Sunday, August 18, 2013

Qiso: Waligaa Ra,yigaaga gaaban haku xukumin qofna, waayo ma ogid sida ay noolashooda tahay iyo waxa ay la tacaalayaan.

Doctor baa waxuu isbitaalka kusoo galay si dag dag ah, waayo waxaa loogu wacay in uu qalniin sameeyo, wuuna aqbalay codsigii. Si dhaqso ah ayuu dharki iskaga badalay, waxuuna dhaqso ku aaday qolka qalniinka. Albaabka hore ee qolka qalniinka waxuu kula kulmay wiilka qalniinka lagu sameyn doono aabahiis oo sugayey dhaqtarka wiilkisa qalniinka ku sameyn doono.
Odaygi wiilka dhalay markuu arkay dhaqtarkiba qeyli ayuu afka furtay, waxuuna lahaa, "Maxaa xiligaan usocotaa??, Soo ma ogid in wiilkeyga noolashiisa ay qatar ku jirto?.
Doctorki in uu dhoola cadeeyey ayuu ku yiri.

"Iga raali noqo, aniga isbitaalka ma joogin, sida ugu dhaqsiyaha badan ayaan ku imid markii la isoo wacay oo la ii sheegay in aan wiilyar qalniin ku sameyn doono. Waxaan rajeynayaa in aad is dajiso si aan shaqadeyda aan u sameeyo.
Odaygi aad buu usii xanaaqay, waxuu yiri. "Maxaa tiri, is daji aa? Kawaran hadii wiilka la qalaayo uu ahaan lahaa wiilkaga, miyaad is dajin lahayd??? Waxaa kaloo iga jawaabtaa, hadii wiilkaga hada dhinto maxaa sameyn lahayd???.
Doctorki hadana asagoo dhoola cadeynayo ayuu ku yiri, "Caro ayaa nalaga abuuray, carana waa nalagu duugayaa" Cizi iyo sharaf ILAAH ayey u sugnaatay. Dhaqar, noolasha ma sii dheereyn karo. Kac oo wiilkaga lahadal intaan qalniinka sameynin, insha Allah, inta awoodanada ayaan sameyneynaa.

Qalniinki saacado badan ayuu qaatay, daqtarkiina aad bey ugu farxeen natiijada qalniinka.
Banaanka ayuu usoo baxay daqtarki, odaygi ayuuna usheegay, warki farxada lahaa, oo ahayd in wiilkisa uu badbaaday, asagoon ka sugin jawaabta uu odayga bixin doono ayuu ku yiri, wixii suaal aad qabto, kalkaalisada usheeg, wuuna baxay asagoo aad u dag dagsan.
Odaygii ayuu kalkaalisada ku yiri, maxuu daqtarka sidaan iskula weynyahay??? Waxyar muu suga si aan si fiican uga wareysto xaalada wiilkeyga.


Kalkaalisadi ayadoo ilmo indhaheeda ka qubanayaan, ayey odaygi ku tiri "Shalay ayaa Daqtarka wiilkiisi shil baabur ku dhintay, duugti wiilkiisa ayuu ku mashquulsanaa markaan ugu soo waceynay, qalniinka wiilkaga, hada marka uu noolasha wiilkaga badbaadiyeyna, waxuu usii cararay, si uu u dhameystiro, duugitaanki wiilkisa.
Muhiimada qisada waxa waye:
Waligaa Ra,yigaaga gaaban haku xukumin qofna, waayo ma ogid sida ay noolashooda tahay iyo waxa ay la tacaalayaan.


HOOS GALI EMAILKAGA LA SOCO QISOOYINKA CUSUB AAN SOO GALIYO:


WALAAL SAXIBADAA LA WADAAG QISADAAN HAKA FAAIDEYSTAANE.

No comments:

Post a Comment

QISOOYINKAN KALENA AQRISO:
  • Alle Kacabsigii Saxaabada.
    11.01.2013 - 0 Comments
    Bismillaah Arraxmaan Arraxiim. Ilaahay baa ammaan oo dhan & xamdiba iskaleh, Allaha Khabiirka ah oo…
  • Qiso cajiib ah: Waxuu yiri: Allah swt hadii uu jiro Hal saac kadib nafta ha iga qaado.
    02.08.2013 - 0 Comments
    Qiso cajiib ah: Waxuu yiri: Allah swt hadii uu jiro Hal saac kadib nafta ha iga qaado.Wuxuu ahaa wiil…
  • QISO YAR OO CAJIIB AH.(Janada Ayuu Galay Asagoon Hal Mar Sujuudin).
    25.07.2014 - 0 Comments
    QISO YAR OO CAJIIB AH. (Janada Ayuu Galay Asagoon Hal Mar Sujuudin). Waxaa Jiray Nin la Oran Jiray Camar…
  • QISO CAJIIB AH.ILAAHOOW CADAABTAADA NAGA BAD-BAADI
    09.04.2014 - 0 Comments
    QISO CAJIIB AH.Waxaa laga wariyey Mansuur Ibnu Camaar, Inuu yiri waxaan baxay Habeen, Anigoo u maleeyey inuu…
  • QISADII SACIID BIN AL-MUSAYIB. Saciid waxa uu ahaa mid kamida culimadii diinta ugu caansanayd xilligii banii Umayah dowladda Islaamka u talinayeen:
    28.09.2013 - 0 Comments
    QISADII SACIID BIN AL-MUSAYIBSaciid waxa uu ahaa mid kamida culimadii diinta ugu caansanayd xilligii banii…