Thursday, August 1, 2013

Qiso cajiib ah: Gabadh dhalin yaro ah oo wiil Qol la seexatey?

Gabadh dhalin yaro ah oo wiil Qol la seexatey?

Gabdho dhalin yaro ah ayaa u baxay safar iyagoo jecel inay wax soo baadhaan, waxaa la socday macalimiintoodii, kadiba waxay gaadheen meel laga guurey, gabadh gabdhaha ka mid ah waxay ka fogaatey ardaydii iyo macalimiintii, markii hawshii dhamaatey dhammaaan dadkii baskii buu korey, gabadhiina way ka tageen iyagoo moodaya inay la socoto.
Gabadhii way soo noqotay mise meeshii waa cidla dadkiina way tageen, cabaar bay qaylisey mise cid maqlaysaa ma jirto, kadibna dantu waxay ku kaliftey inay bal u lugayso tuulada ugu dhaw, waxay soo lugaysaba waxay ku soo beegmatay buul yar oo meel ka dhisan, way gar garaacdey wiil dhalin yaro ah baa ka soo baxay, waxay tiri waxaan rabaa tuulada iigu dhaw wuxuu ku yiri halkan tuulo kama dhawa ee iska joog barri baan ku gayne.
Gabadhii iyadoo baqaysa bay buulkii soo gashay sariirtisii buu u habeeyey , Habeenkii markii la gaadhey ayuu Shamac daartay, Gabadhu way baqaysaa nin dhalin yaro ah oo ay qol la huruddo halista uu leeyahay habeenkii oo dhan way is ilaaalinaysey waxayna fiirinaysey bal waxa uu sameeyo.
Markuu xoogaa joogaba shamaca ayuu gacantiisa saaraa oo ku gubaa, waagii markuu baryey isagoo fara guban ayuu gabadhii ka xeeyey, gabadhuna waxay moodaysay inuuba jin yahay ninkaan farihiisa gubaya.
Markay aabaheed u tagtey ayeey qisadii uga sheekaysey kadibna odaygii waa rumaysan waayey, wuxuu is yir gabadh dhalin yaro ah nin kama bad baadayso waxbaa jira, Odaygii wuxuu iska dhigey Nin safar ah Meeshii ninkii joogey ayuu tagey, kadibna ninkii dhalin yarada ahaa ayaa marti qaadey, Markii la is waraystey odaygii wuxuu arkey wiilka faraha guban, maxaa kugu dhacay buu ku yiri, wuxuu yiri waxaa igu dhacay, gabadh dhalin yaro ah oo lunsan baa habeen dhawayd ila soo seexatey qolkan yar, kadibna shaydaankii ayaa i amrey inaan ka shaqaysto, markasta oo uu i amro inaan ficil xun ku sameeyo gabadha dabkaas baan gacanta galiyaa, Odaygii go'aan wuxuu ku gaadhey in uu wiilka gabadha u guuriyo sidaas buuna ku guursadey gabadhii.

Wuxuu ka tagey xaaraan Hal habeen ah, ilaahayna waxa uu siiyey xalaal lagu waaro.

ilaahay khayrka ha ina waafajiyo xumaha iyo sharkana ha inaga bad baadiyo.

No comments:

Post a Comment

QISOOYINKAN KALENA AQRISO:
  • Ka faa,ideyso Xikmadaan qaaliga ah.
    02.12.2015 - 0 Comments
    XIKMAD WAAYO ARAG AH WWW.DAARUSALAAM.COM XIKMAD WAAYO ARAG. 1- QALADAADKA OO AAD WAX KA BARATID:-…
  • qiso cajiib ah: Hooyo Gabar ay dhashay xaramka uga dhuntay sanado ka dibna heshay ayadoo......
    01.12.2015 - 0 Comments
    booqo www.yarankahashiahmed.com ka aqriso qisooyin diini ah Aslaamu Calaykum WaraxmatulaahiWabarakad…
  • QISO CAJIIB AH.Ilaahow wixi masajidkaan so gala naar ha taabsin
    23.05.2013 - 0 Comments
    Waa Qiso cajiib ah nin aya Wuxu yiri habeen Ayaan rerkayga hilib u doonay kadib hilibki asago wada oo u socda…
  • Qiso Faaido badan: Aabo Allah ka cabso, Aabo Allah ka cabso, Aabo.......
    06.12.2015 - 0 Comments
    Maalin Maalmaha ka mid ah , waxa Jiray Nin ka mid ah Ragga Illahay Siiyay Lacag , nin taajir ayuu…
  • Qiso: ABAALKAAD GASHO WUU KUU SOO LAABANAYAA .
    20.07.2013 - 0 Comments
    Maalin maalmaha kamid ah ayaa nin wuxuu arkay haweney waayeel ah oo dhinac taagan gaari Marsheedis ah…