Friday, October 11, 2013

SIRTA SHEYDAANKA: Qoraal faa'iido badan:

SIRTA SHEYDAANKA:
Qoraal faa'iido badan:

sheydaanku waxuu kugu qalqaaliyaa inaad gashid ama sameesid danbi, kadib markaad danbiga sameesid waxuu isku dayaa hadana inuu kaa hor istaago inaad u toobad keento Rabbigaaga.
asigoo maskaxda kaaga furo buuq oo ku leh:

"war hedhe miyaadan xishooneenin oo Rabigaaga ka cabsaneen, shaley ayeey aheed markaa danbigaan oo kale ka toobad keeneesey, maantana waad ku noqotey, ma Rabbigaaga ayaad ku dheeleesaa IWM "

Hadaba markey xaalku sidaa yahey haka yeelin inaad yeesho warkiisa, si fiican u dhageeso Nabigaaga Mohammad SCW xadiith kiisa.

Nabiga SCW waxaa u yimid nin oo uu sheydaan aad u wareeriyey, kadibna was waas ku qabey toobada markaas buu yiri: "Rasuul allow waan danbaabaa?"
Rasuulka baa yiri: "Toobad keen!!". ninkii baa yiri: "Rasuul allow danbigii ayan ku hadnaa sameenayaa mar kale".
Rasuulka SCW ayaa yiri: "Toobad keen hadana"
Ninkii aya ayiri :"Rasuul allow ilaa goorma ??"
Rasuulka SCW ayaa yiri: "Illaa uu sheydaanka iska dhiibo oo aad ka guuleesato!!"

Walaal Ilaahey ma mooga inaa tahey insaan daciif ah oo mar walbo danbaabaya, sidaa darteed ayuu waxuu kuu furey Albaabada toobada waqti walbo. ee yaanu sheydaanku kaa hor istaagin inaad rabigaaga danbi dhaaf waydiisatid mar walboo qalad kaa dhaco!!

No comments:

Post a Comment

QISOOYINKAN KALENA AQRISO:
  • QISO YAR OO CAJIIB AH: habeen kasta waxaan ku riyoodaa nabiga scw
    12.01.2016 - 1 Comments
    Sheekh Maxamed Xassaan wuxuu yiri: waxaa leey keenay Gabar yar oo 14jir ah, mfvkvfm9858waxayna igu tiri:-…
  • QISADII SACIID BIN AL-MUSAYIB. Saciid waxa uu ahaa mid kamida culimadii diinta ugu caansanayd xilligii banii Umayah dowladda Islaamka u talinayeen:
    28.09.2013 - 0 Comments
    QISADII SACIID BIN AL-MUSAYIBSaciid waxa uu ahaa mid kamida culimadii diinta ugu caansanayd xilligii banii…
  • Qiso Cajiib Ah oo aad aqoon Badan Aad Ka Kororsan .doontid
    04.05.2014 - 0 Comments
    Qiso Cajiib Ah oo aad aqoon Badan Aad Ka Kororsan doontid.Hooyo Muslimad ah ooQurbaha ku Nool ayaa waxey ku…
  • QISO CAJIIB AH OO KAA ILMEESIIN DOONTA Qisadan oo ah mid dhab ah oo dhacdey, waxaa ka sheekeenaayey Sh. Karim Abu zaid waxuuna ku bilaabey sida tan:
    28.09.2013 - 0 Comments
    QISO CAJIIB AH OO KAA ILMEESIIN DOONTAQisadan oo ah mid dhab ah oo dhacdey, waxaa ka sheekeenaayey Sh. Karim…
  • QISO CAJIIB AH: Wanaaga uu leeyahay, qof muslim ah oo aad u ceeb asturtid.
    29.01.2014 - 0 Comments
    Imaam Tujiyo Masaajid weyn oo ku yaalo dalka Suuriya ayaa wuxuu jameecadiisa u sheegay Shan sano ka hor Qiso…