QAATUMADA WAANAGSAN: Sheeko cajiib ah
Maalin maalmaha ka mid ah ayaa nin wadaad ah oo gaarigiisa wato waxuu wadada ku arkey wiil yar oo daba ordaayo gabar labisan, si uu ula hadlo ama u shukaansado, wadaadkii aadbuu u dhibsadey sida anshax xumada ah uu wiilku u foodeenaayo gabarta, markaas buu go'aansadey inuu u naxsteexeeyo wiilka.
kadib gaarigiisii ayuu ka soo dagey oo waxuu u yeerey, una nasteexeeyey wiilkii, asigoo soo xasuusiyey cabsida ilaahey iyo ciqaabta aakhiro jirta.
kadib wiilkii dhalinyarada ahaa aad buu u qalbi qashuucey, oo waxaa ka soo daadatey ilin asigoo leh : "Sheekhoow
wax i waaniyo sanadahaan maanan arag, oo xaqa i tuso, waxaan dhex dabaalan jirey danbi iyo macsi, waxaana mahad leh ilaahii ii kaa soo direy inaad i waanisid. igumana ogid maanta ka dib danbi."
sheekhii aad buu ugu farxey wiilka siduu xaqa ilahey u tusey , kadibna waxuu ka qortey numberkiisa.
mudo laga joogo laba isbuuc ayuu wadaadkii soo xasuustey inankii dhalinyarada aha inuu waco, markuu waxey waxaa ka qabtey wiilkii, markaas buu wadadakii ku yiri: "ASC ma i garaneesaa aniga?"
wiilkii baa yiri: "haa waan ku garanaayaa waxaa tahey wadaadkii ilaahey iisoo direy, iina nasteexeeyey, ALHAMDULILLAH waagii baa iigu danbeesey macsi iyo danbi, oo salaad igama tagto alhamdulilah"
Sheekhii baa yiri: "waa ilaah mahadii ee goormaanu kulanaa"
wiilkii baa yiri: "galabta casirkii xaafada ayan kugu martiqaadaayaa iigu imow insha allah"
sidii baa lagu balamey, waxaana la gaarey waqtigii balanta wadaadkii markuu yimid xaafada ayuu aridii soo gar-garaacey waxaa ka furey nin odey ah oo wajigiisa ka muuqato murug tiro badan. markaas buu ku yiri: "Awey hebel (wiilkii dhalinyarada ahaa)"
odeygii oo yaaban baa yiri: "fiir gacmaheega soo ma qoyna, oo hadan ayan iska dhaqey ciidii aan ku soo duugey wiilkeega. SUBXAANALLAH "
sheekhii baa yiri: "Inaa li laahi waa inaa ileehi raajicuun, oo saakey baan la hadlaayey. galabtaana balansaneen."
aabihii baa yiri: "sheekoow wiilkeega salaada duhur ayuu soo dukadey masjid ka ayuu kitaabka ku soo aqristey. kadib wuu yimid waxuuna yiri xoogaa baan seexanaayaa asigoo qadeenin, sidii beyna nafta uga baxdey."
sheekii aad buu uga naxey mowtul-faja'a ku yimid wiilka, odeygkii dhaley ayaa sii raacsadey warkiisa :
"wiilkeega waxuu ahaa qof ay dhalinyaro nimo qaadey oo danuubta iyo macsida ku dhaca mar walbo, laakiin laba isbuuc ka hor wiilkeega aad buu u soo toosey oo salada kama tagi jirin xitaa waxuu tukan jirey salatul leyl ka. ee goormaa is barateen wiilkeega ??"
sheekii baa ku jawaabey: " Labo isbuuc ka hor"
abihii baa yiri: "oo ma waxaa tahey wadaadka wiilkeega wadada toosan tusiyey" wadaadkii baa yiri: HAA
aabihii intuu ku soo boodey ayuu dhunkadey wadaadkii kuna yiri " shiikoow willkeega sabab fiican ayaa u noqotey, oo naar baad ka bad baadisey JAZAKALLAH"
ALLOW KHAATIMADA NOO TOOSI
Wednesday, October 2, 2013
QAATUMADA WAANAGSAN: Sheeko cajiib ah
Tags
# Qiso Cajiib ah.
About Ibrahim Hashi ahmed
WAA IBRAHIM HASHI AHMED OO KAGA MAHADCELINAYO BOOQASHADADA, WAXAA RAJEYNAYAA IN AAD QORAALKA WAXBADAN KA FAAIDAY, ASXAABTA LA WADAAG INSHA ALLAH.
Newer Article
QAATUMADA WAANAGSAN: Sheeko cajiib ah
Older Article
QISO CAJIIB AH OO KAA ILMEESIIN DOONTA Qisadan oo ah mid dhab ah oo dhacdey, waxaa ka sheekeenaayey Sh. Karim Abu zaid waxuuna ku bilaabey sida tan:
QISO YAR OO CAJIIB AH. MARWADII CAQLIGA BADNEED.Dec 24, 2015
Labels:
Qiso Cajiib ah.
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
QISOOYINKAN KALENA AQRISO:
- 31.10.2015 - 0 Commentswaa qiso ku socoto gabdhaha dhamaantood. waa qiso dhab ah mudana ina ku cibro qadano wa gabar adoo kale ah…
- 24.12.2015 - 0 CommentsNin Qoraa ahaa ayaa isaga oo Fadhiya Qolka uu had iyo jeer wax ku Qorto Gurigiisa Warqad iyo Qalin soo qaatay…
- 01.02.2014 - 0 CommentsQISO CAJIIB AH. (Ilaaheey ayaan ka Xishooday). Qisadaan wuxuu Imaamkii weynaa ee Imaam Dahabi uga Sheekeeyey…
- 26.07.2013 - 0 CommentsHada ka hor ayaa nin Dr ama dhaqtar ahaa oo dr naajix ahaa ayaa gurigiisa ka baxay asagoo u socda airport…
- 31.07.2013 - 0 CommentsQiso cajiib ah oo ku dhacday wiil xabad tufaax ah cunay Waxaa la yiri qarnigii koowaad ee Hijriyada ayaa…
Askari Herbal Hair Oil
ReplyDeleteis serving since 1951 to provide the best herbal treatment to their customers.We provide many herbal products including herbal hair oil, Norangi ubtan, Argan capsules and many other products.