Nin ayaa maalin maalmaha ka mid ah soo raacey Doon, doontaas waxaa saarnaa, dad aad u fara-badan, doontii ayaa qalib matey, dhamaan dadkii oo idil waxey noqdeen kuwo dhinta, marka laga reebo ninkii maahane..
Xeeb ayuu kusoo gaaray si naf la caari ah, wax dad ah muusan arkin wax caawiya iska daayee.. Rafaad iyo silac fara badan kadib ayaa waxuu bilaabay inuu dhinto daash isaga oo soo aruursaday xaabo. Gaajo ayaa qabatey wuxuu ku dhaqaaqey bal inuu raadsado geed miro la cuno leh, hase ahaatee waxuu dib ugu soo laabtay daashkii oo gubanaya, markaas
buu wuxuu yiri, Allow maxaa sidaan igu gashay.
habeenkii wuxuu seexday daashkii uu dhistay meel aanan ka fogeyn, subixii ayaa wuxuu kusoo kacay qeylada markab soo gaaray goobtii uu joogey... Ragii markabka saarnaa ayaa soo badbaadiyey, markii ay meel dhexe marayaan ayuu ku yiri: War nimanyahaw sidee ku ogaateen inaan joogo meeshaan..
Waxey ugu jawaabeen anagoo mareyna meel fog ayaa waxaa xaley aragney qiiq iyo holac hawada qabsaday, dabadeed waxaa niri meeshaas qof baa ku dhibaateysan oo u bahaan caawinaad ee ina keena. Sidii ayaan kuugu imaaney, kuguna soo badbaadinay.
Fiiro Gaar ah: Hadaba ILAAHAY swt, wuxuu wanaag kuu soo mariyaa meel aadan filaneynin ee waligaa haku deg degin inaad ka xumaato go,aankiisa. Ninkaan wuxuu ka xanaaqey daashkii laga gubey, balse ILAAHAY swt waxuu dabkaas ugu badalay, badbaado iyo isaga oo dhulkiisii iyo dadkiisii ku laabtey. Meeqaa dhib nasoo gaara oon ku deg degnaa inaan sabar la,aan is dhiibno, lagana yaabo inuu ILAAHAY swt, wanaag noo soo wado.
Sidookale waxaad ogaataa, NabiyuLAAHI Yussuf cs, Dhibka iyo rafaadka ay walaalihiis soo marsiiyeen, waxuu ugu badalay in uu noqdo, waziirka masar.
ILAAH swt sabarka hanagu arzuqo.
Friday, August 16, 2013
Qiso diini ah oo waxbadan qalbigaaga ka badali doono, ka fa,ideyso.
Tags
# Qiso Cajiib ah.
About Ibrahim Hashi ahmed
WAA IBRAHIM HASHI AHMED OO KAGA MAHADCELINAYO BOOQASHADADA, WAXAA RAJEYNAYAA IN AAD QORAALKA WAXBADAN KA FAAIDAY, ASXAABTA LA WADAAG INSHA ALLAH.
QISO YAR OO CAJIIB AH. MARWADII CAQLIGA BADNEED.Dec 24, 2015
Labels:
Qiso Cajiib ah.
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
QISOOYINKAN KALENA AQRISO:
- 28.09.2013 - 0 CommentsQISO GAABAN OO KU CIBRO QAADASHO MUDAN: Nin odey ah oo meel ku ooynaaya ayaa u yimid nin markaas…
- 11.01.2016 - 0 CommentsHamoodin qofku inuu soo dhasho isagoo la tixgaliyo ama la jeclyahay. Laakiin waa wax la kasbado lana gaadho…
- 20.08.2013 - 0 CommentsWELIGAA QOF MUSLIMA HA XAQIRIN!QISA WIIL DHALIN YARAA OO YAAB LEH (RAABICA CADAWIYA)....Sheekada waxaa…
- 24.01.2015 - 0 CommentsQISO DIINI AH~Akhri oo ku cibro qaado walaalkeyga / walaasheyda muslimka ahow.Qisadaan waa qiso diini ah oo…
- 26.04.2014 - 0 CommentsQISO YAR OO CAJIIB AH.Waxaa jiray Nin Salaadaha Masaajidka ku ilaalin jiray oo lagu yaqaanay Masjidka, Ninkii…
No comments:
Post a Comment