Thursday, May 1, 2014

Qiso Cajiib ah: qofka ILAAHAY swt ka baqa ILAAHAY wuxu uyeela wax kasta xal iyo dhinac uu uga baxo, waxanu ka arsaaqaa meel aanu ka filanayn

Qiso Cajiib ah

Wiil dhalinyaro ah ayaa wuxu dhigan jiray Jaamacada azhar waqti hore, waxuuna wax ka dhigan jiray xalqad sheekh dhigi jiray. c|laahi wuxu kayimid tuulo fog cid magaalada kuma laha hadaba maalin ayuu xalqada sheekha ka habsaamay dabeeto cuntadii ayaa ardaydii sheekha wax ka baran jirtay iska cuneen dabeeto markuu wax uu cuno waayay ayuu suuqa u soo baxay waa intaasoo wax yar uu cuno soo helaaye inyar markuu soo socday ayaa wuxu arkay guri furan oo miis cunto ah dhex yaalo si dag dag ah ayuu gurigii u soo galay cidna ma arkayso markuu cuntadii soo qaaday uu gacmahiisa ku hayo ayuu isdhahay miyaanad ilaahay ka baqanayn halkan miyaanad cilmi u iman cilmiguna waa nuur miyaad cuni adigoon cidii lahayd waydiisan ! 



markaas ayuu iskaga tagay wuxu ku soo laabtay xalqadii sheekha isaga oon waxa cunin gaajo la ildaran cidna aanay ogayn ilaahay mooyaane! dabeeto waxa si dag dag ah sheekhii ugu soo gashay gabadh waxayna sheekhii dhagta ugu sheegtay hadalo uu c|laahi fahmi waayay! markaas ayuu sheekhii dhahay
c|laahi guur diyaar ma u tahay? c|laahi wuxu dhahay maad igu ciyaaraysaa maanta qado casho iyo quraac midna ma cunin sideen u awoodaa inaan guursado! sheekhii wuxu dhahay c|laahiyow gabadhan odaygeedii wuu dhintay waxa ayna leedahay gabadh dhalinyar ah ay iyadu dhashay aabaheed wuxu uga dhintay hanti fara badan markaa waxay rabtaa nin wanaagsan oo hantidaa iyo lacagtaa u ilaaliya? 


c|laahi wuxu dhahay haday saa tahay waa caadi! mudo yar ka bacdi waxa isa soo raacay gabadhii sheekhii c|laahi iyo dhamaan ardaydii ! siday gabadhii u waday waxay keentay gurigii markii hore uu c|laahi cuntada ku arkay! markaas ayuu c|laahi ooyay! dabeeto sheekhii ayaa ku dhahay ma waxad diidantahay guurka? c|laahi wuxu dhahay may sheekhow gurigan mar hore ayaan imid aniga oo gaajaysan waxan arkay cunto miiskan taala markaan gacmahayga ku qaaday ayaa dar ilaahay uga tagay ilaahayna isagii iyo khayrkale oo la socda ayuu dib ii gu soo celiyay"

• subxaanalaah walaal ilaahay ayaa dhahay :

يقـــــول الله تعـــالـــــي " ومن يتق الله يجعل له مخرجاويرزقهً من حيث لا
يحتسب "

• qofka ilaahay ka baqda ilaahay wuxu uyeela wax kasta xal iyo dhinac uu uga baxo waxanu ka arsaaqaa meel aanu ka filanayn •

• ogow adoonkii alow qofka dar ilaahay wax uga taga ilaahayna wuxu ugu badlaa wax ka khayr badan •

• walal ilaahay ha inaga dhigo kuwa markasta khayrka badsada •

• walal ilaahay ha inaga dhigo kuwa dhaxla janooyinkiisa •

HOOS GALI EMAILKAGA LA SOCO QISOOYINKA CUSUB AAN SOO GALIYO:

WALAAL SAXIBADAA LA WADAAG QISADAAN HAKA FAAIDEYSTAANE.

No comments:

Post a Comment

QISOOYINKAN KALENA AQRISO:
  • QISO CAJIIB AH.Ilaahow wixi masajidkaan so gala naar ha taabsin
    23.05.2013 - 0 Comments
    Waa Qiso cajiib ah nin aya Wuxu yiri habeen Ayaan rerkayga hilib u doonay kadib hilibki asago wada oo u socda…
  • QISO AAD U CAJIIB AH HA KA CAAJISIN FADLAN AQRINTEEDA AWEY DHALINYARADII !!
    03.10.2013 - 0 Comments
    QISO AAD U CAJIIB AH HA KA CAAJISIN FADLAN AQRINTEEDAAWEY DHALINYARADII !!Qasidan waxaa ka sheekeenaaya…
  • Qiso lagu cibro Qaato: Xaqiiqada Hadey ka qarsoonaatay Makhluuqa ,ILAAHA Khaaliqa ah ka qarsoonaanmeyso.
    01.01.2016 - 0 Comments
    Haweeneey Ayaa Oday Lahayd, 5 sano ayuu qabay, Waxaa La dhihi Jiray magaceeda Daaril , wax Ilmo ah umeysan…
  • QAATUMADA WAANAGSAN: Sheeko cajiib ah
    02.10.2013 - 0 Comments
    QAATUMADA WAANAGSAN: Sheeko cajiib ah Maalin maalmaha ka mid ah ayaa nin wadaad ah oo gaarigiisa wato waxuu…
  • SHEEKO XIKMAD BADAN: WIIL IYO AABAHIIS
    14.10.2013 - 1 Comments
    SHEEKO XIKMAD BADAN:WIIL IYO AABAHIISMaalin maalmaha ka mid ah ayaa aabo lagac leh wiilkiisa yaraa u wadey…