Monday, April 21, 2014

Qiso Yar oo cajiib ah(Waxey ka dhacday Sweden).

Qiso Yar oo cajiib ah.

(waxey ka dhacday Sweden (Malmo).
Waxaa meel Deggenaa Qoys heysta Diinta Kristaanka, haddaba Qoyskaasi waxey Deris ahaayeen Hooyo Muslim ah, oo aanan weligeeda waxba Dhalin, hase yeeshee Hooyadu waxey aheyd mid mar kasta ku Dadaasha Cibaadada Rabbi, oo Salaadda iyo Dikriga Allaah aad ayey u Xafidi jirtay.
Hooyada ayaa Maalin Qoyskaasi Kiristaanka ahi ku soo Booqdeen Gurigeeda, oo ayna weligooda soo Gelin. Hooyadii waxey u soo Dhoweysay si Kal iyo Laab ah, Qoyskii Kristaanka iyagoo ku Faraxsan Hooyada soo Dhoweynteeda ayey Guriga soo galeen.

Intaas ka dib ayaa Aabihii Qoyska Kiritaanka ahaa weydiiyey:- Hooyo aaway Wehelkaaga (Ninkaaga), waxeyna ugu jawaabtay:- Wehelkeygu waa Rabbi, isaga ayaan Garabsadaa Rabbigeey. misana Odaygii wuxuu weydiiyey:- Aaway Nuurkii Guriga (Caruurtaada), waxeyna ugu jawaabtay:- Aniga Nuurkeyga iyo Ubadkeyga waa Kitaabka Alle, isaga ayaana Wehel ii ah. Haddana wuxuu weydiiyey oo uu ku yiri:- Hooyo maxaad qabataa oo aad ka shaqeysaa?, waxeyna ugu jawaabtay oo ay ku tiri:- Shaqeyda waa Cibaadada Allaah iyo Dikrigiisa, iyada ayaana wax kasta iiga Qiimo weyn.
Odaaygii intuu yaabay ayuu misana ku yiri:- Allahaaga waa kee ?, waxey ku tiri:- Allaheyga waa kan Adiga ku Abuuray, anigana i Abuuray, waana Kaligii, waxna ma Dhalin, isna lama Dhalin, wax la mid ahna ma jiraan, wax kastana wuu ka Deeqtoon yahay oo waa kan ina Arzaaqa, waana kan ay Awoodiisa ku dhisan tahay Adduunyada oo dhan.
Haddaba, intaas Dabadeed Odaygii iyo Dhamaan Qoyskiisaba meeshii ayey ku Islaameen, oo ay ku qaateen Diinta Islaamka.
Wabillaahi Towfiiq.
(ILAAHOOW TOWBADA & TOWFIIQDA NA WAAFAJI)

No comments:

Post a Comment

QISOOYINKAN KALENA AQRISO:
  • Qiso cajiib ah: Nin saalixiinta ka mid ahaa oo ziyaartay qabuuraha.
    29.04.2014 - 0 Comments
    QISO CAJIIB AH.Nin Saalixiintii ka mid ahaa ayaa Maalin Ziyaartay Qabuuraha, Markaasaa la waydiiyey:- Xagee…
  • Qiso: ABAALKAAD GASHO WUU KUU SOO LAABANAYAA .
    20.07.2013 - 0 Comments
    Maalin maalmaha kamid ah ayaa nin wuxuu arkay haweney waayeel ah oo dhinac taagan gaari Marsheedis ah…
  • Qiso: Dood yaableh oo dhexmartay, nin muslim ah iyo nin masiix ah.
    15.08.2013 - 0 Comments
    Nin Masiixi ah ayaa waxa uu gurigiisa ku casuumay nin muslim ah, oo ay aqoon guud ay ka dhaxeysay.Masiixigii…
  • Ka faa,ideyso Xikmadaan qaaliga ah.Qaladaadku ma aha Dhammaadka Nolosha, mana ah dhammaadka rajada guusha, balse
    02.12.2015 - 0 Comments
    XIKMAD WAAYO ARAG AH WWW.DAARUSALAAM.COMXIKMAD WAAYO ARAG.1- QALADAADKA OO AAD WAX KA BARATID:- Qaladaadku ma…
  • Qiso: Alle Dartiis waxaad uga tagtid Rabi waxa uu kugu Badala Shay ka kheyr badan
    26.11.2015 - 0 Comments
    Qiso: Alle Dartiis waxaad uga tagtid Rabi waxa uu kugu Badala Shay ka kheyr badan. Alle Dartiis waxaad uga…