MAKHLUUQA IYO TASARUFKA ILAAH
Islaan ayaa waxa ay u timid Nebi Daud(calyhi salam). Waxa ay ku tiri
“Nabigii ilaahayow rabigaada ma daalim baa mise waa caadil?” Nebi daud
CS waxa uu yiri: “War liibaantaadiye waa caadil aan marna gabood
falayn.” Markaas ayuu dhahay nebi Daud ” Qisadaada maxay ahayd?”
Islaanti waxa ay tidhi: “Waxa aan ahay islaan garoob oo leh seddex
caruur.
Nolosha caruurteyda aniga ayaa dabaro oo waxa aan ku nafaqeey
dun aan gacanteyda ku sameeyo. Shalayto waxa aan dunteytii ku soo
xirtay calal guduudan si aan suuqa ogu soo iibsado caruurteydana aan
ugu nafaqeeyo. Aniga oo socdo ayaa waxa igu soo dul dagay shimbir waxa
uuna iga qaatay calalkii iyo duntii waana la tagay.”
Islaantii iyo nebi daud oo sheekadii dhexda umareyso ayaa albaabka la
so qaraacay. Nabi Daud ayaa u idmay in ay soo galaan. Waxa soo galay
toban nin oo ganacsade ah mid walba waxa uu gacanta ku wadaa toban kun
oo diinaar. Waxa ay dhaheen: “Nebigii ilaahayow lacagtaan sii dadka
mustaxiqiinta ah muteystay in la siiyo.”
Nabi Daud waxa uu weydiiyay sababta ku xambaartay in ay sadaqeestaan
lacagtaan? Waxa ay dhaheen: ”Anaga oo markab saaran ayaa
waxa kacday dabeysha badda waxa aan ku dhowaanay in aan maanshoono, anaga oo xaaladaas ku sugan, waxa noo timid shimbir waxa ay noo soo tuurtay dun ay calal guduudan ku xiran.
Dunti ayaa waxaan ku xirxirnay oo ku duudnay markabkii caybtiisa.
Dabeeshii ayaa dagtay ceebtii markabkana waa duudmatay waxa aan ku
nadarnay in mid walba oo anaga naga mid ah in uu sadaqeesto kun dirham
ah maalkaan hortaada yaalo ku sadaqee cidda aad dooni.”
Nebi Daud waxa uu soo milicsaday islaantii waxa uu dhahay: “Rabigaada
waxa uu kaaga gancinayaa(ganacsi) bariga iyo bada adigana waxa aad ka
yeeli daalim. Waxa uu siiyay kun diinaar waxa uu ku dhahay ku nafaqee
caruurtaada.
Allah daalim laguma sifeen karo maxaa yeelay waa maalik. Maalikna
waxaa milkigiisa ku jiro sida uu doono ayuu ogu tasarufaa. Dulimina
waxa uu ka imaan karaa marka aad xoolo dad leeyahay aad idan la’aan ku
tasarufto. Allana waxa koonkaan joogana milkigiisa ayay ku jiraan. In
Alle Adoonimo loo qirana waa magaca ugu wanaagsan oo qof muslim ah
lagu tilmaamo.
Wednesday, July 31, 2013
Home
/
ALLAH KA CABSI
/
Qiso Cajiib ah.
/
QISO XIKMAD BADAN
/
Qiso Cibro Qaadasho Mudan Oo Diini Ah: Islaantii U Imaatay Nabi Daa’uud “Cs”..
Qiso Cibro Qaadasho Mudan Oo Diini Ah: Islaantii U Imaatay Nabi Daa’uud “Cs”..
About Ibrahim Hashi ahmed
WAA IBRAHIM HASHI AHMED OO KAGA MAHADCELINAYO BOOQASHADADA, WAXAA RAJEYNAYAA IN AAD QORAALKA WAXBADAN KA FAAIDAY, ASXAABTA LA WADAAG INSHA ALLAH.
Newer Article
Qiso cajiib ah oo ku dhacday wiil xabad tufaax ah cunay
Older Article
Qiso Cibro Qaadasho Mudan Oo Diini Ah: Islaantii U Imaatay Nabi Daa’uud “Cs”..
Labels:
ALLAH KA CABSI,
Qiso Cajiib ah.,
QISO XIKMAD BADAN
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
QISOOYINKAN KALENA AQRISO:
- 29.04.2014 - 0 CommentsQISO CAJIIB AH.Nin Saalixiintii ka mid ahaa ayaa Maalin Ziyaartay Qabuuraha, Markaasaa la waydiiyey:- Xagee…
- 02.12.2015 - 0 Commentswww.yarankahashiahmed.comka aqriso qisooyin iyo sheekooyin diini ah.Nabi MUXAMED (SCW) waxa uu yiri: Qofka ka…
- 19.11.2015 - 0 Comments[Ruuxii kacabsada Allah SWT Hor Istaaggiisa Wuxuu Mudan Yahay Laba Janno ] Waa Qiso gaaban dhacdayna waqtiga…
- 14.10.2013 - 0 CommentsSHEEKO XIKMAD BADAN:WIIL IYO AABAHIISMaalin maalmaha ka mid ah ayaa aabo lagac leh wiilkiisa yaraa u wadey…
- 04.01.2015 - 0 CommentsAsc shiikh, waan kusalaamayaa sh.waxaan u baahanahay inaad ilatalisid ..shiikh waxaan ahay ardey waxbarta…
No comments:
Post a Comment