Monday, August 5, 2013

Gabadhii quruxda badneed oo ey dadkoo dhan wada jeclaadeen sheko murti iyo Leh.

Gabadhii quruxda badneed oo ey dadkoo dhan wada jeclaadeen
sheko murti iyo Leh.

Waxaa jirtay gabar aad iyo aad u qurux badan indhihii arkaana ey jeclaanaayaan waxaa arkay wiil dhalin yara ah woona jeclaaday woxoo u yimid aabihiisa woxoona ku dhahay aabe maanta gabar ayaan arkay oo aad u qurxan waana jeclaaday waxaan rabaa inaad ii doontid ....................
aabihiis wuu ku farxay arintii woxoona aaday si uu ugu doono gabadhaas wiilkiisa markoo arkay gabadhi ayoo odaygii ka helay woxoona ku yiri wiilkiisa gabadhaan adiga ma u qalantid waxaa tahay wiil yar waxaa u qalbo nin ka weyn oo dhaqan kara ...
wiilkina wuu iska celiyay duqa wuna la dooday waxey isla aadeen saldhiga booliska wexeyna arinti u soo bandhigeen askarigi meesha joogay askarigii woxuu ku yiri

keena gabadha saan idinku kala saaro waxaa la keenay gabadhii...

askarigi markoo arkay gabadhi wuu ka helay wuxuuna ku yiri lamadiinaba uma qalantiin gabadha waxaana u qalma ninka naftiisa dalkisa u huraayo una shaqeenaya umadiisa dartooda waana aniga

arinti ayaa lagu dooday kadib waxaa leeskula tagay qaadigii maxkamada waxaa loo soo bandhigay arintii woxoona yiri hala keeno gabadha isla marki waa la keenay gabadhi qaadigi markoo arkay gabadha wuu jeclaaday asigana woxoona ku yiri..

intiinaba uma qalantiin gabadhaan waxaa u qalma nin xikmad yaqaan oo xaakim ah dadkana shareecada ku kala sooro arinti wey xumaatay waxaa badatay doodi iyo dagaalki waxaa leeskula tagay madax weynihii meesha ka talinaayi si uu arintaan xal ugu keeno

madax weynihii markoo arkay gabadhi ayoo sidi caadada eheed ka helay wuuna jeclaaday woxoona ku yiri kuligiin uma wada qalantiin ee anaa u qalmo oo madax weyne eh dalkana xukuma isla marki waxaa hadashay gabadhi .........


wexeyna tiri anigaa xaal haayo waxaana xalka ah waan ordayaa idinkana waa iga soo daba ordeeysiin waxaana i guursanaayo ninki i soo qabtaa wey wada ogolaadeen nimanki 5ta ahaa gabadhiina wey oroday ragiina wey ka daba ordeen sidi loo ordaayi ayey ragi 5ta ahaa wexey hal mar ku wada dheceen god dheer...

gabadhi ayaa soo kor istaagtay godkii wexeyna ku tiri ma i taqaaniin anigaan saan aad iiga daba carareesiin aniga waxaan ahay aduunyo waana qurux badanahay qof walbana woxoo jecel yahay in uu i helo
lkn ma jiro qof i helaayo qofki isku dayaana inoo i helo woo dhimanayaa marka sheekada waxaa ku jirto xikmad gabadha ey dadku wada jecelyihiina waa

aduunyada ...aduunyada aad ayey u qurux badantahay dadkuna wey wada jecelyihiin waana laga wada dhimanayaa oo lagu
waari maayo marka yaan leesku dhiibin aduunyo yaana la raac raacin mar walbo halagu fikiro tii aaqiro... maxaa yeelay aakhiro ayaa kasii quruxbadan oo laga dhimaneyn .... shukran aqrintada

No comments:

Post a Comment

QISOOYINKAN KALENA AQRISO:
  • Qiso Cajiib Ah oo aad aqoon Badan Aad Ka Kororsan .doontid
    04.05.2014 - 0 Comments
    Qiso Cajiib Ah oo aad aqoon Badan Aad Ka Kororsan doontid.Hooyo Muslimad ah ooQurbaha ku Nool ayaa waxey ku…
  • QISO CAJIIB AH OO KAA ILMEESIIN DOONTA Qisadan oo ah mid dhab ah oo dhacdey, waxaa ka sheekeenaayey Sh. Karim Abu zaid waxuuna ku bilaabey sida tan:
    28.09.2013 - 0 Comments
    QISO CAJIIB AH OO KAA ILMEESIIN DOONTAQisadan oo ah mid dhab ah oo dhacdey, waxaa ka sheekeenaayey Sh. Karim…
  • XIKMAD AAD U QIIMO BADAN.Haddii aad dooneysid in aad gaarto Yoolkaada ama Halka aad Higsaneyso waa inaad ka Fureysataa..
    19.12.2015 - 1 Comments
    Beri baa waxaa la yiri waxaa Tartamay Bakeylayaal Fara badan iyagoo loo Dhigay Tartan ay ku Galayeen kii…
  • Qiso aad u cajiib badan oo Muuqaal ah Sh-Ahmed Nuur
    01.12.2015 - 0 Comments
  • Qiso cajiib ah.
    12.11.2013 - 0 Comments
    QISO CAJIIB AH. Nin Dadkii Saalixiinta ka mid ahaa ayaa wuxuu yiri:- Waxaan soo galay Masar waxaan arkay Nin…