen Sheydaanka yuusan ku kadin waqti ma heysatideeu deg-deg toobada.

Wa billaahi tawfiiq

HOOS GALI EMAILKAGA LA SOCO QISOOYINKA CUSUB AAN SOO GALIYO:

WALAAL SAXIBADAA LA WADAAG QISADAAN HAKA FAAIDEYSTAANE.

No comments:

Post a Comment

QISOOYINKAN KALENA AQRISO:
  • Qiso ku sabsan hooyo macaan.
    12.05.2014 - 0 Comments
    Qofkii aanan Qiimeeynin Qiimaha Nolashiisa ay Hooyadiis ku leedahay Ma helo Asagana Qof Qiimeeya Qiimaha…
  • Labada Waalid ee Nabiga scw ma gaalaa mise muslimiin?
    05.02.2014 - 0 Comments
    الحمد لله والصلاة والسلام على رسول الله وبعدDad baa waxay ku murmaan had iyo jeer labada waalid ee Nabiga scw…
  • Qiso: Been ha sheegin. ka fa,ideyso shekadan!!!
    23.07.2013 - 0 Comments
    Nin ayaa maalin u yimid Rasuulka (scw) waxa uu yiri. Rasuul aloow waxa aan sameeyaa waxyaalo badan oo xun xun…
  • Qiso Diini Ah. Xaadib Ibnu Abii Baltaca ( qofkii ilaahay si toosa isugu dhiibana ilaahay ayaa ilaalinaya)
    20.07.2013 - 0 Comments
    Qiso Diini Ah. Xaadib Ibnu Abii Baltaca( qofkii ilaahay si toosa isugu dhiibana ilaahay ayaa…
  • Qiso Yar oo cajiib ah(Waxey ka dhacday Sweden).
    21.04.2014 - 0 Comments
    Qiso Yar oo cajiib ah.(waxey ka dhacday Sweden (Malmo).Waxaa meel Deggenaa Qoys heysta Diinta Kristaanka,…