Wednesday, January 29, 2014

Qiso cajiib ah: Awooda ducada leedahay.

Kulan saxaafadeed ayaa nin ganacsade si weyn looga yaqaano dalka Isu taga Imaaraadka Carabta lagu weydiiyey taariikh soo martay noloshiisa oo uusan marna hilmaami karin, wuxuuna ku jawaabay sidatan:
Habeen habeenada ka mid ah ayaan dareemay welwel iyo caajis, markaasan is iri buu yiri wax xoogaa soo luga baxso oo leyrta soo qaado, intii aan socday ayaan arkay masaajid, markaasaan go'aansaday inaan...
laba rakco iska tukado, kadibna masaajidkaan galay.
Salaadii hadaan dhameystay, waqtiguna yahay mid danbe ayaan masaajidka gudihiisa meel danbe ku arkay qof gacmaha kor u taagaya oo ALLE baryaya, waxaan dareemay in qof dhib iyo kurbo heyso yahay, waan sugay intuu dhameysanayey, kadibna inta u dhowaaday ayaan weydiiyey Walaal ducadaada qof kurbo heysto inaad tahay ayaa ka muuqatay, marka waa maxay dhibkaaga?
Deyn dad igu leeyahay ayaa i murjinaya oo aanan aqoon halkan ka keenayo ayuu iigu jawaabay buu yiri ninkii ganacsadaha ahaa. deetana waxaan ku celiyey: waa imisa? markaas ayuu iigu war celiyey 4 kun oo Dirham, Jeeg ayaan lacag 4 kun Dirham ah ugu qoray, wuu ii mahad celiyey, waana ii duceeyey, waxaan usoo baxshay Kaarkeyga ganacsiga oo ay ku qoran tahay halka uu igala soo xiriirayo, waxaanan ku iri hadaad wax u baahatana halkan igala soo xiriir, waxaan filayey inuu aad ugu farxo lkn ma dhicin, muxuu iigu jawaabay!!!!!!!!!!! Maya walaal, aad ayaad u mahadsan tahay, markaan wax u baahdaba ALLE ayaan baryayaa oo gacmaha u hoorsanayaa, isaga ayaana dhibka iga feydaya siduu hada iiga feyday oo kale!!!!!!!

No comments:

Post a Comment

QISOOYINKAN KALENA AQRISO:
  • Qiso dhab ah: Waxey dhimatay ayadoo dhoola cadeyneysa.
    31.10.2015 - 0 Comments
    waa qiso ku socoto gabdhaha dhamaantood. waa qiso dhab ah mudana ina ku cibro qadano wa gabar adoo kale ah…
  • Qiso diini ah oo waxbadan qalbigaaga ka badali doono, ka fa,ideyso.
    16.08.2013 - 0 Comments
    Nin ayaa maalin maalmaha ka mid ah soo raacey Doon, doontaas waxaa saarnaa, dad aad u fara-badan, doontii…
  • Qiso Cajiib Ah: Imaamu shaafici iyo Haweeney Jaariyad u ahayd.
    22.07.2013 - 0 Comments
    Imaamu shaafici ILAAHAY ha u naxaristee, ayaa isagoo ardeydiisii wax baraya waxaa u timid haweeney jaariyad…
  • SIRTA SHEYDAANKA: Qoraal faa'iido badan:
    11.10.2013 - 0 Comments
    SIRTA SHEYDAANKA:Qoraal faa'iido badan:sheydaanku waxuu kugu qalqaaliyaa inaad gashid ama sameesid danbi,…
  • Mucjiso La Yaab Leh: Gabadh Iyada Oo Yuhuudiyad Ah Masaajid Gashay, Kana Soo Baxday Iyada Oo Muslim Ah.
    10.01.2016 - 0 Comments
    Faadumo waa gabadh u dhalatay dalka mexico oo 28 jir ah waxay ku soo barbaartay family yahuud ah iyo mujtamac…