Friday, August 2, 2013

Qiso cajiib ah: Waxuu yiri: Allah swt hadii uu jiro Hal saac kadib nafta ha iga qaado.

Qiso cajiib ah: Waxuu yiri: Allah swt hadii uu jiro Hal saac kadib nafta ha iga qaado.

Wuxuu ahaa wiil dhalinyaro ah oo wax ka barta dalka urdun, kuna soo koray diin la,aan,iyo in uusan ILAAHAY aqoonsaneyn, maalin maalmaha ka mid ah ayuu ardeydii isugu yeeray isagoo doonayey inuu wadada xaqa ah ee islaamka la weeciyo, waxa uuna yiri:Hadii ILAAHAYGA aad aamisantihiin, uu yahay mid jira, hal saac kadib nafta ha iga qaado.waxa uuna fiiriyay saacadiisa isagoo daqiiqadihii tusinaya ardeyda.wixi waqtiga uusocdaba waxaa lagaaray saacadii, walina
ma uusan dhiman, waxa uuna markale yiri: waad ujeediin sow ma ahan in ILAAHAY swt uusan jirin, hadii uu jiri lahaa, maxuu ii dili waayey?Ardeydii ayaa meeshii ku kala tagay, ayadoo qaarkood la yaaban yihiin caqlixumada, ninkaan. Halka qaarkalena ay leeyihiin ILAAHAY ayaa sii deynaya si cuquubadu ugusii badato.
Ardeygii ayaa isaguna gurigiisa aaday, waxa uuna guriga ugu tegay hooyadiis oo cunta u diyaarisay iyo aabihiis oo sugaya waxa durbadiiba lagu yiri gacmaha iska soo dhaq, cuntada adiga yaan kula sugeynaye.Suuliga ayuu aaday si uu isaga soo meyro gacmaha, waxaa durbadiiba laga war helay wiilkii oo istaaga ka dhacay suuliga dhexdiisa, isla markaana naftu ka baxday si deg deg ah.baaritaan dheer oo lagu sameeyey sababta dhimashadiisa keentay ayuu dhaqtarkii ogaaday in ay dhegta biyo ka galeen xiligii uu waji dhaqanayey.
waxaana cad oo culimada caalamku ogaadeen in dameerka hadii dhegtiisa biyo galaan uu dhinto.Taasoo lamacno ah, in ILAAHAY la mid yeelay dameer dhegta biyo ka galeen.Arintaan ayaana noqotay mid aad loola yaabay, oo wax badan laga qoray wadamada islaamka gaar ahaan urdun.
SUBHANALLAH.. ILAAHAYOW KHAATUMADEENA HAGAAJI. AAMIN YA RABB.

No comments:

Post a Comment

QISOOYINKAN KALENA AQRISO:
  • QISO CAJIIB AH OO MUDAN IN LAGU CIBRO QAATO.
    09.04.2014 - 0 Comments
    QISO CAJIIB AH OO MUDAN IN LAGU CIBRO QAATO ( Walaalkeygow iyo Walaasheydiyee Aqriso ).Sheekha Riyooyinka…
  • Aabe Maxay Dumarka u Ilmeeyaan!..
    29.03.2015 - 0 Comments
    Wiil ayaa Waxa uu Waydiiyay Hooyadii " Hooyo Maxaad la Ilmaysaa? Waxay ugu Jawaabtay Hooyo Waxaan ahay…
  • Qiso: ABAALKAAD GASHO WUU KUU SOO LAABANAYAA .
    20.07.2013 - 0 Comments
    Maalin maalmaha kamid ah ayaa nin wuxuu arkay haweney waayeel ah oo dhinac taagan gaari Marsheedis ah…
  • Qiso Cajiib ah oo diini Ah Oo Aad U Xanuun Badan Lana Magac Baxday “Qalbi Jabkii Oohinta Badnaa”.
    13.04.2014 - 0 Comments
    Bara’ah waa Gabar 10jir ah, dhameesayna Quraanka, waliba Tajwiid ku Darsatay.Waalidiinteed waxay ahayeen…
  • Qiso Cajiib ah: MUSLIM MA AHI LAKINSE WAAN DUKADAA SALAADA. MUST READ!!!
    28.07.2013 - 0 Comments
    Qiso Aad Iyo Aad U Cajiib Ah Cibro Qaadashana Mudan “Muslim Maahi Lakin Waan Dukadaa Salaada”. MUSLIM MA AHI,…